Somali Medical Forums
March 10, 2010, 06:18:17 PM *
Welcome, Guest. Please login or register.

Login with username, password and session length
News: INFO: If you are working in Somalia, Click here
 
  Website   Home   Help Search Login Register  
Pages: [1]
  Print  
Author Topic: Kansarka Sambabka (Lung Cancer)  (Read 557 times)
0 Members and 1 Guest are viewing this topic.
SomaliDoc
Moderator
*****

Points: 0
Offline Offline

Gender: Male
Location: Somalia
Field: SMF Helper
Posts: 455


Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!


WWW
« on: March 09, 2009, 01:04:44 PM »

Sambabadu waa xubnaha jirka ee inaga gargaara neefsashada. Waxay oksijiin siiyaan dhamaan unugyada jirka.
Unugyada kansarku waa unugyo aan caadi ahayn. Unugyada kansarku way ka korniin badan yihiin waana ay ka iskala-qaybin badan yihiin unugyada caafimaadqaba.
Unugyada kansarka qaarkood waxay sameyn karaan goobo loo yaqaano burooyin.
Kansarka sambabku waxay dhacdaa marka unugyo ku jira wadnaha is beddelaan oo ay noqdaan kuwo aan caadi ahayn.
Unugyada kansarka sambabku waxay ku safri karaan dhiigga ama dheecaanka jirka oo ay degi karan goob ama xubin kale ee jirka ah . Waxa tan loo yaqaanaa  "metastasis".

Qodobada Halista
Waxa aad halis dheeraad ah u tahay kansarka sambabka:
• haddii aad cabtid sigaar
• haddii aad neefsatid qiiqa sigaarka ee dad kale cabayaan
• haddii ay ku soo gaarto asbestos, neefta radon ama hawo wasakheysan oo badan
• haddii uu jiro qof ehelkaaga ah oo ku dhacay kansarka sambabka

Calaamadaha
Kansarka sambabka ee cusubi ma laha wax calaamado ah. U tag dhakhtarkaaga haddii aad leedahay mid ka mid ah calaamadahan:
• Qufac aan tagaynin
• Dhiig aad soo qufacdid
• Neefsashada oo dhib kugu ah
• Xiiq
• Rabitaanka cuntada oo luma iyo miisaan lumis
• Daal weyn oo aad dareentid

Noocyada Kansarka Sambabada
Waxa jira 2 nooc oo waaweyn oo ah kansarka sambabka. Nooc kasta si gaar ah ayuu ku koraa, u fidaa, loona daweeyaa.
• Kansarka Sambabka ee Aan Ahayn Unug Yar (Non-Small Cell Lung Cancer)
Kani waa nooca ugu badan ee kansarka sambabka. Waxuu u koraa oo u fidaa si ka gaabis badan kuwa kale.
• Kansarka Sambabka ee Unug Yar (Small Cell Lung Cancer)
Noocan ah kansarka sambabka waxuu u koraa oo u fidaa si ka dhakhso badan kuwa kale.

Daryeelkaaga
Dhakhtarkaaga ayaa kuu sameyn doonaa baaritaan jirka ah oo fiirin doona sambabadaada iyada oo la isticmaalayo baaritaano ay ka mid yihiin:
• Raajo laabta ah
• Sawirid computarka ah “Computerized Tomography” (CT)
• Sawirid ah “Magnetic Resonance Image” (MRI)
• Sawirid ah “Positron Emission Tomography” (PET)

Sidoo kale, waxa lagaa qaadi karaa qayb yar oo ah cad iyo dheecaan (biopsy). Qaybo yaryar oo ah burada (biopsy) ayaa la qaadaa si loo ogaado nooca kansarka aad qabtid. Warkaasi waxa uu dhakhtarkaaga ka caawin doonaa in la qorsheeyo daweyntaada. Ikhtiyaarka daweynta ayaa lagaala hadli doonaa. Daweynnada ugu badan waxa ka mid ah:
• Qalitaan lagu saaro burada iyo cadka u dhow
• Daweyn ah shucaac si loo burburiyo unugyada qaba kansarka
• Dawooyin ah kiimiko (chemotherapy) si loo burburiyo unugyada qaba kansarka
• Isku-dar ah daweynadaa

Haddii aad qabtid su’aalo halkaan ka weydii
SomaliDoc
Logged

1- Si aad wax ugu qortid Webka | 2- Si aad uga qeyb qaadatid doodaha | 3- Si aad su'aalo u waydiisid dhakhaatiirta
4- Si aad ula xiriirtid xubnaha kale | 5- Si aad ra'yigaaga u soo bandhigto
Waa inaad magac ku leedahay webka (Halkan Riix)
WWW.SOMALIDOC.COM
Pages: [1]
  Print  
 
Jump to:  

Related Topics
Subject Started by Replies Views Last post
Vitamin E Linked To Lung Cancer!! Health News and Events Dr.Mahdi 1 277 Last post March 05, 2008, 10:10:48 AM
by Waxbaro!
Woman dies after life spent in iron lung Health News and Events Diagnostic 3 317 Last post June 06, 2008, 07:15:30 PM
by Pharmacist
Kansarka Maqaarka (Skin Cancer) Cudurrada Maqaarka SomaliDoc 0 869 Last post July 28, 2008, 09:05:34 PM
by SomaliDoc
Kaankarada/Kansarka Naasaha (Breast Cancer) Cudurrada Haweenka SomaliDoc 0 874 Last post December 12, 2008, 11:56:31 AM
by SomaliDoc
What is Lung Cancer? Topics in Healthcare Terror man 0 97 Last post June 06, 2009, 02:48:58 PM
by Terror man
Powered by MySQL Powered by PHP Powered by SMF 1.1.9 | SMF © 2006-2009, Simple Machines LLC Valid XHTML 1.0! Valid CSS!


Google visited last this page March 03, 2010, 05:06:44 AM