Somali Medical Forums
July 29, 2010, 10:12:21 PM *
Welcome, Guest. Please login or register.

Login with username, password and session length
News: PICTURES: Handicap patients in Martini Hospital needs immediate health care
 
  Website   Home   Help Search Login Register  
Pages: [1]
  Print  
Author Topic: Boogoobidda Xiidmaha (Ulcerative Collitis)  (Read 992 times)
0 Members and 1 Guest are viewing this topic.
SomaliDoc
Moderator
*****

Points: 0
Offline Offline

Gender: Male
Location: Somalia
Field: SMF Helper
Posts: 522


Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!


WWW
« on: February 25, 2009, 08:38:52 PM »

Ulcerative colitis waa cudur ku dhaca xiidmaha waaweyn. Sababta keenta lama garanayo.
Gidaarka gudaha ah ee xiidanka, oo sidoo kale loo yaqaanno xiidmaha waaweyn, ayaa cun-cuna ama barara. Xanuun yar-yar ama nabaro ayaa samaysma . Tani waxay badanaa ka billaabataa qaybta hoose ee xiidanka wayna fidi kartaa.

Calaamadaha
Waxaa laga yaabaa in aad isku aragto calaamadahaan qaarkood ama dhammaan:
• Calool xanuun
• Shuban
• Dhiig saxarada la socda ama malawadka ka imaanaya
• Daal fara badan
• Cunto cunid la’aan
• Caatoobid
• Dheecaannada jirka oo luma, sidoo kalena loo yaqaanno fuuq bax

Daryeelkaaga
Takhtarkaaga ayaa ku eegi doona oo baaritaanna ku amri doona.
Baaritaannadaan waxaa laga yaabaa iney ku jiraan:
• Sambal saxaro si dhiig looga baaro.
• Barium enema si loo arko sawirka raajada ee xiidanka.
• Baaritaan lagu eegayo gudaha malawadka iyo xiidanka. Mararka qaarkood sambal nud ah, oo loo yaqaanno biopsy (hilib yar oo jirka laga soo jaro), ayaa la qaadaa si shaybaarka loogu baaro.

Daaweyntaada waxaa ka mid noqon kara:
• Ka fogaanshada cuntooyinka uga sii daraya calaamadaha.
• Daawooyin lagu xakameynayo bararka xiidanka.
• Qalliin.

Haddii aad u baahantahay warbixin dheeraad ah ama su'aalo aad qabtid halkaan ka weydii
SomaliDoc
Logged

1- Si aad wax ugu qortid Webka | 2- Si aad uga qeyb qaadatid doodaha | 3- Si aad su'aalo u waydiisid dhakhaatiirta
4- Si aad ula xiriirtid xubnaha kale | 5- Si aad ra'yigaaga u soo bandhigto
Waa inaad magac ku leedahay webka (Halkan Riix)
WWW.SOMALIDOC.COM
Pages: [1]
  Print  
 
Jump to:  

Related Topics
Subject Started by Replies Views Last post
Cudurka Bararka Xiidmaha (Crohn) Cudurrada Guud SomaliDoc 0 1226 Last post February 01, 2008, 03:37:15 AM
by SomaliDoc
Powered by MySQL Powered by PHP Powered by SMF 1.1.11 | SMF © 2006-2009, Simple Machines LLC Valid XHTML 1.0! Valid CSS!


Google visited last this page Today at 02:09:43 AM