Somali Medical Forums
January 07, 2009, 07:58:07 PM *
Welcome, Guest. Please login or register.

Login with username, password and session length
News: DISCUSSION: Does Teething Cause Diarrhea?
 
  Website   Home   Help Search Login Register  
Pages: [1]
  Print  
Author Topic: Isku-Kaadinta (Bed-Wetting)  (Read 622 times)
0 Members and 2 Guests are viewing this topic.
Diagnostic
Sr. Member
****

Points: 67
Offline Offline

Gender: Male
Location: Uganda
Field: Medicine
Posts: 171


Professional Diagnosis


« on: November 28, 2007, 05:20:59 AM »

•Caruurtu ogaan iskuguma kaadshaan ama isuma-wasakheeyaan
•Waxaa lagu qiyaasay in afartiiba mid, caruurta saddex jirka ah iyo lixdiiba mid, caruuurta 5 jirka ahi ay si ku celcelis ah isku kaadshaan
•Waxaa laga yaabaa in isku kaadintu tahay calamad dhibaato jidhka ah, laakiin ilmahaagu wakhtigiisuu ku baran doonaa inuu kaadida xagsado

Calaamadaha Digniinta:
Waxaa laga yaabaa inayna waxba jirin, lakiin ilmahaagu ma u muuqdaa inuusan faraxsanayn?
Miyiyjiraan dhibaato ka taagan qoyska, mise waxaa jira waxyaalo walaac galinaya ilmaha?

Waxa aad sameyneyso:
Is-daji hadii ilmahaagu isku kaadsho ama isku xaaro.
Isku day inaad hubiso in ilmahaagu kaadsho ama isku xaaro wakhti gaar ah.
Hubi in ilmahaagau galo musqusha in yar ka hor intuusan tagin sariirta.
Hadii aad walaacsan tahay kala xaajood dadka caafimaadka aqoonta u leh.

Maxaa kula gudboon?
Sii fursad ilmahaaga uukaagala sheekaysto dareenkiisa, isku day inaad is dajisid, isna dabci adidoo tusin calaamad muujineysa walaac.
Ha maagin ilmahaaga haddii uuna seexan habeenkii ama haddii uu isku kaadsho.
Isku day inaad fahanto siduu waxu dareemayo iyo haddii uu ka walaacsan yahay isku kaadinta.

Sidee looga hortagi karaa?
Hubi in ilmahaagu ogsoon yahay inuu kaala sheekeysan karo wixii walaac ah ee haya.
Haddii aad u baahan tahay talooyin ku saabsan arrimaha aad samayn karto si aad u joojiso isku kaadinta, kala xaajood wixii walaaca ee jira dhakhtarka qoyska ama kalkaalisada caafimaadka ee dugsiga.

Sidee baan u caawin karaa ilmahayga?
1- Tunjiga lagu tababarto:
Waxay u badan tahay in ilmahaagu barto sida loo xejiyo haadida haddii aanad ka walwalin kaadida isna dajiso.
Waxaad xasuusataa, in ilmahaagu ku baranayo intii itaalkiisu yahay adigoo amaana ilmahaaga halkii aad ka ciqaabi lahayd, ayaa caawineysa.
Inta u dhaxaysa saddex ilaa afar jirka waxay u badan tahay in ilmahaagu qalalan yahay maalintii, marmar ay ka baxsato maahee, waxaad niyada ku haysaa inuusan jirin isbadal dhakhso ahi, lakiin waxaa xigi doona in si tartiib ah habeeno badani qalayl ahadaan.

2- Dhakhtar la tasho:
Ma sahlana in la ogaado waxa caruurta qaarkood ay ugu qaadato wakhti ka dheer kuwa kale inay noqdaan kuwa qalalan. Hase yeeshee isku kaadintu ma aha mid caajisnimo ama awood la'aan ay sabab u tahay.
Caruurta qaarkood, xaqiiq ahaan lixdiiba mid toddoba jirrada way isku kaadshaan.
Inkastoo laga yaabo inay kadeed u tahay adiga iyo ilmahaaga, isku day inaad u dhulqaadato; way yartahay il ilmo ogaan isugu kaadsho ama isu-wasakheeyo.
Haddiiilmahaagu todoba sano jir dabadeed uu sii wado inuu si joogto ah isku-kaadsho, waxaa laga yaabaa in ay dhibaatada ay sababayaan dhow arrimood. Ilmahaaga arrintan kala hadal, waxaadna u sheegtaa in caruuro ka waaweyn ay arrintaani ku timaado. Kala munaaqishood wixii walaaca aad ka qabti ilmahaaga dhakhtarka ilmaha.

Diagnostic
Logged

In diagnosis think of the easy first.
Martin H. Fischer
Pages: [1]
  Print  
 
Jump to:  

Related Topics
Subject Started by Replies Views Last post
Su'aal (Isku-Kaadinta) Qaybta Su'aalaha magan 1 176 Last post July 27, 2008, 09:33:22 PM
by SomaliDoc
Isku-buuqa Maskaxda (Mental Distress) Cudurrada Maskaxda SomaliDoc 0 6 Last post January 02, 2009, 10:04:06 PM
by SomaliDoc
Powered by MySQL Powered by PHP Powered by SMF 1.1.7 | SMF © 2006-2008, Simple Machines LLC Valid XHTML 1.0! Valid CSS!


Google visited last this page January 05, 2009, 08:55:28 AM