Somali Medical Forums
January 07, 2009, 10:15:29 PM *
Welcome, Guest. Please login or register.

Login with username, password and session length
News: PICTURES: Handicap patients in Martini Hospital needs immediate health care
 
  Website   Home   Help Search Login Register  
Pages: [1]
  Print  
Author Topic: Hurdo Xumida Ilmaha  (Read 385 times)
0 Members and 2 Guests are viewing this topic.
Diagnostic
Sr. Member
****

Points: 67
Offline Offline

Gender: Male
Location: Uganda
Field: Medicine
Posts: 171


Professional Diagnosis


« on: January 23, 2008, 01:30:51 AM »

Maxaa keena hurdo xumida?
Sideedaba hurda xumada ku dhacda ilmaha waa nocyo badantahay, waxa ay ka simanyihiin kuligood inay waalidka walac ku abuuraan iyo hurdo la'aan, lakin caafimad ahaan hadii loo hadlo waa laba qeyb:
1- Mid mushkilo ay keentay (jirro ama  dhibaatooyin kale) kuwaasi kuwa qarsooma maahan waxyabaha ugu horeeya oo lagu ogaadane waxaa kamid ah calaamadaha soo socda:
- ooyin badan
- ilmaha oo isku kaadintooda badan tahay tanoo ka soo kicineysa waqtiyo badan
- In ilmaha ay ku noolyihiin guri buuq badan
- In ilmaha markii ay jiftaan naqaska ku xirma ama khuuro ay keenaan
- in ilmaha ay hurdada ay ku qarwaan amaba ay ooyin iyo qaylo la soo kacaan
- in ilmaha uu jadwalka hurdada uu ka qaldanyahay goorkuu rabo iska jiifto gorkuu rabo iska soo kaco.
- in ilmaha ay gaajo qabato, oo ay la soo kacaan
- in ilmaha si lama filaan ah hurdo ula dhacaan ama dhib ay tahay in laga soo toosiyo
- in ilmuhu ilkaha ay isku xoqaan markay jiifaan amaba ay hurdo-socdaan
2- Mid mushkilo aysan keenin, oo badanaa iska baaba'da markuu ilmuhu gaaraan sanadka 1-aad taasoo u baahan in waalidka uu fahmo lana qabsado. (waxaadna ogaataa in ilmaha aysan isku hurdo ahayn)

Maxaa xal u ah hurdo xumida?
Isku day inaad samayso wakhti mucayan ah oo seexasho marka ilmuhu gaaro ugu horayn ilaa lix usbuuc.
• Isku kalsoonoow naf ahaantaadu si aad u ogaato in ilmahaagu is-rog rogayo oo kaliya ama inuu dhibanyahay
• Hadii hurdada ay kaa qasto is-rog rogga iyo xasilooni la’aanta ilmahaaga, isku day inaad qof aamin ah oo qaraabo ama saaxiib ah uu kuu hayo ilmaha si aad u seexato

Caruur badan iyo dhalaan badan ayaa la kulma dhibaato hurdo la'aan ah mararka qaarkood. Waxaa muhiim ah inaad isku daydo inaad caruurtaada u samayso wakhti go'an oo ay caadaystaan inay seexdaan habeen walba. U diyaari meel dugsoon oo raaxa leh si ay u nafisaan. Caruurta oo wax loo akhriyo habeenkii markay seexanayaan waxay ilmahaaga ka caawinaysaa in caradu ka ba’do oo uu ku nafiso. Haddii ilmahaagu ka boqo madowga, isku day inaad layrka habeenkii u shido. Waxaa kaloo faa'iido ah, raaxana ah inaad ilmahaaga u dhigtid waxyaalaha lagu ciyaaro haddii uu habeenkii soo baraarugo. Haddii aad ka walaacsantahay in ilmahaaga dhibaato culus ka haysato inuu seexdo, ama uusan si joogto ah u seexan habeenkii oo dhan.

Hadii aad qabto wax su'aalo dheeraad ah halkaan ku waydii.

Diagnostic
Logged

In diagnosis think of the easy first.
Martin H. Fischer
Pages: [1]
  Print  
 
Jump to:  

Related Topics
Subject Started by Replies Views Last post
Meeqo saac oo hurdo ah ayuu u baahanyahay cunugaaga? Cudurrada Caruurta Diagnostic 0 523 Last post January 19, 2008, 03:51:29 PM
by Diagnostic
Ilmaha Ku Dhasho Miisaan Hoose Cudurrada Caruurta Diagnostic 0 317 Last post January 25, 2008, 03:16:54 PM
by Diagnostic
Suuxinta Ilmaha: Su’aalo iyo Jawaabo Cudurrada Caruurta SomaliDoc 0 295 Last post March 04, 2008, 10:22:20 AM
by SomaliDoc
Taxanaha Hubinta Ammaanka Ilmaha Cudurrada Caruurta SomaliDoc 0 232 Last post March 12, 2008, 08:38:14 AM
by SomaliDoc
Cabeebka Ilmaha - Candida (Thrush) Cudurrada Caruurta SomaliDoc 0 603 Last post May 09, 2008, 10:31:59 PM
by SomaliDoc
Powered by MySQL Powered by PHP Powered by SMF 1.1.7 | SMF © 2006-2008, Simple Machines LLC Valid XHTML 1.0! Valid CSS!


Google visited last this page Today at 12:10:03 AM