Somali Medical Forums
January 08, 2009, 12:12:10 AM *
Welcome, Guest. Please login or register.

Login with username, password and session length
News: VIDEO: Medical doctors graduated in Somalia
 
  Website   Home   Help Search Login Register  
Pages: [1]
  Print  
Author Topic: Waa maxay "Angina"?  (Read 376 times)
0 Members and 2 Guests are viewing this topic.
SomaliDoc
Moderator
*****

Points: 0
Online Online

Gender: Male
Location: Somalia
Field: SMF Helper
Posts: 224


Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!


WWW
« on: February 05, 2008, 07:56:57 AM »

Angina waa xanuun ama feeraha, gacmaha, daanka ama dhabarka qaybta sare dadka ka qabta oo uu sababo hoos u dhaca dhiigga ku shubma wadnaha.
Wuxuu badanaa dhacaa waqtiga jir dhiska, diiqada ama hawlaha marka xaddiga garaaca wadnahaaga iyo cadaadiska dhiiggu ay kordhaan. Xanuunku waa calaamadda in uusan wadnahaagu heleynin ogsijiin ku filan. Waa calaamad xooggan oo muujinaysa in aad u baahan tahay daaweyn si looga hortago wadne istaagid.
Angina waxaa laga yaabaa iney dadka kula dhacdo:
• Shaqada ama jir dhiska
• Cunidda cunto fara badan
• Sigaar cabidda ama tubaako isticmaalidda
• Heerkul aad u kulul ama aad u qabow
• Dhacdooyin dareen xooggan ama diiqad leh
• Riyooyin fir-fircoon inta la hurdayo
Calaamadaha Angina
• Xanuun ama cadaadis feeraha, gacmaha, daanka, garbaha ama qoorta ah.
Waxaa laga yaabaa in uu meel jirka ka mid ah ka tago oo meelo kale ku faafo.
• Dareemidda in feeruhu jiq ku yihiin, culeys, in lagu majiirayo ama aad gubanayso
• Dhidid
• Neefta oo kugu adkaata
• Lalabbo
• Dareemidda in aad u daallan tahay, war-wareerid ama miyir beelid
Daryeelkaaga
Haddii aad qabtid wax calaamado angina ah, naso ka dibna wac isbitaalka. waa lagu baari karaa si loo arko haddii calaamadahaaga ay sababtay angina.
Takhtarkaaga la soco si aad u heshid qorshe daryeel. Waxaa laga yaabaa in daawo lagu siiyo aad qaadato. Waxaa kaloo laga yaabaa inuu takhtarkaagu kaa rabo in aad cunto cunno uu dufanku ku yar yahay aadna jir dhis billowdid.
Haddii aad wax su’aalo ama walaac ah qabtid halkaan ku weydii.

SomaliDoc
Logged

1- Si aad wax ugu qortid Webka | 2- Si aad uga qeyb qaadatid doodaha | 3- Si aad su'aalo u waydiisid dhakhaatiirta
4- Si aad ula xiriirtid xubnaha kale | 5- Si aad ra'yigaaga u soo bandhigto
Waa inaad magac ku leedahay webka (Halkan Riix)
Pages: [1]
  Print  
 
Jump to:  

Related Topics
Subject Started by Replies Views Last post
Nobel in Medicine Awarded to Three for "Knockout" Mice Health News and Events Mankay 0 83 Last post October 10, 2007, 01:00:30 AM
by Mankay
Maxay Tahay Qandhada "Rift Valley"?! Qaybta Wacyi Galinta Dr.Mahdi 2 362 Last post November 14, 2007, 12:08:44 AM
by Doctoor
Faa'iidada laga helay qandhada "Rifty Vally" Feel Free Here Doctoor 0 118 Last post November 14, 2007, 12:30:34 AM
by Doctoor
Advice to doctors by sheikh "Mohammad Al-munjid" Islam and Medicine Dr.Adnan 0 171 Last post December 04, 2007, 05:09:46 PM
by Dr.Adnan
Waa Maxay Cudurka "Ebola"? Qaybta Wacyi Galinta Waxbaro! 0 329 Last post December 10, 2007, 08:31:26 PM
by Waxbaro!
Powered by MySQL Powered by PHP Powered by SMF 1.1.7 | SMF © 2006-2008, Simple Machines LLC Valid XHTML 1.0! Valid CSS!


Google visited last this page Yesterday at 07:46:35 AM