Somali Medical Forums
January 08, 2009, 01:32:14 AM *
Welcome, Guest. Please login or register.

Login with username, password and session length
News: PICTURES: Handicap patients in Martini Hospital needs immediate health care
 
  Website   Home   Help Search Login Register  
Pages: [1]
  Print  
Author Topic: Waa maxay Herpes Simplex?  (Read 255 times)
0 Members and 1 Guest are viewing this topic.
SomaliDoc
Moderator
*****

Points: 0
Online Online

Gender: Male
Location: Somalia
Field: SMF Helper
Posts: 224


Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!


WWW
« on: April 22, 2008, 09:01:16 PM »

Herpes simplex waa infakshan ka dhasha fayraska wuxuuna keenaa caabuq iyo biya gala meella mucayina oo maqaarka ka mid ah. Infakshanka asaasiga ah oo u horreeya wuxuu ku dhacaa carruurta. Badanaa infakshanka iska socdaa wuxuu dib ugu soo noqnoqdaa sanadaha soo socda wuxuuna leeyahay barar guduudnaan iyo meella biya-galaan, badanaana waxaa lagu arkaa bushinta iyo afka agagaarkiisa.

Infakshanka asaasiga ah waxaa laga yaabaa inaan la garan. Badanaa wuxuu noqon karaa mid aad u daran kaas oo keenaya xannuun afka ah oo siyaada ah iyo qanjirada surka oo weynaada. Carruurta canbaarta qabta infakshanka herpes simplex oo canbaar la socoto wuxuu ku samayn karaa meella badan oo biya galeen marka canbaartu la socoto waana in dhakhtar si degdeg ah u arkaa.

Infakshanka soo noqda oo guud, ama "cold sores", waxaa laga yaabaa inuu keenay xumad, u furnaanta qoraxda ama dabayl, ama marmarka qaarkood cadaadis. Wuxuu ku bilawdaa xanxanto qaniinyo la socoto, gubniin uu la socdo caabuq (guduud uu la socdo beerbal iyo kaffee), dabadeedna biya gala. Tani waxay dhacdaa 24-48 saacadood waxayna qaadataa 4-5 berri si lagu dhamaystiro. Infakshanka bakteeriyada ka dhalatay "cold sore" ayaa dhici karta.

Sidee looga hortagaa?
Herpes-ku si sahlan ayey dadka qaba cold sores-ku ku gudbin karaan waana in laga fogaadaa in jirku is taabto sida shuminta.
Isticmaalida difaaca qoraxda, sida dharka, koofiyad iyo iskiriinka qoraxda, ayaa muhiim ah in lagaga hortago weerar soo noqnoqda ee cold sores oo wajiga ku dhaca.

Sidee lagu daweeyaa?
Daawada fayrasku looma isticmaalo badanaa infakshanka herpes simples-ka asaasiga ah. Carruurta waa in la siiyaa biya badan iyo cunta khafiifa haddii uu jiro in afku caabuq (nabar jira) yeesho. Haddii meelaha biyuhu galeen ama dilaacay xannuun hayo xumadina jirto, baanadol khafiifa oo xannuunka biíya ayaa lagama maarmaana.

Waxaa jira kareema badan loo helli karo cold sores-ka. Si kasta ha ahaatee, dawa ma leh. Nasiib wanaag, jiradu waxay dhacdaa waqti aan badnayn waxayna noqotaa wax sahlan isla maalmahaasba.

Dawa mucayina oo fayraska farmashiyaha ayaa laga gataa waana in la isticmaalaa saacadaha ugu horreeya si loo khafiifiyo waxyeellida cold soreska.
Dawada wax lagu dhaqo ama kareemka waa in la bilaabaa si looga hortago infakshanka bakteeriyada uu keenay cold sores-ku.

Wixii macluumaad intaas ka badan halkaan ka weydii
SomaliDoc
Logged

1- Si aad wax ugu qortid Webka | 2- Si aad uga qeyb qaadatid doodaha | 3- Si aad su'aalo u waydiisid dhakhaatiirta
4- Si aad ula xiriirtid xubnaha kale | 5- Si aad ra'yigaaga u soo bandhigto
Waa inaad magac ku leedahay webka (Halkan Riix)
Pages: [1]
  Print  
 
Jump to:  

Related Topics
Subject Started by Replies Views Last post
waa maxay negro Feel Free Here Dr.Salwa 4 491 Last post March 17, 2007, 09:54:03 PM
by Dr.Salwa
Waa Maxay HIV, AIDS? Qaybta Wacyi Galinta SomaliDoc 0 508 Last post November 26, 2007, 07:24:14 AM
by SomaliDoc
Waa Maxay Daroogadu? Qaybta Wacyi Galinta Pharmacist 0 297 Last post December 07, 2007, 12:32:13 PM
by Pharmacist
Waa Maxay Mammogram?! Radiology & Medical Imaging Waxbaro! 1 621 Last post June 21, 2008, 12:49:23 AM
by Princess_Muni
Waa Maxay Qoon (Qoonta)? Qaybta Su'aalaha Hasan_c.h.c 4 380 Last post April 22, 2008, 04:05:35 PM
by Hasan_c.h.c
Powered by MySQL Powered by PHP Powered by SMF 1.1.7 | SMF © 2006-2008, Simple Machines LLC Valid XHTML 1.0! Valid CSS!


Google visited last this page December 30, 2008, 12:21:46 AM