Somali Medical Forums
March 12, 2010, 07:16:20 AM *
Welcome, Guest. Please login or register.

Login with username, password and session length
News: VIDEO: Medical doctors graduated in Somalia
 
  Website   Home   Help Search Login Register  
Pages: [1]
  Print  
Author Topic: Alarjiyo aad u xun (Anaphylaxis)  (Read 255 times)
0 Members and 2 Guests are viewing this topic.
SomaliDoc
Moderator
*****

Points: 0
Offline Offline

Gender: Male
Location: Somalia
Field: SMF Helper
Posts: 455


Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!


WWW
« on: August 29, 2009, 12:57:39 PM »

Alarjiyada aad u xun (waxaa xittaa lagu magacaabaa anaphylactic shock) waa alerjiyo aad u daran oo dhimasho keeni karto. Waxay alarjiyada aad u xun tahay jawaabta uu habka iska caabinta jirkaada ku samaynaayo maaddo uusan aqoonin (tusaale ahaan cunto ama maaddo) tasoo ku khaldamaayo inuu halis yahay. Jirkaaga oo dhan ayuu wax-yeeleynaaya, caadi ahaan daqiiqado gudahood markii uu taabto waxa keeno alarjiyada, laakin mar-mar waxay ku qaadan kartaa dhowr saacadood. Cadaadiska dhiigga ayaa si kadis ah hoos u dhici doono waxaana ciriiri noqonaayo neef-mareenada.

Waxaa alarjiyada keeni karo cuntooyin baaxad wayn leh iyo curyiyaal kale (agents). Kuwa ugu caansan waxaa ka mid ah lawska, lafaha miraha, sisinta, kalluunka, qashaashada, badeecada ka samaysan caanaha, ukumanha iyo strawberries. Waxaa kale oo alarjiyada aad u xun keeni karaan xuunka ama qaniiyada shinnida, cinjirka dabiiciga ah (bambiirada) iyo daawooyinka qaarkood sida antibiyootikada benesilliinka.

Calaamadaha
Calaamadahaan ayaa dhici karo markii la taabto maaddo alarjiyo keenta (allergen):

Calaamadaha way kala duwanaan karaan, waxayna noqon karaan kuwo qafiif u ah jirka ama kuwo halis gelinayso nolosha.

Waxaa calaamadaha lagu garto ka mid ah wajiga, faruuraha iyo dhuunta oo barraraan, cun-cun ama afka oo yeesho dhe-dhen macdan ah ama kaar, indhaha oo casaan iyo cun-cun yeeshaan. Waxaad kale oo aad dareemi kartaa in cadaadiska dhiigga hoos u dhaco iyo isbedeelo ku yimaado garaacista wadnaha. Waxaa kale oo dhib kugu noqon karo neefsashada iyo hadalka sababtoo ah neef-mareenada ayaa ciriiri gelaayo.

Calaamadaha kale ee lagu garto waxaa ka mid ah jir cun-cun ama midda lagu magacaabo nettle-rash (firiricyo), suuxdin, ama miir-beelid oo uu sababay yaraanta cadaadiska dhiigga.

Waxaa suurto gal ah inaad xummad yeelatid, calool-qabad, matagid ama shuban. Haddii alarjiyada uu noqdo mid sababay qaniinyada xasharaadka, waxaa dhici karto in aagga qaniinyada ay ka sii bararsanaato meesha la qaniinay.

Waxaa astaamaha u si badan dareemid kadis ah ee wel-wel ama cabsi.

Anaphylactic shock waxuu keeni karaa dhimasho sababta oo ah waxaa kugu dhegi karo neefta ama dhiigga ayaa aad hoos u dhaci karo.

Sababaha
Anaphylactic shock waxaa sababo habka iska caabinta jirkaaga kaasoo si aad u xun uga jawaabaayo badeecada alarjiyada keento oo aad horey u soo qaadatey, tusaale ahaan ukumaha.

Markii ay maaddada alarjiyada gasho dareeridda dhiiggaaga, jirkaada ayaa sii daynaayo tiro aad u badan oo histamine iyo kimikooyin kale.

Waxaa ballaranayo halbowlayaasha dhiigga, kuwaaso keenaayo inuu dhiigga hoos u dhaco iyo inay yaraadaan neefmareenada sambabaha.

Baaritaanka
Waxaa la ogaadaa inaad qabtid alarjiyada aad u xun markii la arko calamadahaada iyo taariikhdaada caafimaad. Waxaa natijada baaritaanka lagu xaqiijinayaa tijaabo habboon ee lagu samaynaayo korkaaga ama dhiiggaaga. Waxay tijaabooyinka caawinaad u yihiin maaraynta mustaqbalka ee alarjiyada.

Daawaynta
Haddii uu qof si aad u daran u xanuunsado ama suuxo ka dib markii xasharaadka qaniino, ama u cuno cunto gaar ah ama uu qaato daawo, waa in lagula dhaqmaa si qof u baahan daawayn gurmad ah (deg-degga ah). Waa in si toos ah loo wacaa ambulansada bacdamaa uu dhiman karo haddii si deg-deg ah loo helin daawayn.

Waa in la siiyaa cirbadaynta andrenaline (epinephrine) sida lagu taliyay, isla markiiba la ogaaday inuu yahay alarjiyo aad xun. Haddii aysan ku fiicnaanin 5-10 daqiiqo gudahood waxaa loo baahan yahay in mar labaad la cirbadeeyo. Waxay andrenaline kor u qaadeysa cadaadiska dhiigga, kaaso fiicnaynaayo dhibaatooyinka neefsashada hoosna u dhigaayo barrarka. Haddii neefsashada ama wadnaha istaago, waa in lagu sameeyaa dib u soo nolaynta wadnaha iyo sambabaha (CPR).

Waxaa dhici karto in lagu jiifiyo isbitaal si laguu eego 24 saac, bacdamaa ay mar-mar astaamaha soo noqon karaan saacado ka dib. Waxaa markaa lagugu samayn karaa cirbadaynta antihistamine ama cortisteroid, ama waxaa lagugu siin karaa ayadoo ku jirto faleebada lagu xiro xididka gacanta.

Waxaa laguu qorayaa epinephrine si aad iska iskugu cirbadaysid siringada horay loo soo buuxiyay. Waxaa talosiin ah inaad sidatid kaar ama jijin oo ay ku qoran tahay inaad alarjiyo qabtid sidii aad dadka kale u ogaysiido.

Wixii su'aalo ku saabsan qoraalkan halkaan ka weydii

SomaliDoc
Logged

1- Si aad wax ugu qortid Webka | 2- Si aad uga qeyb qaadatid doodaha | 3- Si aad su'aalo u waydiisid dhakhaatiirta
4- Si aad ula xiriirtid xubnaha kale | 5- Si aad ra'yigaaga u soo bandhigto
Waa inaad magac ku leedahay webka (Halkan Riix)
WWW.SOMALIDOC.COM
Pages: [1]
  Print  
 
Jump to:  

Powered by MySQL Powered by PHP Powered by SMF 1.1.9 | SMF © 2006-2009, Simple Machines LLC Valid XHTML 1.0! Valid CSS!


Google visited last this page March 10, 2010, 09:03:28 PM