Somali Medical Forums
January 08, 2009, 12:47:32 AM *
Welcome, Guest. Please login or register.

Login with username, password and session length
News: PICTURES: Handicap patients in Martini Hospital needs immediate health care
 
  Website   Home   Help Search Login Register  
Pages: [1]
  Print  
Author Topic: Dhibaatooyinka Wax Liqidda  (Read 342 times)
0 Members and 1 Guest are viewing this topic.
SomaliDoc
Moderator
*****

Points: 0
Online Online

Gender: Male
Location: Somalia
Field: SMF Helper
Posts: 224


Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!


WWW
« on: December 23, 2007, 05:59:56 PM »

Ku dhibaatowga wax liqidda waxaa loo yaqaannaa disfagiya (dysphagia).
Wuxuu saameyn karaa cunidda, cabbidda, iyo dawo qaadashada.
Dhibaatooyinka wax liqiddu waxay keeni kartaa nafaqo xumo.

Calaamadaha Dhibaatooyinka Wax Liqidda
• Qufucid, mergasho ama sixasho oo yimaada marka wax la cunayo ama la cabbayo
• Dareemidda in cunto ay ku dheggan tahay hunguriga ama afka
• Dhareerid
• Qufac liita ama cod liita lahaansho
• Dhibaato ku qabidda liqidda ama xanuun dhinaca wax liqidda ah
• Ka cararka qaar ka mid ah ama dhammaan cunnooyinka ama cabitaannada

Dhibaatooyinka wax liqidda waxaa sababi kara:
• Miyir beelid
• Kansarka madaxa iyo qoorta
• Dhaawacyada hunguriga soo gaara
• Dhaawac madaxa soo gaara
• Cillad maskaxda ah
• Shucaac
• Dawooyinka qaarkood
• Dalool hunguriga gala (tracheostomy)

Daryeelkaaga
Haddii takhtarkaagu uu ka shakiyo dhibaatooyin wax liqid, Takhtarka Luqadda Hadalka, ee loo yaqaanno SLP, ayaa laga yaabaa in uu u baahdo inuu hubiyo wax liqiddaada.
SLP waxaa loo tababaray inuu bukaannada ka caawiyo dhibaatooyinka wax liqidda.

Dhibaatooyinka wax liqidda waxaa loo hubiyaa labo siyaabood:
• Hubinta liqidda: SLP ayaa ku daawanaya adiga oo cunto cunaya oo cabitaanna cabbaya kuwaasoo culeys ama khafiif ahaan kara. Haddii dhibaatooyin wax liqid la arko, baaritaanno badan ayaa laga yaabaa in loo baahdo.
• Liqidda barium wax laga beddelay: Baaritaankaan waxaa loo sameeyaa in lagu hubiyo sida aad wax liqeysid. Sawirro raajo ayaa laga qaadayaa cunnooyinka iyo cabitaannada oo ku soconaya afkaaga ilaa iyo hunguriga.
Iyada oo ku saleysan natiijooyinka baaritaannada, ayaa daryeelkaaga laga yaabaa iney ku jiraan:
• In aad cunnooyin ama cabitaanno gaar ah aad qaadato
• In aad madaxaaga u hayso si gaar ah marka aad wax cuneyso iyo markaad cabbayso
• Sameynta jimicsi si aad wax liqidda uga yeesho mid kuu fudud oo kuu nabdoon.

SomaliDoc
Logged

1- Si aad wax ugu qortid Webka | 2- Si aad uga qeyb qaadatid doodaha | 3- Si aad su'aalo u waydiisid dhakhaatiirta
4- Si aad ula xiriirtid xubnaha kale | 5- Si aad ra'yigaaga u soo bandhigto
Waa inaad magac ku leedahay webka (Halkan Riix)
Pages: [1]
  Print  
 
Jump to:  

Related Topics
Subject Started by Replies Views Last post
Dhibaatooyinka Aragga (Eye Problems) Cudurrada Indhaha SomaliDoc 0 313 Last post April 09, 2008, 01:42:46 AM
by SomaliDoc
Dhibaatooyinka uurka (Pregnancy problems) Cudurrada Haweenka SomaliDoc 14 984 Last post August 18, 2008, 08:30:56 PM
by SomaliDoc
Liqidda Barium (Barium Swallow) Radiology & Medical Imaging SomaliDoc 0 88 Last post July 25, 2008, 09:22:55 PM
by SomaliDoc
Powered by MySQL Powered by PHP Powered by SMF 1.1.7 | SMF © 2006-2008, Simple Machines LLC Valid XHTML 1.0! Valid CSS!


Google visited last this page January 01, 2009, 01:17:00 AM