Wadne gariir loo yaqaanno (Atrial Fibrillation amase A-fib amase atrial fib).
Kani waa wadne garaac aan caadi ahayn.
Garaaca wadnaha waxaa suga signallo koronto ah oo wadnuhu leeyahay.
Guntin Dalqada wadnaha ku talla ayaa u dita signallo koronto ah inta kale ee wadnaha (SA Node). Signalladaasi waa kuwa sameeya in wadnuhu isku noqdo oo kala baxo haddana si uu dhiigga usoo tuuro. Sida caadiga ah wadnuhu isaga ayaa marna kala baxa marna isku noqda si uu u habeeyo inta loo baahan yahay ee dhiigga ah ee jirka kale la gaarsiinayo. Wadne gariirku markuu yimaaddo guntinta dalqada wadnaha ku talla–ayaan bilaabin inay dirto signalka, sidaa darteed signallada ayaa kasoo bilaabma qaybaha sare midig ama bidix. Taasina waxay keentaa in wadnuhu u garaacmo si qayrul caadi ah, oo mararka qaarkood uu aad u gariiro.
Calaamadaha wadne-gariirka (Atrial Fib)• Wadnaha oo si aan caadi ahayn u garaacma
• Dareenka garaac xoog ah oo laabta gudeheeda ah, oo la yiraahdo wadne gariir
• Hawada neefsiga oo kugu yaraata
• In aad si fudud ugu daasho dhaqdhaqaaqa
• Inaad dareento itaal darro, diidmo (wareer), iyo madax wareeg.
DaawayntaadaDhakhtarkaagu wuxuu eegi doonaa garaaca wadnahaaga oo ku dhegeysan doonaa qalab baaritaan. Dhakhatrkaagu wuxuu kuu diri karaa mid ka mid ah baaritaanadan:
• Electrocardiogram (ECG or EKG)—in la duubo garaaca dhaqdhaqaaq korontada ee wadnahaaga
• Fiirsashada Holter—in la duubo heerka garaaca wadnahaaga ee 24-48 saacadood
• Baaritaanno kale oo xanuunka wadnaha la xiriira
Dawadaada waxaa ka mid noqon kara:
• Dawooyin kaa caawiya inay xukumaan garaaca wadnahaaga oo heer caadi ah ka dhigaan. Waxaa laga yaabaa inaad u baahato khafiifiye dhiig la yiraahdo anticoagulant oo ka hor taga in dhiiggaaga ay ku samaysmaan guntimo ama xinjiro.
• Wadne artafiishal ah haddii aanay dawo ku caawin karin. Waa mishiin yar oo leh layr diciif ah oo lagu dhejiyo jirka hoostiisa si uu wadnaha uga caawiyo in uu garaaciisu noqdo caadi. Dawooyin lagugu suuxiyo ayaa lagu siin doonaa ka hor intaan lagu gelin mishiinkan.
Dadka wadna xanuunkan lihi waxay halis xogleh ugu jiraan inuu faalig ku dhaco ama dibaatooyin halis ah oo wadnaha ah haddii aan si fiican loo baarin oo aan loola socon xaalkooda. Waa muhiim in dhakhtar uu arrinkaaga mar kasta la socdaa.
Haddii aad wax suáal ah hayso ama shaki kugu jiro, halkaan ka weydii
SomaliDoc