Somali Medical Forums
January 08, 2009, 12:13:27 AM *
Welcome, Guest. Please login or register.

Login with username, password and session length
News: DISCUSSION: Does Teething Cause Diarrhea?
 
  Website   Home   Help Search Login Register  
Pages: [1]
  Print  
Author Topic: Waa Maxay Xanuunka iinta ee Down's Syndrome?  (Read 237 times)
0 Members and 1 Guest are viewing this topic.
SomaliDoc
Moderator
*****

Points: 0
Online Online

Gender: Male
Location: Somalia
Field: SMF Helper
Posts: 224


Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!


WWW
« on: March 21, 2008, 10:13:09 PM »

Ma jiro qof lagu yaqaano inuu si gaar ah ugu dhaco xanuunka iinta keena ee down syndrome. Waa kala duwan yahay sida dadkuba ugu kala duwan yihiin muuqaalka, shakhsiyada iyo awooddaba.

Dadka qaba xanuunka iinta ee Down's syndrome waxay leeyihiin dhibaatoyin xagga waxbarashada ah.
Qaarkood dhibaatada ay u keenaan way ka culus tahay kuwa kale.

Way adagtahay in la sheego carruurta inta ay saamayn doonto carruur ahaan, ama markay waynaadaan. qaar ka mid ah dadka waaweyn ee qaba xanuunka Down's syndrome ayaa kari kara inay shaqoyin helaan isla markaana ay si madaxbanaan u noolaadaan.
si kastaba ha ahaatee, dadka qaba xanuunka Down's syndrome badankoodu waxay u baahanyihiin caawimo muddo dheer ah iyo taageero.

Dhibaatooyin badan oo caafimaad ayaa xiriir la leh xanuunka Down's syndrome. Laakiin mar labaad, dadku way kala duwanyihiin, qaar ka mid ah dadka qaba xanuunka Down's syndrome ayaana caafimaadkoodu wanaagsanyahay.

Dhibaatooyinka xiriirka la leh xanuunka iinta ee Down's syndrome waxa ka mid ah dhibaatooyin xagga wadnaha ah iyo aragtida iyo maqalka oo dhinma. qaar badan oo ka mid ah dhibaatooyinka waa la daaweyn karaa, baaritaano caafimaad oo badan oo joogto ahina waxay hubaal ka dhigi karaan in wixii dhibaatooyin ah loo ogaado sida ugu horraysa ee ugu dhakhsaha badan. dadka qaba xanuunka iinta badankoodu illaa iyo 50 sano ayey noolaadaan qaarkoodna waxay noolaadaan in ka badan 70 sanno.

Xanuunka maskaxda ku dhaca ee loo yaqaano alzheimer's (oo ah nooc xasuusta iyo awoodda maskaxda ee dadka waaweyn daciifiya) ayaa alga yaabaa inuu ku saameeyo dadka qaba xanuunka iinta keena ee Down's sundrome da' ka horraysa tan dadka kale.

Sidee ayuu caan u yahay xanuunka iinta ee Down's syndrome?
Dadku sida caadiga ah ma fishaan inay dhalaan ilmo qaba xanuunka keena iinta ee Down's syndrome. Sida caadiga ah qoysasku iskama dhaxlaan. dadka qaarkood ayaa u haysta in haweenka ay da'doodu weyntahay ay dhalaan ilmo qaba xanuunka. laakiin tasi run ma aha.
Qof kasta wuu dhali karaa ilmo qaba xanuunka iinta ee Dow's syndrome, laakiin khatartu waxay sare ula kacdaa da'da.

Weynaanta ay hooyadu weyntahay ayaa fursaddeeda ay ku dhalatso ilmo qaba xanuunka iinta ee Down's syndrome sare ula kacdaa. Tusaale ahaan, fursadda inaad dhasho ilmo qaba xanuunka Down's syndrome waa hal qof 1500 ee haweenka ay da'doodu tahay 20 sanno, hal qof 900 ee haweenka da'dodu tahay 30 sanno, iyo hal qof 100 haweenka ay da'doodu tahay 40 sanno.

Dadka qaar ayaa doorbida inay khatarta u eegaan boqolkiiba. Khatarta ah hal qof 1500 ee kasta waxay la mid tahay 0.07% khatar ah hal qof 900 ee kasta waxay la mid tahay 0.1%. khatarta ah iyo hal qof 100 kii qof ee kasta waxay la mid tahay khatar ah 1%.

Maxaa sababa xanuunka iinta ee Down's syndrome?
Dhamaan unugyada jirkeenna gudahooda waxa ku jira qaabab yaryar oo loo yaqaano koromosoomyo.
Koromosoomyada ayaa sida hidaha ay ku xirantahay sidaynu u koraa.

Dadka badankiisu waxay leeyihiin 23 lammaane oo koromosoom oo ku jira mid kasta oo ka mid ah unugyadooda. Marka uu jirkeenu soo saaro unugyada loo baahanyahay is uu ilmo u samaysmo, ayay lammaaneyaasha koromosoomyada ahi qayabsamaan oo ay dib isu habeeyaan. Mararka qaarkood ayaanay koromosoomyadan lammaaneyaasha ahi si sax ah u qaybsamin, taanina waxay sababtaa inay unugyada ilmuhu yeeshaan koobbi (copy) dheeraad ah oo ah koromosoomka 21aad. Tan ayaa sababta xanuunka iinta ee Down's syndrome (waana sababta mid ka mid ah) magacyada caafimaadka ee loo yaqaano xanuunka iinta ee Down's syndrome uu u yahay Trisomy21).

Koromosoomka dheeraadka ah lagama saari karo unugyada, sidaas darteed daawo looma hayo xanuunka.
Hadii ay koromoomyadu u qaybsamaan si aan sax ahayn, tani ogaan uma dhacdo ee waa wax ilaah qadaray. mana sababaan wax ay waalidiintu sameeyeen ama ay samayn waayeen.

SomaliDoc
Logged

1- Si aad wax ugu qortid Webka | 2- Si aad uga qeyb qaadatid doodaha | 3- Si aad su'aalo u waydiisid dhakhaatiirta
4- Si aad ula xiriirtid xubnaha kale | 5- Si aad ra'yigaaga u soo bandhigto
Waa inaad magac ku leedahay webka (Halkan Riix)
Pages: [1]
  Print  
 
Jump to:  

Related Topics
Subject Started by Replies Views Last post
Noocyada Madax Xanuunka Cudurrada Guud SomaliDoc 1 788 Last post October 04, 2007, 12:12:25 AM
by SomaliDoc
Internet Addiction Syndrome!! Feel Free Here Pharmacist 1 166 Last post November 22, 2007, 04:59:12 AM
by Waxbaro!
Medical Students' Syndrome Clinical Rotations Doctoor 12 558 Last post April 13, 2008, 04:13:09 AM
by Leila
Today is: World Down Syndrome Day! Health News and Events Dr.Mahdi 3 132 Last post March 29, 2008, 09:38:44 PM
by Waxbaro!
Muxuu yahay xanuunka Galaha? Qaybta Su'aalaha Cidhib 4 606 Last post December 11, 2008, 01:28:46 PM
by dr-awale
Powered by MySQL Powered by PHP Powered by SMF 1.1.7 | SMF © 2006-2008, Simple Machines LLC Valid XHTML 1.0! Valid CSS!


Google visited last this page January 02, 2009, 08:32:55 PM