Somali Medical Forums
January 07, 2009, 10:47:18 PM *
Welcome, Guest. Please login or register.

Login with username, password and session length
News: PICTURES: Handicap patients in Martini Hospital needs immediate health care
 
  Website   Home   Help Search Login Register  
Pages: [1]
  Print  
Author Topic: Gedef (Rickets)  (Read 269 times)
0 Members and 1 Guest are viewing this topic.
SomaliDoc
Moderator
*****

Points: 0
Online Online

Gender: Male
Location: Somalia
Field: SMF Helper
Posts: 224


Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!


WWW
« on: May 24, 2008, 02:22:50 PM »

Taxadar Ahaada Dhammaan Hooyooyinka Naaska Nuujiya

Waa Maxay Gedef?
Waa cudur lafaha daciif ka dhiga oo sababa hoos u dhac caddada fitamin D-ga ee jirka dhexdiisa. Gedfuhu waxa uu ku badanyahay meelaha iftiinka qoraxda oo aad ugu yar cunuga maqaarkiisa ama haragiisa.

Qofkee ayey qatar u tahay?
Dhammaan caruurta kuwa naaska nuuga oo keliya 6 bilood ama ka badan, dhammaan caruurta naaska nuugta oo midebkooda madow yahay, caruurta dhiciska ah iyo dhallaanka naaska laga joojiyay oo cuna qudradda.

Waa Maxay calaamooyinka gedfaha?
  • Tabar daro.
  • Aan-awoodin istaag ama socod.
  • Koritaanka oo hooseeya.
  • qalal.
  • xanaaq fudud.

Sideebaad oga hortagi kartaa gedfaha cunugaada?
Waddada ugu fudud ee ka hortaga gedfaha waa iftiinka qoraxda maaddaama qoraxda ay xadaysan tahay ama ay ku yartahay wadamada qaar, fitamin D waa in la siiyo hal jeer maalinti labada (2-da) sano oo hore.

Sideebaad Ku heli fitamin D?
Fitamin D waxaa laga heli karaa farmashiyada warqad dhaqtar la'aan. Waxay ku timaada iyadoo lagu soo dhex diyaariyay fitamino kale (fitamin A iyo C) oo lagu magacaabo Tri-Vi-Sol.
Caafimaad dharteed waa muhiim gaar ahaan dhallaanka naaska nuuga si looga hortago cudurka lafaha ku dhaca ee gedfaha.

By: Khadija Hussein Hundiye
Hadii aad qbto su'aalo ama faahfaahin ku saabsan qoraalkan halkaan ka weydii
Logged

1- Si aad wax ugu qortid Webka | 2- Si aad uga qeyb qaadatid doodaha | 3- Si aad su'aalo u waydiisid dhakhaatiirta
4- Si aad ula xiriirtid xubnaha kale | 5- Si aad ra'yigaaga u soo bandhigto
Waa inaad magac ku leedahay webka (Halkan Riix)
Pages: [1]
  Print  
 
Jump to:  

Powered by MySQL Powered by PHP Powered by SMF 1.1.7 | SMF © 2006-2008, Simple Machines LLC Valid XHTML 1.0! Valid CSS!


Google visited last this page January 05, 2009, 07:33:46 AM