|
Title: Wadne Qabad (Heart Attack) Post by: SomaliDoc on February 09, 2008, 11:06:32 PM Wadne qabad waxaa kaloo loo yaqaannaa myocardial infarction ama MI.
Wuxuu dhacaa marka marin dhiig oo quudiya muruqa wadnaha uu xannibmo. Socodka dhiigga ayaa ka joogsada qayb wadnaha ka mid ah. Haddii aan isla markiiba la daaweyn, qaybtaan muruqa wadnuhu way dhimataa. Nabar ayaa ku sameysanta qaybtaan wadnahaaga. Xannibanku wuxuu ka imaan karaa: Isu ururka dufan loo yaqaanno bakteeriyada qurunta Isku kaduudasho aan caadi ahayn ee muruqa marinka dhiigga Xinjirow dhiig Calaamadaha Wadne Qabadka Xanuun ama cadaadis kaa qabta bartamaha feedhahaaga, gacanta, daanka, garbaha, qoorta ama caloosha. Waxaa laga yaabaa inuu meel ka tago oo meelo kale ku faafo. ─ Dareemidda ciriiri, bur-bur, xanuun, margasho, maroojin, gubasho ama wadnaha oo ku gubanaya ─ Wuxuu dhacaa waqtiyada hawlaha iyo waqtiyada nasashada labada ─ Wuxuu socdaa in ka badan 15 daqiiqadood Dhidid Neefsashada oo kugu adkaata Daciiftinnimo Lalabbo ama matagid Cabsi dareemid War-wareer Isla markiiba wac dhakhtar haddii aad qabtid mid ka mid ah calaamadahaan. Fariiso ama seexo ilaa iyo kooxda gar-gaarka deg-degtu kaaga timaaddo. Baabuur ha u wadanin in aad isbitaalka ku aaddo ama dib ha u dhiganin in aad wacdo takhtarkaaga. Tilmaamaha Soo saaridda Wadne Qabashada ka Dib Wadnuhu wuxuu ku soo bogsadaa dhowr bilood. Aad ballanta uu takhtarkaagu ku dabagalayo arrinka. Weydiiso in aad gasho barnaamij dib u soo kabid wadne. Hawlahaaga xaddid ilaa 4-6 toddobaad. ─ Maalin kasta naso. ─ Hawlahaaga waqti ka waqti u sii kordhi. ─ Naso 1 saac ka dib markaad cunto cuntooyin iyo ugu yaraan 30 daqiiqadood hawlaha sida qubeysiga, mayrashada ama xiirashada ka dib. ─ Xaddid jaranjaro fuulidda. Jaranjarada si gaabisa u qaado. ─ Ka fogow qaadidda wax ka badan 10 pounds ama 4.5 kiilo garaam. ─ Wax ha xaaqin, caws ha jarin, ha geed qaadin ama wax ha falin. Shaqooyinka fudud waad sameyn kartaa. ─ Takhtarkaaga weydii goorta aad baabuur wadi karto iyo goorta aad shaqada ku noqon karto. Waxaad masaafooyin dhow u fuuli kartaa baabuur. ─ Hawlaha galmada waa la soo celin karaa markaad awooddo in aad fuuli karto ilaa 20 jaranjaro adigoon dhibaato ku qabin. Raac cuntada ay takhtarkaaga iyo cunto qoruhu kuu soo jeediyaan. ─ Cun cuntooyinka dufanku ku yar yahay. ─ Ka fogow cuntooyinka cusbada leh. Maalin walba is miisaan si aad u hubisid in dheecaan kugu kordhayo. Dheecaan dheeraad ah wadnahaaga shaqada ayuu ku sii adkaynayaa. ─ Wac takhtarkaaga haddii ay kugu kordhaan 2-3 pounds ama 1 kiilo garaam oo miisaan dheeraad ah. Ka fogow heerkullada aadka u kulul ama aadka u qabow. ─ Ha ku mayran biyo kulul ama qabow. ─ Ha isticmaalin tuubbooyinka biyaha kulul, il biyood ama biyo wareeg ku qul-qulaya. ─ Guriga joog waqtiga cimilada huurka leh ama heerkullada aadka u kulul (wixii ka sarreeya 80° F ama 27° C) ama qabowga (wixii ka hooseeya 30° F ama 1° C). Takhtarkaaga ayaa laga yaabaa inuu ku siiyo tilmaamo kale. Wax suaalo ama walaac ah aad qabtid halkaan ku weydii SomaliDoc |