Somali Medical Forums
January 07, 2009, 10:05:19 PM *
Welcome, Guest. Please login or register.

Login with username, password and session length
News: VIDEO: Medical doctors graduated in Somalia
 
  Website   Home   Help Search Login Register  
Pages: [1]
  Print  
Author Topic: Taxanaha Hubinta Ammaanka Ilmaha  (Read 232 times)
0 Members and 1 Guest are viewing this topic.
SomaliDoc
Moderator
*****

Points: 0
Online Online

Gender: Male
Location: Somalia
Field: SMF Helper
Posts: 224


Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!


WWW
« on: March 12, 2008, 08:38:14 AM »

Gurigaaga mid ammaan u ah dhallaanka iyo carruurta ka yeel. Taxanahaan hubinta la wadaag qof kasta oo ilmahaaga daryeela. Lambarrada telefoonka xaaladda deg dedgta ah ku xafido (takhtarka, waaxda dabka, koontaroolka suntan iyo 911) meel telefoonkaaga u dhow.

Carruurta waaweyn bar sida iyo goorta la wacayo 911 ama lambarrada kale ee xaaladaha deg degta.

Si aad ah u la soco Ilmahaaga
  • Marna ilmaha keligood ha uga tegin guriga, tubbo qubeys ama baabuur gudihiis, xataa marka uu ilmuhu hurdayo.
  • Marna ilmo ha uga tegin meel sarreysa sida sariir, miis beddelashada, ama kursi salooto. Ilmuhu way dhaqaaqi karaan ama is rogi-rogi karaan oo markaasna way dhacaan.
  • Ilmo ha uga tegin keligii xayawaanka guriga.

Guriga Qolalkiisa oo dhan
  • Khaanadaha iyo armaajooyinka ay waxyaabo fiiqan ama alaab jabaysa, kiimikooyin ama daawooyin ay ku jiraan oo dhan irrid celiye ku xir.
  • Meelaha korontada laga xukumo oo dhan ka dabool.
  • Ku xir irid ilmood meesha ugu korreysa iyo meesha ugu hooseysa jaranjarooyinka.
  • Dhinacyada iyo geesaha fiiqan ee alaabta guriga ku dabool dhinac ilaaliye.
  • Alaabta sida xarkaha korontada iyo dhirta dhig meel aysan ilmuhu gaareynin.

Ammaanka Xannaanada iyo Dharka
  • Soo iibso alaab ilmood oo leh calaamadda Guddiga Ammaanka Alaabta Macaamiisha(CPSC).
  • Isticmaal sariirta firaashka leh ee sida ammaanka ah ula eg. Marka ay ilmuhu soo jeedaan dhinacyada si sugan uga xir.
  • Ha ku seexin ilmaha sariiraha joodarigooda biyuhu ku jiraan, barkin ama meel jilicsan oo ilmaha cabburin karta.
  • Ilmaha dhabarka ama dhinaca u seexi.
  • Dharka ka saar xarkaha. Ilmaha ha u gelin silsilad, faraati ama jijimmo.
  • Isticmaal bajaamooyinka holaca celiya.
  • Dhalada marna wax kale ha ku taageerin waqtiga quudinta.
  • Marna xarig ama dun ha ku xirin qoorta ilmaha si uu haysto tallaabo sameeye.

Ammaanka Alaabta ilmuhu ku Cayaaraan ama Caruusadda
  • Alaabta yar-yar ilmaha ka fogee.
  • Hubi alaabta ama caruusadda si aad u hubsato in ay ku habboon yihiin da'’da saxda ah ee ilmaha.
  • Soo iibso alaabey holaca u adkaysata, oo la dhaqi karo, oo aan sun ahayn.

Ammaanka Jikada iyo Musqusha
  • Cabitaannada iyo cuntooyinka kulul, middiyaha, iyo alaabta korontada dhig meel aysan carruurtu gaareynin.
  • Heerkulka biyo kululeeyaha ku hagaaji 120º F ama ka yar.
  • Isticmaal tubbo ilmood ugu yaraan 5-ta bilood ee ugu horreysa. Ka dibna tubbo fadhi isticmaal marka ilmahaagu uu weynaado oo tubbo uu ku qubeysan karo.
  • Marna ilmaha ha uga tegin tubbada iyagoo keligood ah.
  • Hubi in biyaha qubeysku ay diirran yihiin, aysan kululeyn isla markaana isticmaal oo keliya qaddar yar oo biyo ah ee tubbada.

Ammaanka Daawada
  • Daawooyinka iyo fitammiinnada dhig meel aysan carruurtu gaarin oo khaanad ama armaajo xiran ah.
  • Marna ilmahaaga ha siin daawooyinka guriga ama daawooyin adigoon marka hore takhtarka u tegin.
  • Takhtarka ilmahaaga u tag si aad u ogaato inta laga qaadanayo daawada ilmaha da’dooda iyo miisaankooda saxda ku ah.

Ammaanka Baabuurka
  • Mar kasta isticmaal kuraas ilmood oo ammaankooda la oggolaaday oo loogu talogalay da’'da iyo miisaanka ilmaha. Ilmaha saar kursi dhinaca gadaale u sii jeeda.
  • Marna canug ama ilmo dhabta ha ku haynin adigoo baabuur ama gaari xammuul saaran.
  • Qof kasta oo baabuurka saaran waa in uu suun xirtaa.

Ka Hortagga Dabka
  • Tarraqyada iyo dab shideyaasha dhig meel aysan carruurtu gaarin.
  • Hubi qiiq dareemeyaasha bil kasta batarigana ka beddel sanad kasta.
  • Qorshee in ka badan hal meel oo laga baxsado ee qol kasta oo guriga ka mid ah.

Tallaabooyinka Kale ee Ammaanka
  • Qofna ha u oggolaan in uu sigaar ama cabitaan kulul cabbo isagoo ilmaha haya.
  • Ilmaha kareemka qorraxda ka celiya u mari. Koofi u geli dhallaanka ka yar 6 bilood jirka.
  • Ka feker in aad qaadato maaddada dhallaanka/ilmaha ee CPR iyo gargaarka deg degga ah.

SomaliDoc
Logged

1- Si aad wax ugu qortid Webka | 2- Si aad uga qeyb qaadatid doodaha | 3- Si aad su'aalo u waydiisid dhakhaatiirta
4- Si aad ula xiriirtid xubnaha kale | 5- Si aad ra'yigaaga u soo bandhigto
Waa inaad magac ku leedahay webka (Halkan Riix)
Pages: [1]
  Print  
 
Jump to:  

Related Topics
Subject Started by Replies Views Last post
Hurdo Xumida Ilmaha Cudurrada Caruurta Diagnostic 0 384 Last post January 23, 2008, 01:30:51 AM
by Diagnostic
Ilmaha Ku Dhasho Miisaan Hoose Cudurrada Caruurta Diagnostic 0 317 Last post January 25, 2008, 03:16:54 PM
by Diagnostic
Suuxinta Ilmaha: Su’aalo iyo Jawaabo Cudurrada Caruurta SomaliDoc 0 295 Last post March 04, 2008, 10:22:20 AM
by SomaliDoc
Cabeebka Ilmaha - Candida (Thrush) Cudurrada Caruurta SomaliDoc 0 603 Last post May 09, 2008, 10:31:59 PM
by SomaliDoc
Daryeelka maqaarka ilmaha yar iyo dhalinta Cudurrada Maqaarka SomaliDoc 0 591 Last post May 12, 2008, 12:53:12 AM
by SomaliDoc
Powered by MySQL Powered by PHP Powered by SMF 1.1.7 | SMF © 2006-2008, Simple Machines LLC Valid XHTML 1.0! Valid CSS!


Google visited last this page January 03, 2009, 05:41:57 AM