Somali Medical Forums
July 29, 2010, 10:33:07 PM *
Welcome, Guest. Please login or register.

Login with username, password and session length
News: VIDEO: Medical doctors graduated in Somalia
 
  Website   Home   Help Search Login Register  
Pages: [1]
  Print  
Author Topic: Qaaxada (TB)  (Read 1285 times)
0 Members and 1 Guest are viewing this topic.
SomaliDoc
Moderator
*****

Points: 0
Offline Offline

Gender: Male
Location: Somalia
Field: SMF Helper
Posts: 522


Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!


WWW
« on: September 25, 2007, 10:00:05 PM »

TB waa cudur uu keeno jeermis loo yaqaanno bakteeriyo oo badanaa ku dhaca sanbabada.
TB waxay kugu dhici kartaa marka aad ku neefsato jeermiska.
Waxaad halis sarreysa ugu jirtaa in aad qaaddo TB haddii habka jidhku cudurada uu isaga difaaco ay daciifto.
Habkaan waxaa daciifin kara cunto xumo, jirro, daawooyin, ama sababo kale.
 
Calaamadaha
Dadka qaba TB waxaa laga yaabaa in ay qabaan qaar ama dhammaan calaamadahaan:
• Qufac 
• Qandho 
• Caatoobid 
• Dhiig quficid 
• Daciiftinnimo iyo daal dareemid 
• Laab xanuun
 
Baaritaanka
Baarid maqaar ayaa lagugu sameyn doonaa si loo arko haddii aad cudurka qabtid.
Baaritaan lagaa helay macnihiisu wuxuu yahay in uu jeermisku kugu dhacay.
Takhtarkaaga ayaa raajo feedhaha kaa saari doona candhuuftana kaa baari doona si uu u arko haddii aad TB qabto.
Xubnaha qoyskaaga iyo dadka kale ee kula nool ayaa sidoo kale ayagana maqaarka laga baari doonaa.
 
Baaritaan lagaa waayo macnihiisu badanaa waa in uusan cudurku kugu dhicin.
Baaritaanka maqaarku waxaa laga yaabaa in uusan jawaab bixin haddii habkaaga fayodhowrku uu daciif yahay.
Takhtarkaagu waxaa laga yaabaa inuu kaa baaro TB haddii baaritaanka maqaarkaagu uu in lagaa waayey sheego, laakiin ay weli
calaamado sii jiraan.

Daryeelkaaga
Haddii maqaarka laga helo ama aad qabto TB, waxaa lagugu billaabi doonaa daawooyin. 
• Daawada sidii lagu faray u qaado. Daawooyinkaaga isku waqti qaado maalin kasta hana joojin qaadashadooda.
Waxaa laga yaabaa in ay tahay in aad qaadato daawooyin 6-24 bilood. Haddii aadan daawooyinka qaadannin, TB-daadu way kugu soo laaban kartaa wayna adkaanaysaa in lagaa daaweeyo.
Waxaa sidoo kale laga yaabaa in aad dadka kalena ku riddo haddii aadan daawooyinka oo dhan wada qaadannin.
• Ha cabbin aalkolo inta aad daawooyinkaan qaadanaysid maxaa yeelay aalkoladu waxay keeni kartaa dhibaatooyin beerka ku dhaca. 
• Mid ka mid ah daawooyinka loo isticmaalo in lagu daaweeyo TB-du waxaa laga yaabaa in ay kaadidaada iyo dheecaannada kale ee jidhka ka dhigto casaan.
 
Haddii aad jirran tahay oo aad u baahan tahay in isbitaalka lagu dhigo:
• Waxaa laga yaabaa in lagu karitiimeeyo. Tani waxay dadka kale ka ilaalinaysaa in ay TB qaadaan. 
• Waa lagu karintiimayn doonaa ilaa aad ka qaadanayso daawooyinka TB-da 2-3 toddobaad ama ilaa candhuuftaadu ay ka noqoto mid aan jeermis lahayn. 
• Qof kasta oo qolkaaga yimaada wuxuu xiran doonaa weji dabool. 
• Albaabka qolkaaga waa la xiri doonaa. 
• Waxaad u baahan doontaa in aad xirato weji dabool marka aad qolkaaga baxayso.
 
Haddii baaritaanka maqaarkaaga laga helo ama aad qabto TB:
• Afka iska dabool marka aad qufacayso, hindhiseyso ama qosleyso. Ka dibna, gacmaha iska dhaq. 
• Gacmaha iska dhaq cuntada ka hor.
• Cun 3 cunto oo cab 6-8 koob oo cabitaanno ah maalin kasta.
• Aad dhammaan ballamada takhtarka.

Isla markiiba takhtarka wac haddii:
• Aad qufac xun qabto.
• Aad dhiig qufacdo.
• Ay dhibaato kaa haysato neefsashada.
• Aad caatowdo xataa adigoo cunto fiican cuna.
• Qaad qandho qabtid ama habeenkii dhididdo.
• Ay kaadidaadu baroon noqoto ama saxaradu boor noqoto.
• Uu maqaarku hurdi ku noqdo ama indhuhu jaalle ku noqdaan.

Takhtarkaaga ama kalkaalisada la hadal haddii aad wax su’aalo ama walaac ah qabtid.

Mahadsanidiin
SomaliDoc
Logged

1- Si aad wax ugu qortid Webka | 2- Si aad uga qeyb qaadatid doodaha | 3- Si aad su'aalo u waydiisid dhakhaatiirta
4- Si aad ula xiriirtid xubnaha kale | 5- Si aad ra'yigaaga u soo bandhigto
Waa inaad magac ku leedahay webka (Halkan Riix)
WWW.SOMALIDOC.COM
Pages: [1]
  Print  
 
Jump to:  

Related Topics
Subject Started by Replies Views Last post
Qaaxada & HIV-da - Wadajir Halis Ah! Qaybta Wacyi Galinta SomaliDoc 2 610 Last post September 09, 2009, 11:47:53 AM
by SomaliDoc
Powered by MySQL Powered by PHP Powered by SMF 1.1.11 | SMF © 2006-2009, Simple Machines LLC Valid XHTML 1.0! Valid CSS!


Google visited last this page July 02, 2010, 09:31:35 PM