Somali Medical Forums
January 08, 2009, 12:44:02 AM *
Welcome, Guest. Please login or register.

Login with username, password and session length
News: DISCUSSION: Does Teething Cause Diarrhea?
 
  Website   Home   Help Search Login Register  
Pages: [1]
  Print  
Author Topic: Busbus (Chicken Pox)  (Read 202 times)
0 Members and 1 Guest are viewing this topic.
SomaliDoc
Moderator
*****

Points: 0
Online Online

Gender: Male
Location: Somalia
Field: SMF Helper
Posts: 224


Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!


WWW
« on: March 18, 2008, 07:58:43 PM »

Muxuu yahay?
Busbusku waa infakshan guud oo uu dhaliyo fayras (Varicella Zoster). Ilmaha waxaa hayn karta qandho maalin ama laba, dabadeedna waxaa guduuta maqaarka waxaana ka dambeeya kuuskuusya yaryar oo guduudan (beerbal iyo kaffee ka muuqda maqaarka) kuwaas oo laba ilaa afar berri ka dib noqda meel biyagaleen. Meelahaas nabarada noqday way cadaadaan waxaana gasha malax dhowr maalmood ka dibna waxaa fuusha qolof madow.
Waa wax caadi ah in dhibcaha lagu arko qaybta dhexe ee jirka, madaxa iyo surka wuxuuse ku yar yahay gacmaha iyo lugaha. Tirada dhibcuhu way kala duwan yihiin.
Carruurta jirta 2-10 sano ayuu badanaa ku dhacaa. Xumada iyo furuurucu way ku muuqdaan laba asbuuc ka dib markaad la kulanto qofka qaba.
Busbuska waa la kala qaadaa laga bilaabo maalinta 2aad ilaa intaan furuurucu muuqan ilaa 5 berri marka ugu horraysa oo uu so muuqday.
Qolfahaa qalalaa cudurka ma fidiyaan, wuxuuna cudurku bixiyaa difaac adag oo keena badanaa in cudurku qofka aanu mar labaad ku dhicin.

Sidee looga hortagaa?
Si looga fogaado in aan cid kale loo gudbin, carruurta waa in aan loo dirin dugsiga iyo iskuulka ilaa dhibcaha maqaarka oo dhami qolof noqdaan. In kastoo aanay qayb ka ahayn barnaamijka talaalka caadiga ah, waa la helli karaa talaalka busbuska. Kuwaan waxaa laga bixiyaa hal qadar waxaana la siiyaa carruurta jirta 12 bilood.

Sidee loo daaweeyaa?
Carruurta busbuska qabta badankeed uma baahna daaweyn khaasa oo wax lagaga qabto fayraska. Daaweynta waxaa loo adeegsadaa in lagu xakameeyo xumada iyo in looga hortago in dhibcaha maqaarku keenaan cudur kale.
Haddii infakshanka bakteeriyadu dhaco, wuxuu keeni karaa haar nabardu ka tagaan. Waxaa caawimi kara daawada lagu daweeyo bakteeriyada iyo waxyaalla isxoqa yareeya. Lidka nabarka ayaa laga yaabaa in loo isticmaalo dhibcaha maqaarka si looga hortago wax isaga ka yimaada.

Qodoba Muhiim ah
• Busbusku waa infakshan ka yimi fayral kaas oo leh xumad iyo dhibca ama goobaha jirku yeesho
• Dhibcaha ama goobaha maqaarka badanaa waxaa lagu arkaa jirka qaybihiisa dhexe, madaxa iyo surka
• Ilmuhu wuxuu infakshanka qabaa qiyaas ahaan 7 maalmood, laba maalmood ka hor ilaa 5 berri marka furuurucu muuqdo ka dib
• Carruurtu waxay u baahan yihiin in guriga lagu hayo oo aan dugsiga loo dirin, ilaa dhibcaha maqaarka oo dhami ay qolofa fuullaan
• Qolofta qalalani infakshanka ma gudbiso
• Daawayn ayaa la adeegsadaa si loo caawimo calaamadaha ama looga hortago infakshanka bakteeriya kale oo ka dhalata dhibcaha

Wixii su'aalo ah aad qabtid halkaan ku weydii
SomaliDoc
Logged

1- Si aad wax ugu qortid Webka | 2- Si aad uga qeyb qaadatid doodaha | 3- Si aad su'aalo u waydiisid dhakhaatiirta
4- Si aad ula xiriirtid xubnaha kale | 5- Si aad ra'yigaaga u soo bandhigto
Waa inaad magac ku leedahay webka (Halkan Riix)
Pages: [1]
  Print  
 
Jump to:  

Related Topics
Subject Started by Replies Views Last post
£1,000 To Treat One-legged chicken!!! Feel Free Here Pharmacist 4 190 Last post June 16, 2008, 02:45:22 PM
by Princess_Muni
Powered by MySQL Powered by PHP Powered by SMF 1.1.7 | SMF © 2006-2008, Simple Machines LLC Valid XHTML 1.0! Valid CSS!


Google visited last this page Yesterday at 07:51:34 AM