Somali Medical Forums
January 08, 2009, 12:42:50 AM *
Welcome, Guest. Please login or register.

Login with username, password and session length
News: DISCUSSION: Does Teething Cause Diarrhea?
 
  Website   Home   Help Search Login Register  
Pages: [1]
  Print  
Author Topic: Gaarda Laambiya (Giardiasis)  (Read 435 times)
0 Members and 1 Guest are viewing this topic.
SomaliDoc
Moderator
*****

Points: 0
Online Online

Gender: Male
Location: Somalia
Field: SMF Helper
Posts: 224


Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!


WWW
« on: March 19, 2008, 11:55:19 PM »

Waa maxay Giardiasis?
Giardiasis waa noc ka mid ah Gastroenteritis waxaa keena bahal yar oo ku dhexnool mindhicirka loona yaqaan Gardia Lamblia.
Giardiasis qof walba waa ku dhici karaa, wuxuuse u badan yahay kuwa dhashay, carruurta, iyo dadka de’doodu u dhexayso 20 ilaa 40 sanadood.

Waa Maxay Astaamaha Giardiasis?
Astaamaha ugu badan ee Giardiasis waa shuban, yaqyaqsi, calool majiir, mararka qaarkoodna astaamaba ma yeelanayo.
Ifakshanka ka dib waxay qaadataa 7 ilaa 10 berri in qofku jirado. Si loo raadraaco jirada waa muhiim in la ogaado halkaad joogtey iyo waxaad cuntay 2dii asbuuc ee la soo dhaafay intaan jiradu ku qaban.
Xanuunku wuxuu ku dhamaan karaa maalmo yar ilaa asbuucyo.

Xagee Giardia laga hellaa?
Gardia Lamblia waxay ku dulnooshahay bini’aadamka, beeraha bisadaha iyo eyga.

Sidee ayey Giardiasis ku Fidaa?
Sida qaalibka ah Giardia waxay timaada marka laga qaato afka badanaana waxay u gudubtaa qof ilaa qof.
Dadka ay Giardia lamblia ay ku dul nooshahay waxay laga hellaa saxaradooda. Haddii dadkaasi si fiican aanay u dhiqin gacmahooda, markay musqusha ka baxaan, gacmahii wasakhaysnaa ayaa u gudbin kara alaabta dushooda halkaas oo ay taaban karaan dadka kale. gacmaha wasakhaysani waxay iyaguna u gudbin karaan cunadii taas oo qof kale cuni karo. Gacantu waxay kaloo wasakhda qaadi kartaa marka qofku bedelayo naabi ilmo qaba Giardiasis.

Dadka iyo xayawaankuba waxay ku qaadaan Giardia xaarkooda iyagoo aanay ka muuqan astaamihi. Dadkaas ama xayawaankaasi weli
waa u gudbin karaan jirada dadka kaleeto.
Bisadaha, iyo xayawaanka iyo biyaha wasakhaysan waa fidinkaraan Giardia dadka ku dulnool.

Haddii aan qabo Giardiasis maxan samaynayaa?
Haddii aad qabto Giardiasis u sheeg dhakhtarkaaga isla markiiba. Taasi waxay xaqiijinaysaa inaad hesho daawada ku haboon iyo talo si aad u yarayso fidida cudurka.

Ma Shaqayn Karaa?
Dadka cunada ka shaqay-ya, kuwa xarumaha dhallaanka ee qaba Giardiasis waa inay shaqada joojiyaan ilaa astaamuhu istaagaan.
Carruurta waa inaan la geyn xarumaha dhallaanka iyo dugsiga ilaa astaamuhu istaagayaan.

Sidee uga Ilaalin Karaa inay-yan Qoyskayga ku fidin?
Waa la yarayn karaa khatarta ah in cudurku qoyska ku fido. Aad bay muhiim u tahay ina dadka qaba Giardiasis ama gastraoentritis aanay
diyaargarayn cunada ama qaban taas oo dadka kale cuni karaan waana inaan lala wadaagin qofka cudurka qaba shukumaanka ama waji
tirtiraha.

Sidee isaga Ilaaliya Qaadista Giardiasis?
Qof weliba waa iska ilaalin karaa in aanu qaadin Gairdiasis haddii uu qaado talaabooyinkaan:

Gacantoo si Fiican Loo Dhaqo
Qof weliba waa inuu gacantiisa ku dhaqaa biyo kulul ugu yaraan 10 ilmiriqsi:
• intaadan cuna diyaarin ka hor;
• inta u dhexaysa qabashada cuno karsan iyo mid diyaar u ahi in la cuno;
• intaadan wax cunin;
• markaad musqusha ka soo baxdo kadib, ama bedesho naabiga;
• markaad sigaarka cabto ka dib;
• markaad isticmaasho fasaleeti ka dib;
• markaad jardiinada ka shaqayso ka dib;
• markaad la cayaarto ey ama bisad.
Dadka cunada ka shaqay-yaa waa inay isticmaalaan shukumaanka halka mar la isticmaalo ama mishiinka gacmaha qalajiya, shukumaanada dharka ahi si sahlan ayey jeermiska u gudbin karaan.
Haynta iyo Dhigida cunada meel bedqabta
• Si fiican u kari cunada ceeriin.
• Si fiican u dhaq khudaarta intaadan cunin.
• Cunada kululee ilaa ay cunada dhexdeedu gaarto 60degree.

Nadiifinta Guriga
Musqusha qubeyska iyo tan saxarada waa in had iyo jeeraale la nadiifiyaa si looga hortago fidida bakteeriyada. Aad uga taxadar meesha la
fadhiisto, la qabsado tuubooyinka iyo miiska lagu bedelo naabiga.
Ciidu waxaa wasakhayn kara saxaro ama kaadi.
Si joogta ah u rogrog ciida kana soo saar saxarada xayawaanka. Dabool dhulka markaan la isticmaalayn.
Biyaha Ka Yimaada Meel aan la daaweyn
Biyaha aan la daaweyni waxay ka iman karaan haraha ama webiyada lag ayaabo inay wasakhayeen saxarada dadka iyo xayawaanka,
waana in biyaha la iska karkariyaa intaan la cabin.

Xarumaha Daryeelka Dhallaanka
Carruurtu si gaara ayey khatar ugu yihiin inay qaadaan Giardiasis. Bedelaada naabiga iyo saxada oo aan laga taxadarin waxay keenaan in
cudurku gudbo meelaha xarumaha ah. Waa muhiim in lagu dadaalo dhiqida gacmaha iyo nadaamka nadiifinta ee xarunta daryeelka
dhallaanka si loo xakaymay-yo ku dulnoolayaasha (parasites).

Wixii intaas ka badan iyo hadii aad su'aalo qabtidba halkaan ku weydii

SomaliDoc
Logged

1- Si aad wax ugu qortid Webka | 2- Si aad uga qeyb qaadatid doodaha | 3- Si aad su'aalo u waydiisid dhakhaatiirta
4- Si aad ula xiriirtid xubnaha kale | 5- Si aad ra'yigaaga u soo bandhigto
Waa inaad magac ku leedahay webka (Halkan Riix)
Pages: [1]
  Print  
 
Jump to:  

Powered by MySQL Powered by PHP Powered by SMF 1.1.7 | SMF © 2006-2008, Simple Machines LLC Valid XHTML 1.0! Valid CSS!


Google visited last this page January 04, 2009, 10:33:22 AM