Somali Medical Forums
January 08, 2009, 12:31:17 AM *
Welcome, Guest. Please login or register.

Login with username, password and session length
News: PICTURES: Handicap patients in Martini Hospital needs immediate health care
 
  Website   Home   Help Search Login Register  
Pages: [1]
  Print  
Author Topic: Kansarka Qanjirka manida Ragga  (Read 339 times)
0 Members and 1 Guest are viewing this topic.
SomaliDoc
Moderator
*****

Points: 0
Online Online

Gender: Male
Location: Somalia
Field: SMF Helper
Posts: 224


Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!


WWW
« on: February 29, 2008, 06:21:07 PM »

Qanjirka manidu waa qanjir ragga ku jira oo sameeya dareeraha isu keena qayb ka mid ah manida.
Cabbirkiisu waa ilaa 2 sentimitir X 2 sentimitir wuxuuna ku yaallaa sinaha meelahooda.
Qanjirku wuxuu isticmaalaa hormoonka ragga ee loo yaqaanno testosterone si uu si caadi ah ugu shaqeeyo.

Calaamadaha Kansarka Qanjidhka Manida
Waxaa laga yaabaa in aadan wax calaamado ah isku arkin.
Ragga qaarkood waxay leeyihiin:
• Baahi kaadiyeed oo badan, gaar ahaan habeenkii.
• Iney ku adkaato iney kaadida bilawgeedo inay soo dhafto iyo markay qabato inay ceshadaan
• Kaadida oo si daciif ah u socota
• Kaadida oo xanuunjisa ama gubta
• Manidu markay ka imaanayso xubinta ragga waqtiga galmada oo aad u xanuunjisa
• Dhiig soo raaca kaadida ama manida
• Xanuun ama giigsanaanta dhabarka hoose, miskaha ama bowdyaha sare

U tag takhtarkaaga haddii aad isku aragtid wax ka mid ah calaamadahaan.

Arrimaha Halista leh ee Kansarka Qanjidhka Manida Ragga
Waxaad aad halis ugu tahay kansarka qanjirka haddii ay:
• Da’daadu ka weyn tahay 50 sano
• Aad leedahay aabbo ama walaal horey u qabay kansarka qanjirka
• Asalkaagu Afrika ka soo jeedo?
• Aad cunto cunno dufanka xooluhu aad ugu badan yahay

Iska Baaridda Kansarka Qanjidhka Manida
Takhtarkaaga kala hadal iska baaridda kansarka qanjidhka.
Baaridda sanadkiiba marka ah ee uu takhtarkaagu kugu sameeyo waa muhiim si waqti hore loo ogaado kansarka.
Baaritaanka lagu samaynayo sannadkiiba raga ka weyn 50, waa inay ku jiraan ama kamid yihiin ragga ka soo jeeda Afrika ee ka weyn da’da 40:
• Baaridda dhiigga ee PSA (Prostate-specific antigen) Heerka PSA ee dhiigga ku jira wuu ku badanyahay ragga qaba kansarka qanjirka.
• Baaritaanka Malawadka (PR)

Haddii baaritaankaagu muujiyo in aad qabto kansarka qanjirka, baaritaanno kale ayaa laga yaabaa in loo baahdo.
Wax yar aya laga jarayaa qanjirka si loo ga baaro loona hubiyo inuu unuga kansarka ku jiro.
Waxaana loo yaqaanna unuqyo kasoo qaadidda jirka.

Daryeelkaaga
Haddii aad qabto kansar qanjir, takhtarkaagu wuxuu kaala hadli doonaa kala doorashooyinka daaweynta.
Kuwaan waxaa laga yaabaa inay ku jiraan:
• Qalliin
• Shucaac ama kaah isku daaweyn (Laser)
• Kiimiko isku daaweyn
• Sugitaan baxnaano, ilaalin badani ku jirto, ama feejigaan xoog leh.

haddii aad wax su’aalo ama walaac ah qabtid halkaan ku weydii

SomaliDoc
Logged

1- Si aad wax ugu qortid Webka | 2- Si aad uga qeyb qaadatid doodaha | 3- Si aad su'aalo u waydiisid dhakhaatiirta
4- Si aad ula xiriirtid xubnaha kale | 5- Si aad ra'yigaaga u soo bandhigto
Waa inaad magac ku leedahay webka (Halkan Riix)
Pages: [1]
  Print  
 
Jump to:  

Related Topics
Subject Started by Replies Views Last post
Kansarka Maqaarka (Skin Cancer) Cudurrada Maqaarka SomaliDoc 0 209 Last post July 28, 2008, 09:05:34 PM
by SomaliDoc
Kaankarada/Kansarka Naasaha (Breast Cancer) Cudurrada Haweenka SomaliDoc 0 24 Last post December 12, 2008, 11:56:31 AM
by SomaliDoc
Saameynada Liddiga ah ee Daaweynta Kansarka Qaybta Wacyi Galinta SomaliDoc 0 21 Last post December 19, 2008, 06:23:44 PM
by SomaliDoc
Powered by MySQL Powered by PHP Powered by SMF 1.1.7 | SMF © 2006-2008, Simple Machines LLC Valid XHTML 1.0! Valid CSS!


Google visited last this page January 06, 2009, 11:11:10 PM