SomaliDoc
Moderator
   
Points: 0
Online
Gender: 
Location: Somalia
Field: SMF Helper
Posts: 224
Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
|
 |
« on: February 19, 2008, 10:57:23 PM » |
|
Sonkorta dhiigga ee hooseysa macnaheedu waa inaadan lahayn sonkor kugu filan ama gulukoos dhiiggaaga ku jirta, sonkorta dhiigga ee hooseysa waxaa loo yaqaannaa hypoglycemia. Gulukoos waxaa looga baahan yahay unugyada jirkaaga. Heerka sonkorta dhiigga caadiga ah waa 70-100. Heerka sonkorta dhiigga ee ka hooseysa 70 way hooseysaa.
Sababaha Mararka qaarkood sababta lama yaqaanno, laakiin waxaa laga yaabaa inay ka timaaddo: • Insulin fara badan ama kaniiniyo sonkorow oo fara badan oo la qaato • Cuntooyinka la seego ama la daahiyo • Jir dhis fara badan ama jir dhis aan la qorsheysannin
Calaamadaha Waxaa laga yaabaa inaysan jirin calaamado digniin ama waxaa laga yaabaa: • Inaad dareento war-wareer, lulasho, isku dhex yaac, daciiftinnimo ama daallanaan • Dhidid • Dareento baahi • Dareento dabci beddel ama iska xanaaqaysid ama aan si kala cad u fekereynin • Aadan awoodin inaad hadasho • Aragga caad kaa fuulo • Aad dareento wadnaha oo si xawli ah kuu garaacaya • Aad dhinacyada afka iyo faruuryaha ka dareento kabaabyo • Maduxu ku xanuuno
Daryeelkaaga Marka sonkorta dhiiggaagu ay hooseyso, waxaad u baahan tahay inaad cunto ama cabto cunto sonkor leh. Wax badan ha cunin. Dhiigga sonkortaadu waxaa laga yaabaa inuu kor u kaco, cun ama cab mid ka mid ah kuwaan: • ½ koob ama 120 millilitir oo casiir ah, Maahan cabitaannada sonkorta aan lahayn ama kalooriska aan lahayn. • 3 ama 4 kaniini oo gulukoos ah • 1 qaaddo ama 15 millilitir oo sonkor ah • 1 koob ama 240 millilitir oo caano ah Sonkorta dhiiggaaga ku hubi 15 daqiiqadood. Haddii sonkorta dhiiggaagu ay weli ka sii yar tahay 70 ama haddii aadan ka soo raynin, cun ama cab qaadasho kale oo cuntadii ama cabitaankii la soo sheegay. Marka sonkorta dhiiggaagu ay tahay 70 ama ka badan, waxaad weli u sii baahan tahay inaad wax cunto si aad sonkorta dhiiggaaga uga ilaaliso iney mar kale hoos u dhacdo. • Haddii ay kuu tahay waqtigii aad cuntada cuni lahayd, cun cuntadaadii caadiga ahayd. • Haddii cuntadaada xigta ay ka badan tahay saacad, cunto fudud sii cun. Isku day sandiwij barkiis iyo 1 koob ama 240 millilitir oo caano ah.
Si aad uga Hortagtid Sonkorta oo Hoos u Dhacda • Raac qorshaha cunto cunidda. Cun cuntooyin iyo cunno fudud isla waqti maalintiiba. Ha seegin hana ka daahin cuntooyinka. • Hubi oo diiwaan geli heerarka gulukoostaada. Haddii ay sonkortaadu hoos u dhacdo in ka badan 2 goor toddobaadkiiba, takhtarkaaga wac. Waxaa laga yaabaa in isbeddello lagu sameeyo cuntadaada, daawada ama sameynta jir dhiska. • Daawadaada sonkorowga u qaado sidii lagu faray. Ha qaadannin daawo sonkorow oo dheeraad ah iyadoo uusan takhtarkaagu kugula talinnin. • Si joogto ah jir dhis u samee.
Si aad Ammaan u Ahaato • Waqti kasta ha kuu yaallaan cuntooyinka sida shukulaato, malmalaaddo, iyo casiir. • Dadka kale ee kula shaqeeya ama kula nool u sheeg inaad sonkorow qabto iyo sida loo daaweeyo sonkorta hoos u dhacda. • Xiro jijin daawo ama sil-silad si aad dadka kale ugu sheegtid inaad sonkorow qabto waqtiga xaaladda deg-degta caafimaad. • Haddii aad qabto sonkorowga Nooca 1, dadka kugu dhow waa iney bartaan sida glucagons-ta la isugu duro. Glucagon waa dheecaan loo isticmaalo in kor loogu qaado sonkorta dhiigga marka uusan soo jeedin ama feejigneyn. Kalkaaliso ayaa bari karta sida la isu siiyo duridda glucagon. • Takhtarkaaga wac marka aad sonkor dhiig oo hoos u dhacda oo joogta ah isku aragto ama kor u kac iyo hoos dhac ballaaran uu dhacayo. • Takhtarkaaga iyo cunto qorahaaga la hadal ka hor inta aadan billaabin cunto cayilka yaraysa. • Xafid ballamada takhtarka, kalkaalisada sonkorowga, iyo cunto qoraha.
Wixii su'aalo ama walaacyo aad qabtid halkaan ku weydii
SomaliDoc
|