Somali Medical Forums
January 08, 2009, 12:20:43 AM *
Welcome, Guest. Please login or register.

Login with username, password and session length
News: PICTURES: Handicap patients in Martini Hospital needs immediate health care
 
  Website   Home   Help Search Login Register  
Pages: [1]
  Print  
Author Topic: Calool Fadhiga Caruurta  (Read 496 times)
0 Members and 1 Guest are viewing this topic.
Diagnostic
Sr. Member
****

Points: 67
Offline Offline

Gender: Male
Location: Uganda
Field: Medicine
Posts: 171


Professional Diagnosis


« on: May 06, 2008, 04:16:21 PM »

Sidee baan ku ogaan karaa in ilmahayga caloosha fadhido?
Ilmahaaga waxay caloosha fadhidaa markii aad ku aragtid mid ama ka badan calaamadahan soo socda:
  • 3 jeer ka yar ayuu saxaro dhigay muddo usbuuc ah.
  • Saxaradiisu way adagtahay, qalalantahay wayna weyntahay
  • Si dhib ah ayuu saxarada ku soo saaraa ama maba saxaroon karo.
Hadii ilmahaagu ay dhibatada calool fadhigu ay haysay muddo ka badan 2 wiig, calool fadhigu wuu ku daba dheeraaday.

Maxaa keena calool fadhiga?
Calool fadhigu badanaa wuxuu ilmaha ku dhacaa markii aysan cabin biyo ku filan, caano ama cabitaano kalaba iyo hadii aysan qaadan cunto caafimaad leh kuwaasoo ay ku jirto maadada loo yaqaano faybarka (Fibers) sida qudaarta, furuutka, dhirmiroodka sida qamadiga, gallayda iyo bariiska.
Hadii ilmahaagu uu cuno cunno ay ku badantahay sonkorta sida macmacaanka iyo cunto dufan badan leh waxay u keeni kartaa calool fadhi.
Calool fadhigu wuxuu kaloo ilmaha yaryari ku dhici karaa markii naaska laga gooyo oo loo bilaabo caanaha lo'da ama cunno fudud aad ugu badashid cunno adag.
Marmar calool fadhiga wuxuu ku dhici karaa ilmahaaga jirro kadib ama daawooyin la siiyay awgeed.
Calool fadhigu yuusan kugu ridin welwel siyaado ah maxaa yeelay waa arin ku badan ilmaha badankood, wayna ka fiicnaadaan daawo la'aan.
La soco waxa aan ka hadleyno waa calool fadhi kaliya aysan la socon dhibaatooyin kale.

Maxaan sameyn karaa hadii ilmahaygu caloosha fadhido?
Waxaa jira dhawr arrimood oo ilmahaaga aad u qaban kartid:
  • Cuntada: ilmahaaga sii biyo ku filan iyo cunnada aan kor ku soo sheegnay oo u roon calool fadhiga.
  • Tababar: Ilmahaaga ku tababar in uusan isku celin saxarada, uu markii uu u baahdaba uu kula socodsiiyo si aad u fahantid unala socotid waqtiyada ilmahaagu ubaahanyihiin in ay saxaroodaan.
  • Daawada: waxaa jirta dhawr daawo oo loogu talagalay in ay caloosha socodsiiyaan, khiyaarka daawada waxaa xadidaya da'da ilmahaaga iyo calool fadhigooda heerka uu gaarsiisanyahay. dhakhtarkaaga kala tasho arrintaas.
  • U mahad celi ilmahaaga: Ilmaha waxa ay jecel yihiin in la abaal mariyo ama wax ay ku farxaan loo sameeyo mar walba uu tuunjiga ku fadhiisto waqtigii loogu talagalay, si ay u tababartaan adigane waqti xadidan oo aad ku kontorooli kartid ilmahaaga aad u heshid, iskana ilaali in ilmahaaga aad nacnac iyo waxyaabaha macaan aad abaalgud ahaan u siisid.

Hadii calool fadhigu sii socdo ama uu ka soo roonaan waayo, ilmahaaga dhakhtar u geey si loo baaro, loona ogaado dhibka haya, maxaa yeelay calool fadhigu waxa marmarka qaar ay calaamad u noqon karaa cuduro helis ah.

Dhakhtarku muxuu sameyn doonaa?
Dhakhtarku waxa uu ku su'aali doonaa dhawr shey oo ay ka mid tahay, cunto qaadashada ilmaha, iyo hadii aad ku aragtay calaamado kale ee la socdo calool fadhiga sida is badal saxarada ku yimid, in dhiig la socdo ama axalo oo kale.
Hadii ay la socoto calool xanuun ama uu ooynayo marka uu saxaro dhigayo.
Dhakhtarku waxa uu baari doonaa ilmahaaga, saxaradane sheybaar baa loo diri doonaa, waxaana dhici karta in raajo caloosha laga saaro cunugaaga.

Diagnostic
Logged

In diagnosis think of the easy first.
Martin H. Fischer
Pages: [1]
  Print  
 
Jump to:  

Related Topics
Subject Started by Replies Views Last post
Eksimada Caruurta (Atopic Eczema) Cudurrada Caruurta Diagnostic 0 237 Last post February 23, 2008, 11:46:49 PM
by Diagnostic
Qal-qaalinimada iyo Fudeydka Caruurta (ADHD) Cudurrada Caruurta SomaliDoc 0 320 Last post April 15, 2008, 06:28:25 AM
by SomaliDoc
Daahidda hadalka iyo hadal la'aanta caruurta Qaybta Su'aalaha Ifrah 1 41 Last post December 19, 2008, 02:37:31 PM
by SomaliDoc
Powered by MySQL Powered by PHP Powered by SMF 1.1.7 | SMF © 2006-2008, Simple Machines LLC Valid XHTML 1.0! Valid CSS!


Google visited last this page January 02, 2009, 03:16:55 AM