Somali Medical Forums
September 03, 2010, 07:39:48 PM *
Welcome, Guest. Please login or register.

Login with username, password and session length
News: PICTURES: Handicap patients in Martini Hospital needs immediate health care
 
  Website   Home   Help Search Login Register  
Pages: [1]
  Print  
Author Topic: Burburka carjaw laabatada / Riixa (Osteoarthritis)  (Read 931 times)
0 Members and 3 Guests are viewing this topic.
SomaliDoc
Moderator
*****

Points: 0
Offline Offline

Gender: Male
Location: Somalia
Field: SMF Helper
Posts: 535


Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!


WWW
« on: August 09, 2009, 03:52:49 PM »

Burburka carjawda laabatada (Osteoarthritis) waa xaalad waxyeesho halka ay xubnaha iska qabsadaan, sida qoobabka, jilbaha iyo laf-dhabarka.
Waxaa mar-mar loo yaqaanaa sida ‘riixa waqti wax ku bur-buriya’. Waxuu osteoarthritis yimaadaa markii carjawka ku jiro halka ay xubnaha iska qabsadaan ay dhaawacmaan oo ay kala baxaan, iyaga oo keenaayo adeeg, xanuun iyo dhaq-dhaqaaq la’aan qaybta xubnaha iska qabsadaan oo wax-yeeloobay.
Caadi ahaan, waxuu burburka carjawda laabatada waxyeelaysaa kuwa ka wayn 50 jir, waxayna aad caan uga sii tahay dumarka haddii loo bar-bardhigo ragga. Si kastaba ha noqotee, waxuu ku dhici karaa oo kale dadka dhallinta yar, mar-marna, wuxuu sabab u yahay dhaawac ama xaalad caafimaad kalagoysyada xubnaha. Waa iska caadi in khalad loo fahmo in burburka carjawda ay mar kasto tahay dhibaato iyo xaalad naafonimo.
Waxay dad badan oo waayeel ah ee ku sugan xaaladdaasi lee-yahiin calaamadaha lagu garto oo qafiif ah oo aan si aad ah u sii xumaanaynin.
Si kastaba ha noqotee, mar-marka qaarkii, waxuu burburka carjawda laabatada noqon karaa mid aad u daran, gaar ahaan haddii hal ama labo xubno-kalagoys ay si xun u waxyeeloobaan.
Ma jiro wax daawaya burburka carjaw laabatada, laakin calaamadaha lagu garto waxaa lagu dhimi karaa iyada oo loo isticmaalaayo dhowr daawooyin kala duwan.
Calaamadaha
Waxay calaamadaha waa-wayn ee lagu garto burburka carjawda laabatada yahiin adeeg, xanuun, iyo dhibaato ku timaado dhaq-dhaqaaqidda kalagoysyada xubnahaada. Hase-yeeshee, waxaa dhici karto inaadan qabin gabi ahaan wax calaamado ah ee lagu garto. Waxaad ka dareemi kartaa calaamadaha osteoarthritis hal ama labo kalagoysyo oo keliya, ama waxaad isku arki kartaa in kalagoyso badan wax gaareen. Xittaa waa suurto gal in astaamaha osteoarthritis imaado kadiba iska joogsado.
Waxaa calaamadaha kale ku jiri karaan kalagoysada oo u muuqato inay xoogaa ballaaran yihiin ama ‘kuusan yihiin, awoodda dhaq-dhaqaaqidda oo xadidan (haddii ay kalagoysyada jilibkaaga iyo misigtaada ay wax-yeeloobaan), iyo hur fudud ( barar) wax-yeeleeyo kalagoysada wax gaarey.
Haddii aad qabtid osteoarthratis, waxaad isku arkeysaa in kalagoysyada wax gaarey ee waxyeeloobay ay huraan (bararaan). Kani ma ahan wax aan caadi ahayn, inkasto oo ay loo baahan yahay inaad u tagtid Takhtarkaaga Guud haddii mid ka mid ah kalagoysyadaada aad u bararaan ama ay ballaartaan, bacdamaa ay sababta noqon karto nooc ka duwan ee riix ah. Waxa ka qaadi kartaa osteoarthratis kalagoysyada misigtaada, jilibkaaga, qaybta hoose ee laf dhabarkaaga iyo gacmahaada (gaar ahaan kalagoysyada farahaada iyo suulalkaaga).

Sababaha
Waxuu osteoarthratis dhacaa markii uu dhaawac ku yimaado dusha difaacsan (dhacaan) oo u fasaxaayo inay xubnahaaga dhaq-dhaqaaqaan. Wuxuu carjawga noqonaayaa mid la isticmaaley oo aan sax eheen, kaaso keenaayo adkaansho iyo xanuun kalagoysyada wax gaarey. Sababta saxda ah ee keento osteoarthratis si buuxdo loo fahmi-maayo, inkasto oo ay dhoowr falayaal ah ay ku soo biirin karaan inay abuuranto xaaladdaas. Tusaale ahaan, waxuu osteoarthratis caadi ahaan ku dhacaa dadka ka wayn 50 jir waxuuna aad u sii badan yahay intii aad sii waynaanaysid.
Hal nooc ka mid ah osteoarthritis, qoysaska ayaa la iska dhaxli karaa. Waxuu noocan ku dhaca gacmahaaga, gaar ahaan ka dib markii uu dumarka ka istaago xeelka (caadada dhiigga). Intooda badan noocyada kale ee osteoarthratis ma la kala dhaxlo, inkasto oo dadka qaarkood u muuqdaa inay dabiici ahaan u nugul yahiin xaaladdaasi.
Baaris lagu sameeyay osteoarthratis waxay muujisay inay cayilaanta ay culays dheeraad ah sareeyso kalagoysyadaada gaar ahaan misigaha iyo jibka. Waxuu kale osteoarthritis aad ugu sii xumaan karaa dadka cayilan. Waxuu burburka ku dhici karaa is-qabsiga horay ugu soo halaabay dhaawac, qalliin ama xaalad kale.

Baaritaanka cudurka
U tag Takhtarkaaga Guud haddii aad u malaynaysid inaad qabtid osteoarthratis. Waxay ku waydiin doonaan wax ku saabsan calaamadahaaga iyo waxay ka sameyn doonaan baaris kalagoysyadaada iyo murqahaada.
Si laguu xaqiijiyo ogaasho inaad qabtid osteoarthratis, waxaa dhici karto inaad u baahatid raajo in lagu sameeyo is-qabsiinadaada wax-yeeloobay. Waxay raajada isticmaashaa tamarta shucaaca si ay u soo saarto muuqaalka gudaha ee jirkaaga, waxuuna muujinayaa sida ay u hormansan tahay xaaladdaada. Waxay raajada muujin kartaa waxii ka maqan ama ka jaban carjawga, dhaawaca lafahaada, ama osteophytes (kuus-kuus lafeed ee keenay osteoarthratis).
Si kastaba ha noqotee, waxay raajada awoodin inuu muujiyo osteoarthratis’ka dhacay waqti aan fogayn.
Haddii uu Takhtarkaaga Guud u malaynaayo inay calaamadahaaga ay ku yimaadeen nooc ka duwan ee cudurka xubnaha (riix), sida midka lagu magacaabo rheumatoid arthritis (Roomaatiisam), waxaa lagaaga baahanayaa in lagu sameeyo baris dhiig.

Daawaynta
 Haddii osteoarthratis’kaaga yahay mid fudud, ma u baahanaysid daawayn. Si kastaba ha noqotee, waxaa jiraan daawooyin badan, daawayn iyo qalab loogu talogalay osteoarthratis oo fududeynaayo inaad ugu noolaatid xaaladdaasi. Waxay dad badan u qaataan xanuun dile (xanuun-dilayaal) osteoarthratis. Haddii paracetamol-ka iyo gel-ka xanuun-dilaha ay kaa xakamayn waayayaan xanuunka, waxuu Takhtarkaaga Guud kuu qorayaa xanuun-dile aad uga xoog badan, sida co-codamol ama co-dydramol. Waxaa kale oo lagaa cirbadayn karaa kalagoysyada, oo joojinayso xanuunka iyo bararka. Waxuu kale oo u Takhtarkaaga Guud kuu qori karaa baakadaha qandhaciska ama qaboowga ee la saaro kalagoysyada.
Transcutaneous electrical nerve stimulation (TENS) waa nooca fiisiyoterabiyada ee osteoarthratis kaasoo lagu dhimaayo xanuunka iyo calaamadaha lagu garto. Waxuu u dareem la’aan ka dhigaayaa qaybta dambe ee dareemeyaasha ku yaalo laf-dhabarkaaga, sidii aad mar dambe wax u dareemin. Haddii dhibaato ku qabtid dhaq-dhaqaaqa ama waxqabadyo maalimeedka, waxaa jiraan qalab waxtar u leh oo la heli karo, sida kobo-gashi gaar ahaan loogu talogalay, qalabka kaa caawino socodka iyo qalbka lagu furo ama xiro biiyaha.

QalliinWaxaa qalliinka osteoarthratis loogu baahan karaa oo keliya markii ay jiraan arrimo yar. Waxaa lagugu samayn karaa qalliin haddii ay daawayn kale wax kuu teri-waydo. Waxaa jiraan dhowr noocyo kala duwan ah ee qallin loogu talagalay osteoarthratis.
Waxaad qalliin u samayn kartaa sidii loo simo dusha kalagosyadaada, ama dib loo soo celiyo carjawga (ee loo yaqaan arthroscopy), ama waxa qalliin lagaga beddeli karaa kalagoyska oo dhan (arthroplasty), ama waxaa layskugu gayn karaa hal meel (arthrodesis). Waxuu anthroplasty-ga caadi ahaan loo isticmaala in lagu beddelo misigada io jilibyada. Waxuu takhtarkaaga qalliinka kaa saarayaa kalagoyska wax gaarey iyo lagu beddelo kala-goys ka samaysan balaastiik gaar ah ama macdan (prostheses).
Haddii aan lagu samayn karin arthroplasty, waxuu takhtarkaaga qalliinka kuugu la talinayaa in lagugu sameeyo qalliinka anthrodesis, oo labada kalgoys si joogto ah isku dhejinaayo. Waxaa sidaan loola jeedaa in kala-goyskaaga xoog yeelan doono, xanuunna ma ka dareemi doontid, inkasto oo aad dib u dhaqaajin karin.

Iskaa wax u qabso
Waxaa aad muhiim u ah jimicsiga si loo daaweeyo osteoarthratis. Ma aha keliya inuu jimicsiga joogtada ah kaa shaqaysiinaayo oo aad ku dhaq-dhaqaaqaysid, waxuu kaa caawinayaa inaad dhistid murqahaaga iyo xoojisid kalagosyada xubnahaada.
Waxay Takhtarkaaga Guud, fiisiyoterabiistahaaga, ku siin karaan qorshaha jimicsiga si aad ugu samaysid guriga. Haddii aad cayilan tahay, waxaad isku daydaa inaad dhintid culayska adiga oo samaynaayo jimicsi iyo adiga oo cunaayo cunto dheelitiran. Ahaanshada qof cayilan wuxuu saarayaa culays saa’id ah ama kalagoysyada xubnahaada, wuxuuna osteoarthratis ka dhigaaya mid sii xumaanaysa. Waxaa kale oo jiraan daawayno gaar oo kale ee loo heli karo osteoarthratis, sida daawaynta chiropreactic (oo diiradda lagu saaraayo inay toosido laf-dhabarkaaga), agobuntuurada iyo daliigid. Si kastaba ha noqotee, waxaa jiro caddaymo caafimaad oo yar ee muujinaayo inuu kani wax-tar leeyahay. Waxaa calaamadaha osteoarthratis kaa caawini karaan waxyaabo lagu darsado cuntada, sida glucosamine sulphate, chondroitin, iyo saliidda kallunka (omega-3 fatty acids).
Mar kale, waxaa jirto caddaymo yar inay kuwaan wax-tar leeyihiin, inkasto oo barista muujisay in qaadashada glucosamine sulphate-ka ama salidda kalluunka, ay yeelan karaan natiijo fiican.
Ha qaadan daawanadaan haddii aad u lee-dahay xasaasiyad (alarjiyo) kallunka shellfish.

Haddii aad su'aal qabtid halkaan ka weydii
SomaliDoc
Logged

1- Si aad wax ugu qortid Webka | 2- Si aad uga qeyb qaadatid doodaha | 3- Si aad su'aalo u waydiisid dhakhaatiirta
4- Si aad ula xiriirtid xubnaha kale | 5- Si aad ra'yigaaga u soo bandhigto
Waa inaad magac ku leedahay webka (Halkan Riix)
WWW.SOMALIDOC.COM
Pages: [1]
  Print  
 
Jump to:  

Powered by MySQL Powered by PHP Powered by SMF 1.1.11 | SMF © 2006-2009, Simple Machines LLC Valid XHTML 1.0! Valid CSS!


Google visited last this page August 21, 2010, 01:18:20 PM