Somali Medical Forums
January 08, 2009, 02:08:56 AM *
Welcome, Guest. Please login or register.

Login with username, password and session length
News: PICTURES: Handicap patients in Martini Hospital needs immediate health care
 
  Website   Home   Help Search Login Register  
Pages: [1]
  Print  
Author Topic: Muxuu yahay Impetigo?  (Read 261 times)
0 Members and 1 Guest are viewing this topic.
SomaliDoc
Moderator
*****

Points: 0
Online Online

Gender: Male
Location: Somalia
Field: SMF Helper
Posts: 224


Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!


WWW
« on: April 18, 2008, 12:39:05 AM »

Impetigo waa infakshanka bakteeriyada maqaarka taas oo keenta in meeshu adkaato, wax ka imanayaan mararka qaarkoodna biya ka galaan maqaarka kore. Waxay ka soo baxdaa dhowr meelood maqaarka dushiisa sida wajiga ama adimada. Mararka qaarkoodna waxay u gudubtaa jirka qaybihiisa waaweyn.
Aad baa laysu qaadsiiyaa waxaana is qaadsiin kara xubnaha qoyska, carruurta dugsiguna waa is qaadsiiyaan, waana sida magacu ku yimid "school sores".

Infakshanku badanaa ma keeno wax calaamad ah mana sababo baqdin.
Wuxuu mararka qaarkood ku dhacaa maqaarka dushiisa sida eksimada (Cambaarta). Kani wuxuu sababi karaa in eksimadu kugu sii xumaato iyadoo wax ka imanayaan nabarna sii noqonaysa.

Sidee loo daaweeyaa?
Impetigo waxay ka bilaabataa ka dib marka la xoqo meel cayayaan qaniinay ama meel yar oo goán oo maqaarka ku taal. Si midaan looga hortago, waa in lagu dhaqaa daawo meelaha goán ama xagan.
Dhiqida maqaarka wax qaba oo lagu dhaqo daawo lana mariyo kareemaka la dagaalama cayayaanka, daawadaas oo dhakhtar qoray, wuxuu daawayn karaa impetigo sahlan. Haddii infakshanku uu yahay mid meel walba gaaray, dhakhatarku wuxuu qori karaa daawa afka laga qaato iyo mid kale oo lagu dhaqayo.

Carruurta qabta impetigo waa in laga fogeeya kuwa kaleeto. Ka dib 24 saacadood marka daawada afka laga qaato waxaa bilaabantay daawayntii ilmaha umana gudbin karo kuwa kale mana jirana.

Wixii macluumaadka intaas ka badan halkaan ku weydii
SomaliDoc
Logged

1- Si aad wax ugu qortid Webka | 2- Si aad uga qeyb qaadatid doodaha | 3- Si aad su'aalo u waydiisid dhakhaatiirta
4- Si aad ula xiriirtid xubnaha kale | 5- Si aad ra'yigaaga u soo bandhigto
Waa inaad magac ku leedahay webka (Halkan Riix)
Pages: [1]
  Print  
 
Jump to:  

Related Topics
Subject Started by Replies Views Last post
Muxuu yahay "Internal Medicine"? Clinical Rotations Dr.Mahdi 0 189 Last post February 11, 2007, 12:34:45 PM
by Dr.Mahdi
Muxuu Yahay Triage? Nursing Education Center SomaliDoc 2 721 Last post October 03, 2007, 01:45:46 AM
by SomaliDoc
Muxuu Yahay Cudurka Chlamydia? Cudurrada Guud SomaliDoc 0 552 Last post April 24, 2008, 05:15:08 PM
by SomaliDoc
Muxuu yahay xanuunka Galaha? Qaybta Su'aalaha Cidhib 4 606 Last post December 11, 2008, 01:28:46 PM
by dr-awale
Powered by MySQL Powered by PHP Powered by SMF 1.1.7 | SMF © 2006-2008, Simple Machines LLC Valid XHTML 1.0! Valid CSS!


Google visited last this page January 04, 2009, 08:59:58 AM