Somali Medical Forums
January 07, 2009, 11:30:34 PM *
Welcome, Guest. Please login or register.

Login with username, password and session length
News: VIDEO: Medical doctors graduated in Somalia
 
  Website   Home   Help Search Login Register  
Pages: [1]
  Print  
Author Topic: Cudurka Dhimir Beelidda (Alzheimer)  (Read 321 times)
0 Members and 1 Guest are viewing this topic.
SomaliDoc
Moderator
*****

Points: 0
Online Online

Gender: Male
Location: Somalia
Field: SMF Helper
Posts: 224


Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!


WWW
« on: February 13, 2008, 06:05:22 PM »

Cudurka Alzheimer waa nooca ugu badan ee caqli suulidda. Caqli suuliddu waxay dhacdaa iyada oo ka dhalata isbeddellada ku yimaada maskaxda ee saameeya awoodda qofku in uu ku fekero oo wax xusuusto. Waxay noqon kartaa mid aad u daran oo saameysa hawlo maalmeedka.
Cudurka Alzheimer maahan qayb caadi ah ee gabow. Qofna ma yaqaanno waxa sababa Cudurka Alzheimer, laakiin cilmi baaris fara badan ayaa la sameeyey. Waxaa laga yaabaa in aad halis badan ugu jirto in uu kugu dhaco cudurkan haddii uu jiray xubin qoyskaaga ka mid ah oo cudurka qabay.

Calaamadaha
Calaamaduhu waxay u billowdaan si tartiib-tartiib ah wayna kala duwanaan doonaan ama way ka sii dari doonaan. Qofna ma xakamayn karo calaamadaha. Daaweyntu way caawin kartaa, laakiin ma bogsiiso cudurka.
Calaamadaha waxaa ku jiri kara:
• Xusuus waayid, gaar ahaanna ku saabsan dhacdooyinkii dhawaa
• Jahwareer ku saabsan waqtiga iyo goobta
• Kala garasho liidata
• Dhibaato dhinaca barashada macluumaad cusub
• Isbeddello ku yimaada awoodda in la sameeyo waxyaabaha sida baabuur wadidda, lacag isticmaalidda, daawo qaadashada, cunto karinta, lebbisashada, iyo qubeyska

Daryeelkaaga
Ma jiro baaritaan la isaga sameynayo Cudurka Alzheimer. Takhtarku wuxu:
• Isticmaali doonaa baarid si uu u kala sooco sababaha kale ee xusuus waayidda iyo jahawareerka
• Eegi doonaa qaabka xusuus waayidda iyo wacyi gelinta qofka ee isbeddelka
• La imaan doonaa taxane daawooyin iyo macluumaad uu kala yimid qoyska
• Sameyn doonaa imtixaan jir ahaaneed
• Hubin doonaa xaaladda maskaxeed ee qofka asagoo weydiinaya su’aalo xusuus iyo kuwo fekerba
Ma jirto daawo loogu talogalay Cudurka Dhimir Beelidda (Alzheimer), mana tago. Daawooyinku waxaa laga yaabaa iney caawino ka geystaan calaamado xoogaa ama dib u dhigaan horukaca cudurka. Daawooyinka kale waxay daaweyn karaa dhibaatooyinka hurdada, diiqada, ama niyadkaca.
Jir dhis, nafaqo wanaagsan, iyo hawlaha bulshada ayaa sidoo kale muhiim ah.

Hadii aad qabto su'aalo walac ku aadan mawduucaan halkaan ku weydii

SomaliDoc
Logged

1- Si aad wax ugu qortid Webka | 2- Si aad uga qeyb qaadatid doodaha | 3- Si aad su'aalo u waydiisid dhakhaatiirta
4- Si aad ula xiriirtid xubnaha kale | 5- Si aad ra'yigaaga u soo bandhigto
Waa inaad magac ku leedahay webka (Halkan Riix)
Pages: [1]
  Print  
 
Jump to:  

Related Topics
Subject Started by Replies Views Last post
Miyir Beelidda Cudurrada Guud SomaliDoc 0 288 Last post November 02, 2007, 11:16:05 PM
by SomaliDoc
Cudurka Ebola iyo Uganda Maxaa Kala Haysta!! Health News and Events Diagnostic 1 161 Last post December 18, 2007, 01:57:00 AM
by Waxbaro!
Cudurka Bararka Xiidmaha (Crohn) Cudurrada Guud SomaliDoc 0 369 Last post February 01, 2008, 04:37:15 AM
by SomaliDoc
Maxaa Sababa Cudurka Iskitsoofiriiniyada? Cudurrada Maskaxda SomaliDoc 1 388 Last post April 28, 2008, 12:52:29 AM
by Mahadgurey
Cudurka Sambab Xaniban oo Mudo Dheer Jiray (Chronic Obstructive Pulmonary Diseas Cudurrada Guud SomaliDoc 0 261 Last post August 06, 2008, 10:19:29 PM
by SomaliDoc
Powered by MySQL Powered by PHP Powered by SMF 1.1.7 | SMF © 2006-2008, Simple Machines LLC Valid XHTML 1.0! Valid CSS!


Google visited last this page December 15, 2008, 08:09:30 AM