Somali Medical Forums
July 29, 2010, 10:28:04 PM *
Welcome, Guest. Please login or register.

Login with username, password and session length
News: DISCUSSION: Does Teething Cause Diarrhea?
 
  Website   Home   Help Search Login Register  
Pages: [1]
  Print  
Author Topic: Cudurka Bararka Xiidmaha (Crohn)  (Read 1227 times)
0 Members and 1 Guest are viewing this topic.
SomaliDoc
Moderator
*****

Points: 0
Offline Offline

Gender: Male
Location: Somalia
Field: SMF Helper
Posts: 522


Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!


WWW
« on: February 01, 2008, 03:37:15 AM »

Cudurka bararka xiidmuhu (Crohn) waa cudur malawad oo aan la garaneynin waxa keena.
Xiidmaha ama malawadka ayaa barara si fiicanna uma shaqaynayaan.
Cudurka bararka xiidmuhu (Crohn) wuxuu ku dhici karaa qaybta yar ama weyn ee malawadka.
Waa cudur muddo dheer.
Waxaa laga yaabaa in aad dareento in aad fiican tahay toddobaadyo ama bilo ama waxaa laga yaabaa in aad maalin calaamadaha maalin walba isku aragto.
Daryeel la siiyo, ayey dadka badankooda qaba cudurka xiidmaha (Crohn) waxay horseedayaan nolol fir-fircoon, oo buuxda.

Calaamadaha
• Shuban
• Qandho
• Xanuun iyo casiraad caloosha ah
• Dhibaato xagga cunidda ah
• Caatoobid
• Daal dareemid

Daryeelkaaga
Takhtarkaagu wuu ku baari doonaa wuxuuna ku weydiin doonaa su’aalo ku saabsan calaamadahaaga.
Waxaa sidoo kale laga yaabaa in:
• Dhiig ama saxaro lagaa baaro
• Malawad baarid (Colonoscopy) – takhtarku wuxuu baari doonaa gudaha malawadka iyo xiidanka isagoo isticmaalaya tubbo dabacsan
• Raajo leh barium
Inkastoo aysan jirin daawo loogu talogalay cudurka xiidmaha (Crohn), daaweynta lagu maareynayo cudurka waxaa ku jiri kara:
• Daawooyin qaadasho si loo yareeyo bararka, yaraynta xanuunka iyo casiraadda, iyo ka hortagga cudurka.
• Ka fogaanshada wixii cuntooyin ah oo calaamadahaaga uga sii daraaya.
Cuntooyinka buunshuhu ku badan yahay sida khudradda markaas la gooyey iyo miraha isu dhan iyo cuntooyinka dufankoodu sarreeyo sida waxyaabaha caanaha laga sameeyey iyo hilibka guduudan ayaa laga yaabaa iney dadka qaarkood u keenaan calaamadaha.
• In lagu qalo si dhibaatada malawadka ka jirta loo saxo.
Waxyaabaha kale ee aad sameyn kartid ee ku caawin kara:
• In aad fir-fircoonaato.
• Aadan sigaar cabbin.
• Aad barato sida la isku dejiyo diiqaddana (stress) la isaga yareeyo.
• Takhtarkaaga u tag si laguula socdo hadba sida lagu taliyo.

Haddii aad wax su’aalo ama walaac ah aad qabtid halkaan ku weydii

Somalidoc
Logged

1- Si aad wax ugu qortid Webka | 2- Si aad uga qeyb qaadatid doodaha | 3- Si aad su'aalo u waydiisid dhakhaatiirta
4- Si aad ula xiriirtid xubnaha kale | 5- Si aad ra'yigaaga u soo bandhigto
Waa inaad magac ku leedahay webka (Halkan Riix)
WWW.SOMALIDOC.COM
Pages: [1]
  Print  
 
Jump to:  

Related Topics
Subject Started by Replies Views Last post
Cudurka Ebola iyo Uganda Maxaa Kala Haysta!! Health News and Events Diagnostic 1 536 Last post December 18, 2007, 12:57:00 AM
by Waxbaro!
Cudurka Sambab Xaniban oo Mudo Dheer Jiray (Chronic Obstructive Pulmonary Diseas Cudurrada Guud SomaliDoc 0 1126 Last post August 06, 2008, 09:19:29 PM
by SomaliDoc
Waa maxay cudurka (Prurigo Nodularis)? Qaybta Su'aalaha Saiid6666 1 3447 Last post January 15, 2009, 09:38:22 PM
by SomaliDoc
Waa maxay cudurka leucopenia? Qaybta Su'aalaha Saiid6666 1 879 Last post January 18, 2009, 11:52:03 PM
by SomaliDoc
Boogoobidda Xiidmaha (Ulcerative Collitis) Cudurrada Guud SomaliDoc 0 992 Last post February 25, 2009, 08:38:52 PM
by SomaliDoc
Powered by MySQL Powered by PHP Powered by SMF 1.1.11 | SMF © 2006-2009, Simple Machines LLC Valid XHTML 1.0! Valid CSS!


Google visited last this page June 24, 2010, 06:56:47 PM