Somali Medical Forums
January 08, 2009, 01:11:31 AM *
Welcome, Guest. Please login or register.

Login with username, password and session length
News: PICTURES: Handicap patients in Martini Hospital needs immediate health care
 
  Website   Home   Help Search Login Register  
Pages: [1]
  Print  
Author Topic: Muxuu Yahay Cudurka Chlamydia?  (Read 552 times)
0 Members and 1 Guest are viewing this topic.
SomaliDoc
Moderator
*****

Points: 0
Online Online

Gender: Male
Location: Somalia
Field: SMF Helper
Posts: 224


Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!


WWW
« on: April 24, 2008, 05:15:08 PM »

waa xanuunka ugu dawada sahlan ee kamida STD-ga (Cudurada lagu kala qaado galmada). Waxa dhalin kartaa natiijo xun hadii muddadu dheeraato, hadii aan hore loo daween.
Chlamydiyadu waxay waxyeeshaa madaxa ilma-dhaleenka. Iyo indhaha lab iyo dhadigba. Astaamaha xanuunku xili kasta way soo bixi karaan. Inta badan waa 1 ilaa 3 wiig marka uu qofka ku dhaco. Hasa yeeshee waxa laga yaabaa inaaney muuqan ilaa muddo dheer laga soo wareego.

Astaamaha iyo calaamadaha

Dumarka:
Astaamaha marka ay doonaan bay soo baxaan. Inta badan 1 ilaa 3 wiig kadib marka aad qaado. Hasa yeeshee, waxa suurtogal ah inaanad wax astaana isku arag ilaa ay mudo kasoo wareegto. Dadka qaar baan wax astaamo ah aan lagu arag. Astaamaha suurtogal ahi waa kuwan:
  • Caadada oo yara badata – taas oo sababtay tuubka oo yara weenada.
  • Kaadida oo badata/ama xanuun aad dareento marka aad kaajayso.
  • Qaybta hoose ee caloosha oo ku xanuunta.
  • Xanuun aad dareento galamada.
  • Caaadada oo si aan nidaamsanayn u timaada.
  • Xanuun iyo barar kaaga dhaca indhaha (hadii infekshanku gaaro).

Raga:
Astaamaha infekshanku markasta way soo bixi karaan. Inta badan ilaa 1 ilaa 3 wiig kadib marka aad qaaday. Hasa yeeshee, waxa suurtogal ah inaanad wax astaana isku arag ilaa ay mudo kasoo wareegto. Raga ayaa inta badan astaamuhu ka muuqdaan laakiin iyaguna waxa suurtogal ah inaaney waxa astaami ka muuqan. Astaamaha ka muuqan karaa waxa kamida:
  • Dhicaan cad oo cawrada ka yimaada.
  • Kaadida oo badata/ama xanuun aad dareento marka aad kaajayso.
  • Xanuun iyo barar kaaga dhaca indhaha (hadii infekshanku gaaro).


Sidee chlamydiyadu loo qaadaa

Chlamydia waxa loo kala qaadaa:
  • Adoo la seexda qof qaba xanuunka
  • Hooyadoo dhalmada ugu gudbisa ilmaha
  • Marmar faraha oo marka ay cawrada taabtaan xanuunka u gudbiya indhaha.

Tijaabada (baarista) jabtida
 
Baarisbaa dhakhtar ama kalkaaliye ku samaynaysaa xubnaha cawrada.
Iyadoo isticmaalaya cudbi ayey muunad ka qaadayaan meelaha uu xanuunku ku dhacay.
Dumarka waxa laga qaadaa baaris.
Muunad kaadi ah baa la qaadi karaa.
Baarista ama muunada la qaadayo ma leh wax xanuuna, laakiin waxa lag ayaabaa inaad diiqad yar dareento.

Daweenta

Baarista iyo muunada la qaaday waxa lagu eegaa diirada ‘microscope’ hadii uu jiro infekshanka chlamydia. Xarumaha qaarkood jawaabta markiiba waa lagu siinayaa. Muunad kale waxa loo diraa sheybaarka waxa ay inta badan qaadataa ilaa laba wiig. Daweentu waa muhiim, waana sahlantahay. Waxa lagu siinayaa antibiotics ah kiniin, sharoobo ama irbada.

Hadii aad xasaasiyad leedhay diid kiniinka antibiotics-ka, ama aad uur leedahay waa inaad dhakhtarkaaga u sheegtaa. Waxa muhiim ah inaad muddada dawada laguu qoray dhamayso (qaadashadeeda).

Hadii laguu sheegay inaad cudurkan qabtid, waxa laguu gudbin karaa lataliye caafimaad si uu kiiso wixii talo ah. Lataliyehu waxa uu ku waydiinayaa inaad leedahay lamaane (nin ama xaas) si iyagana loo baadho inay xanuunka qabaan.

Waa inaad galmo samayn inta si fiican laguu daweenayo, laguuna sheegayo in xanuunkii kaa dhamaadey. Dhakhtarkaaga ayaa kuu sheegaya marka arintanu suurogal tahay.

Dabagal

Marka aad dhamaysato dawadaada waa inaad xarunta caafimaadka ku noqotaa wixii baaris ah.

Xanuunada jabtida qaar waxay adkaysi u leyihiin antibiotics-ka, khusuusan hadii aad debeda kasoo qaaday. Baaris dheeraad ah baa loo baahanayaa si loo hubiyo in xanuun baaba’ay. Hadii aaney baabi’in antibiotics kale ayaa loo baahanayaa.

Dumarka
Hadii aan la daweyn chlamydiyada waxay isu bedeli kartaa xanuunka ‘pelvic inflammatory disease (PID). Waxa xanuunka gaaraa dhabarka caloosha inta ka hooseesa xundhurta. PID waxay ka dhigi kartaa dumarka madhalays, ama ilmaha oo ka qoolma.

Hadii aad chlamydiyada leedhay oo aad ilme dhasho waxa aad waad qaadsiin kartaa. Waxaanu ilmuhu dhalan karaa isagoo indhaha ka xanuusanaya. Tan waa in la daweeyaa, hadii kale waxay sababi kartaa indha la’aan. Laakiin waxa fiican inta aanu dhalan in lagu daweeyo

Raga
Chlamydiyadu waxay sababi kartaa mindhicarka iyo qaybta hoose oo bararta, taas oo keeni karta xanuun. Hadii aan la daween xanuuno kale oo tuubabka oo barara ayaa ka dhalan kara.

Marka chlamydiyada lagaa daweeyo, masoo noqoto hadii aaney infekshankii dib kuugu dhacin.

Wixii macluumo dheeraad ah iyo su'aalaba halkaan ka weydii
SomaliDoc
Logged

1- Si aad wax ugu qortid Webka | 2- Si aad uga qeyb qaadatid doodaha | 3- Si aad su'aalo u waydiisid dhakhaatiirta
4- Si aad ula xiriirtid xubnaha kale | 5- Si aad ra'yigaaga u soo bandhigto
Waa inaad magac ku leedahay webka (Halkan Riix)
Pages: [1]
  Print  
 
Jump to:  

Related Topics
Subject Started by Replies Views Last post
Muxuu yahay "Internal Medicine"? Clinical Rotations Dr.Mahdi 0 189 Last post February 11, 2007, 12:34:45 PM
by Dr.Mahdi
Muxuu Yahay Triage? Nursing Education Center SomaliDoc 2 721 Last post October 03, 2007, 01:45:46 AM
by SomaliDoc
Muxuu yahay Impetigo? Cudurrada Caruurta SomaliDoc 0 260 Last post April 18, 2008, 12:39:05 AM
by SomaliDoc
Muxuu yahay xanuunka Galaha? Qaybta Su'aalaha Cidhib 4 606 Last post December 11, 2008, 01:28:46 PM
by dr-awale
Cudurka Sambab Xaniban oo Mudo Dheer Jiray (Chronic Obstructive Pulmonary Diseas Cudurrada Guud SomaliDoc 0 262 Last post August 06, 2008, 10:19:29 PM
by SomaliDoc
Powered by MySQL Powered by PHP Powered by SMF 1.1.7 | SMF © 2006-2008, Simple Machines LLC Valid XHTML 1.0! Valid CSS!


Google visited last this page January 04, 2009, 10:09:54 AM