Somali Medical Forums
January 07, 2009, 10:33:20 PM *
Welcome, Guest. Please login or register.

Login with username, password and session length
News: PICTURES: Handicap patients in Martini Hospital needs immediate health care
 
  Website   Home   Help Search Login Register  
Pages: [1]
  Print  
Author Topic: Oof Wareen (Pneumonia)  (Read 469 times)
0 Members and 1 Guest are viewing this topic.
SomaliDoc
Moderator
*****

Points: 0
Online Online

Gender: Male
Location: Somalia
Field: SMF Helper
Posts: 224


Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!


WWW
« on: January 17, 2008, 02:42:02 PM »

Marka aad cudur sanbab qabtid, kiishashka hawada ee sanbabada ayaa waxaa ka buuxsama jeermis ama xab.
Cudurka sanbabka waxaa keena bakteeriyo, fayras ama kiimiko. Badanaa qofna qof kale uma gudbiyo.

Calaamadaha cudurka sanbabka (Pneumonia)
• U neefsashada si ka dhakhsa badan sida caadiga ah ama dhibaato neefsashada qofka kaga timaadda
• Laab xanuun marka la neefsanayo ama la qufacayo
• Qufac xab leh oo laga yaabo inuu yahay jaalle, cagaar ama midab daxal/mirir
• Qandho
• Qar-qaryo ama gariirid
• Dhididid
• Faruuryaha ama ciddyaha oo buluug noqda (cyanosis)

Daryeelkaaga
Takhtarkaagu wuxuu dhegeysan doonaa sanbabadaada. Waxaa laga yaabaa in raajo feeraha lagaa saaro isla markaana sambal xabkaaga laga qaaday laga fiiriyo jeermis bakteeriyo ama fayras loo yaqaanno abuurka xaakada (sputum culture).
• Waxaa laga yaabaa in aad antibiyootiko kaniini ahaan u qaadato ama IV (xididka lagaa siiyo). Kaniiniyada sida lagu faray u qaado. Daawada oo dhan qaado ilaa aad ka dhammeysaneyso xataa haddii aad bogsato.
• Waxaa laga yaabaa in lagu siiyo daawo si ay kaaga fujiso xanuunka ama qufaca. Daawada sida lagu faray u qaado.
• Waxaa laga yaabaa in ogsijiin lagu siiyo iyadoo qayb ka ah daryeelkaaga.
• Waxaa lagu weydiinayaa in aad qufacdo aadna si qoto dheer u neefsato 2-dii saacadoodba mar inta aad soo jeeddo si xabka lagaaga saaro.
• Wixii xab ah ee aad soo qufacdo ku tuf warqadda dhididka la isaga tiro ka dibna iska tuur. Ha liqin xabka.
• Badanaaba naso.
• Cab 8 koob ama ka badan oo cabitaanno ah maalin walba.
• Cunto caafimaad leh cun.
• Sigaar ha cabbin.
• Takhtarkaaga la soco muddo 7 maalmood ah, xataa haddii aad bogsato.
Si aad xaddiddo halista aad u geyleyso cudurka sanbabka, dayr kasta tallaalka ifilada qaado. Ifilada ayaad ka qaadi kartaa cudurka sanbabka.
Takhtarkaaga kala hadal sidii aad u heli lahayd tallaalka cudurka sanbabka (pneumonia).

Isla markiiba takhtarkaaga wac haddii:
• Ay dhibaato kaaga timaaddo neefsashada
• Aad isku aragto qandho ama qandhadaadu ay jireyso wax ka badan 1-2 maalmood
• Aad isku aragto jahawareer
• Aad isku aragto feero xanuun kugu soo kordhaya
• Aad isku aragto lalabbo ama matagid

Halkaan ku waydii haddii aad wax su’aalo ah ama walaac ah qabtid.

SomaliDoc
Logged

1- Si aad wax ugu qortid Webka | 2- Si aad uga qeyb qaadatid doodaha | 3- Si aad su'aalo u waydiisid dhakhaatiirta
4- Si aad ula xiriirtid xubnaha kale | 5- Si aad ra'yigaaga u soo bandhigto
Waa inaad magac ku leedahay webka (Halkan Riix)
Pages: [1]
  Print  
 
Jump to:  

Related Topics
Subject Started by Replies Views Last post
WHO: Treat Severe Pneumonia at Home Health News and Events Dr.Mahdi 1 120 Last post January 10, 2008, 12:38:35 PM
by Diagnostic
Powered by MySQL Powered by PHP Powered by SMF 1.1.7 | SMF © 2006-2008, Simple Machines LLC Valid XHTML 1.0! Valid CSS!


Google visited last this page December 31, 2008, 05:58:07 AM