Somali Medical Forums
January 07, 2009, 10:01:57 PM *
Welcome, Guest. Please login or register.

Login with username, password and session length
News: VIDEO: Medical doctors graduated in Somalia
 
  Website   Home   Help Search Login Register  
Pages: [1]
  Print  
Author Topic: Neef ama Xiiq (Asthma)  (Read 450 times)
0 Members and 1 Guest are viewing this topic.
SomaliDoc
Moderator
*****

Points: 0
Online Online

Gender: Male
Location: Somalia
Field: SMF Helper
Posts: 224


Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!


WWW
« on: October 19, 2007, 08:45:54 AM »

Neef ama asma waa cudur ay marinnada hawadu ee gala sanbabadaadu ay cadhiidhi noqdaan ayna soo saaraan xab. Marka ay tani dhacdo, way adag tahay in aad neefsato. Waxyaabaha kicin kara neeftu in ay ku qabato waxaa ka mid ah xajiinta, fayraska hergebka, daawooyin, habaaska ama boodhka, kiimikooyin, jir dhis ama niyad kac.

Calaamadaha
• Si ka xawaare dheereeeya caadiga u neefsasho ama dhibaato neefsashada ka timaadda
• Xiiq ama neefsasho cod leh
• Quficid laga yaabo in ay ka sii darto habeenkii ama aroorta hore
• Feedhaha oo giigsanaan laga dareemo
• Wadnaha oo xawaareynaya u garaacma
• Cune cun-cun, xoqid u baahan ama ku xanuuna
• Daal in aad dareento
• Haddii takhtarkaagu oo kugu amray in aad raacdo mitirka lagu cabiro neefta, in aad isku aragto akhrinta mitirka meesha ugu sarreysa oo hoos u dhacda

Waxaa laga yaabaa in aad calaamado badan oo neef ama asma aad qabto haddii aad:
• Xajiin ama xasaasiyad qabto
• Aad leedahay qof qoyska ka tirsan oo neef qaba
• Aad u nugushahay wasaqowga hawada
• Aad la kulanto qiiq
• Aad diiqo qabto

Daryeelkaaga
Daryeelkaaga waxaa ka mid noqon kara:
• Qaadashada daawooyin kala duwan si:
─ Marinnada hawadu kuugu furmaan
─ Hoos ugu dhigaan jawaabta uu jidhku ka bixinayo xajiinta
─ Hoos u dhigaan bararka marinnadaada hawada
─ Hoos ugu dhigaan balqanka ama xabka
• Ogaanshada waxa sababa calaamadahaaga.
• Baarid xajiin.
• Isticmaalidda mitirka lagu hubiyo neefta, loogana hortago in neeftu ku qabato.
• Cabidda koob weyn oo cabitaan ah 1-2 saacadood ee kastaba.
Tani waxay kaa caawinaysaa in xabku uu khafiifo. Xab khafiif ah way kuu fududaanaysaa in aad qufacdo oo uu kaa soo go’ o wuxuuna hoos u dhigayaa bararka sanbabadaada. Cabitaannada cad ayaa ugu fiican, sida biyaha, casiirka furutada, shaaha, maraqa ama maraq cad.
• Ka fogaanshada waxyaabaha laga sameeyo caananaha marka aad xiiq leedahay maxaa yeelay waxay ballaarin karaan xabka.

Mahadsandiin
SomaliDoc
Logged

1- Si aad wax ugu qortid Webka | 2- Si aad uga qeyb qaadatid doodaha | 3- Si aad su'aalo u waydiisid dhakhaatiirta
4- Si aad ula xiriirtid xubnaha kale | 5- Si aad ra'yigaaga u soo bandhigto
Waa inaad magac ku leedahay webka (Halkan Riix)
SomaliDoc
Moderator
*****

Points: 0
Online Online

Gender: Male
Location: Somalia
Field: SMF Helper
Posts: 224


Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!


WWW
« Reply #1 on: October 22, 2007, 02:29:04 AM »

Si aad uga hortagto Neef in ay ku Qabato
• Daawada neefta mar walba wado. Qaado daawooyinka kuu qorsheysnaa xataa haddii calaamaduhu kaa tagaan.
• Ka fogow cabidda sigaarka, shiishada ama qiiqa sigarka.
• Ka dheerow cuntooyinka, daawooyinka ama waxyaabaha kuu keenaya in calaamadaha neeftu kuu yimaadaan. Kuwaan waxaa loo yaqaannaa kiciyeyaal.
• Ka fogow taabashada dadka hergebka ama ifilada qaba.
• Naso oo cab cabitaanno fara badan marka ugu horreysa ee calaamado hergeb aad isku aragto.
• Ku neefso safaleeti ama wax kale oo la isku daboolo cimilada qaboobaha.
• Takhtarkaaga kala hadal jir dhiska si aad u xoojiso sanbabadaada.
• Diiqada iska yaree.

Isla markiiba wac takhtarkaaga haddii aad:
• Isku aragto qufac, xiiq ama neefsashadu kugu adag tahay.
• Dareensan tahay in aad qaadato daawooyin ka badan kuwii uu takhtarku ku amray.
• Heerkulka jidhkaagu uu ka sarreeyo 101 darajo F ama 38 darajo oo C.
• Isku aragto xab aan caddeyn ama kala cad ama aad ugu weyn in la qufaco.
• Dhibaatooyin ay daawooyinku keeneen qabtid sida gariirid, jahawareer, isku yaacsanaan, calool kacsan ama dhadhanka oo kugu xumaada.
• Aadan awoodin in aad sameyso hawlahaaga caadiga ah ama jir dhiska.

Isla markiiba wac gargaarka dagdaga haddii:
• Aad isku aragto xiiq daran, neefsashada ama qufacu kugu adkaadaan.
• Aad isku aragto laab xanuun.
• Ay faruuryaha ama ciddiyaha faruhu boor ama buluug ku noqdaan.

DHAMAAD
SomaliDoc
Logged

1- Si aad wax ugu qortid Webka | 2- Si aad uga qeyb qaadatid doodaha | 3- Si aad su'aalo u waydiisid dhakhaatiirta
4- Si aad ula xiriirtid xubnaha kale | 5- Si aad ra'yigaaga u soo bandhigto
Waa inaad magac ku leedahay webka (Halkan Riix)
Pages: [1]
  Print  
 
Jump to:  

Related Topics
Subject Started by Replies Views Last post
ASTHMA INHALERS 2 GO GREEN Topics in Healthcare Dr.Nasra 0 82 Last post June 07, 2008, 11:57:14 AM
by Dr.Nasra
Childhood Asthma Linked To Lack Of Ancient Gut Bacteria Health News and Events Dr.Tulip 0 78 Last post July 16, 2008, 07:34:44 AM
by Dr.Tulip
Xiiq-dheer (Whooping Cough) Cudurrada Caruurta SomaliDoc 0 274 Last post July 17, 2008, 07:13:32 PM
by SomaliDoc
Powered by MySQL Powered by PHP Powered by SMF 1.1.7 | SMF © 2006-2008, Simple Machines LLC Valid XHTML 1.0! Valid CSS!


Google visited last this page January 05, 2009, 03:52:36 AM