Somali Medical Forums
July 29, 2010, 10:28:13 PM *
Welcome, Guest. Please login or register.

Login with username, password and session length
News: PICTURES: Handicap patients in Martini Hospital needs immediate health care
 
  Website   Home   Help Search Login Register  
Pages: [1]
  Print  
Author Topic: Wadne Qabad (Heart Attack)  (Read 1371 times)
0 Members and 1 Guest are viewing this topic.
SomaliDoc
Moderator
*****

Points: 0
Offline Offline

Gender: Male
Location: Somalia
Field: SMF Helper
Posts: 522


Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!


WWW
« on: February 09, 2008, 11:06:32 PM »

Wadne qabad waxaa kaloo loo yaqaannaa myocardial infarction ama MI.
Wuxuu dhacaa marka marin dhiig oo quudiya muruqa wadnaha uu xannibmo. Socodka dhiigga ayaa ka joogsada qayb wadnaha ka mid ah.
Haddii aan isla markiiba la daaweyn, qaybtaan muruqa wadnuhu way dhimataa. Nabar ayaa ku sameysanta qaybtaan wadnahaaga.

Xannibanku wuxuu ka imaan karaa:
• Isu ururka dufan loo yaqaanno bakteeriyada qurunta
• Isku kaduudasho aan caadi ahayn ee muruqa marinka dhiigga
• Xinjirow dhiig

Calaamadaha Wadne Qabadka
• Xanuun ama cadaadis kaa qabta bartamaha feedhahaaga, gacanta, daanka, garbaha, qoorta ama caloosha. Waxaa laga yaabaa inuu meel ka tago oo meelo kale ku faafo.
─ Dareemidda ciriiri, bur-bur, xanuun, margasho, maroojin, gubasho ama wadnaha oo ku gubanaya
─ Wuxuu dhacaa waqtiyada hawlaha iyo waqtiyada nasashada labada
─ Wuxuu socdaa in ka badan 15 daqiiqadood
• Dhidid
• Neefsashada oo kugu adkaata
• Daciiftinnimo
• Lalabbo ama matagid
• Cabsi dareemid
• War-wareer
Isla markiiba wac dhakhtar haddii aad qabtid mid ka mid ah calaamadahaan.
Fariiso ama seexo ilaa iyo kooxda gar-gaarka deg-degtu kaaga timaaddo.
Baabuur ha u wadanin in aad isbitaalka ku aaddo ama dib ha u dhiganin in aad wacdo takhtarkaaga.

Tilmaamaha Soo saaridda Wadne Qabashada ka Dib
Wadnuhu wuxuu ku soo bogsadaa dhowr bilood.
• Aad ballanta uu takhtarkaagu ku dabagalayo arrinka.
• Weydiiso in aad gasho barnaamij dib u soo kabid wadne.
• Hawlahaaga xaddid ilaa 4-6 toddobaad.
─ Maalin kasta naso.
─ Hawlahaaga waqti ka waqti u sii kordhi.
─ Naso 1 saac ka dib markaad cunto cuntooyin iyo ugu yaraan 30 daqiiqadood hawlaha sida qubeysiga, mayrashada ama xiirashada ka dib.
─ Xaddid jaranjaro fuulidda. Jaranjarada si gaabisa u qaado.
─ Ka fogow qaadidda wax ka badan 10 pounds ama 4.5 kiilo garaam.
─ Wax ha xaaqin, caws ha jarin, ha geed qaadin ama wax ha falin. Shaqooyinka fudud waad sameyn kartaa.
─ Takhtarkaaga weydii goorta aad baabuur wadi karto iyo goorta aad shaqada ku noqon karto. Waxaad masaafooyin dhow u fuuli kartaa baabuur.
─ Hawlaha galmada waa la soo celin karaa markaad awooddo in aad fuuli karto ilaa 20 jaranjaro adigoon dhibaato ku qabin.
• Raac cuntada ay takhtarkaaga iyo cunto qoruhu kuu soo jeediyaan.
─ Cun cuntooyinka dufanku ku yar yahay.
─ Ka fogow cuntooyinka cusbada leh.
• Maalin walba is miisaan si aad u hubisid in dheecaan kugu kordhayo.
Dheecaan dheeraad ah wadnahaaga shaqada ayuu ku sii adkaynayaa.
─ Wac takhtarkaaga haddii ay kugu kordhaan 2-3 pounds ama 1 kiilo garaam oo miisaan dheeraad ah.
• Ka fogow heerkullada aadka u kulul ama aadka u qabow.
─ Ha ku mayran biyo kulul ama qabow.
─ Ha isticmaalin tuubbooyinka biyaha kulul, il biyood ama biyo wareeg ku qul-qulaya.
─ Guriga joog waqtiga cimilada huurka leh ama heerkullada aadka u kulul (wixii ka sarreeya 80° F ama 27° C) ama qabowga (wixii ka hooseeya 30° F ama 1° C).
Takhtarkaaga ayaa laga yaabaa inuu ku siiyo tilmaamo kale.

Wax su’aalo ama walaac ah aad qabtid halkaan ku weydii

SomaliDoc
Logged

1- Si aad wax ugu qortid Webka | 2- Si aad uga qeyb qaadatid doodaha | 3- Si aad su'aalo u waydiisid dhakhaatiirta
4- Si aad ula xiriirtid xubnaha kale | 5- Si aad ra'yigaaga u soo bandhigto
Waa inaad magac ku leedahay webka (Halkan Riix)
WWW.SOMALIDOC.COM
Pages: [1]
  Print  
 
Jump to:  

Related Topics
Subject Started by Replies Views Last post
Heart damage 'may boost defences' Health News and Events Mankay 0 200 Last post October 01, 2007, 08:07:09 AM
by Mankay
Urgent Question - Heart Failure Qaybta Su'aalaha Student of Knowledge 1 497 Last post January 03, 2008, 12:24:25 PM
by Dr.Mahdi
Is This True: Scientists Create Beating Heart In Lab!!! Health News and Events Dr.Mahdi 2 357 Last post January 18, 2008, 12:53:59 AM
by MuslimDoc
Wadne Gariir (Atrial Fibrillation) Cudurrada Guud SomaliDoc 0 1443 Last post August 10, 2008, 07:50:33 PM
by SomaliDoc
A brutal acid attack on a Sudanese lady. Feel Free Here dr-awale 0 294 Last post December 13, 2008, 02:27:57 PM
by dr-awale
Powered by MySQL Powered by PHP Powered by SMF 1.1.11 | SMF © 2006-2009, Simple Machines LLC Valid XHTML 1.0! Valid CSS!


Google visited last this page June 24, 2010, 05:53:52 AM