Somali Medical Forums
January 07, 2009, 10:36:39 PM *
Welcome, Guest. Please login or register.

Login with username, password and session length
News: DISCUSSION: Does Teething Cause Diarrhea?
 
  Website   Home   Help Search Login Register  
Pages: [1]
  Print  
Author Topic: Infekshanka Bartamaha Dhegta  (Read 365 times)
0 Members and 1 Guest are viewing this topic.
SomaliDoc
Moderator
*****

Points: 0
Online Online

Gender: Male
Location: Somalia
Field: SMF Helper
Posts: 224


Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!


WWW
« on: December 25, 2007, 10:43:22 PM »

Hurgunka ama infekshanka bartamaha dhegta waxaa loo yaqaannaa Otitis Media.
Hurgunkaan waxaa sababa marka dheecaan ka yimid dhegtaadu uu meesha ku xannibmo.
Tani waxay dhici kartaa marka aad qabto hergeb, sanboor ama ifilo.
Dheecaanku wuxuu bakteeriyada u oggolaadaa iney kobocdo ayna cadaadis dul dhigto sagxadda dhegtaada.

Calaamadaha
• Xanuun
• Qandho
• Dheecaan soo burqada
• Maqal la’aan

Daryeelkaaga
• Takhtarkaaga ayaa eegi doona dhegahaaga wuxuuna ka weydiin doonaa calaamadaha aad isku aragtay.
• Daawo Antibiyootik ah ayaa laga yaabaa in lagu faro. Daawooyinka oo dhan u qaado sida laguu faray.
• Waxna dhegta ha iska gelin oo ay ku jiraan dareere, daawo dhireed ama qoryaha afka suufka ku leh ilaa uu takhtarku sidaas ku faro. Waxay xannibi karaan kanaalka dhegta, iyagoo sababaya maqal la’aan ama dhaawac.

Isla markiiba wac takhtarka haddii aad qabto:
• Xanuun
• Qandho
• Dheecaan soo burqanaya oo ka sii daraya
• Maqal la’aan
La hadal xiriir dhakhatarkaaga haddii aad wax su’aalo ama walaacyo ah qabtid.

SomaliDoc
Logged

1- Si aad wax ugu qortid Webka | 2- Si aad uga qeyb qaadatid doodaha | 3- Si aad su'aalo u waydiisid dhakhaatiirta
4- Si aad ula xiriirtid xubnaha kale | 5- Si aad ra'yigaaga u soo bandhigto
Waa inaad magac ku leedahay webka (Halkan Riix)
Pages: [1]
  Print  
 
Jump to:  

Powered by MySQL Powered by PHP Powered by SMF 1.1.7 | SMF © 2006-2008, Simple Machines LLC Valid XHTML 1.0! Valid CSS!


Google visited last this page December 30, 2008, 04:56:46 AM