Somali Medical Forums
January 07, 2009, 08:00:19 PM *
Welcome, Guest. Please login or register.

Login with username, password and session length
News: PICTURES: Handicap patients in Martini Hospital needs immediate health care
 
  Website   Home   Help Search Login Register  
Pages: [1]
  Print  
Author Topic: Waraabow / Isfiilito / Xabad (Syphils)  (Read 347 times)
0 Members and 2 Guests are viewing this topic.
SomaliDoc
Moderator
*****

Points: 0
Online Online

Gender: Male
Location: Somalia
Field: SMF Helper
Posts: 224


Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!


WWW
« on: July 15, 2008, 12:32:11 PM »

Isfiilatadu waa cudurrada lagu kala qaado galmada oo layska qaado marka ay istaabtaan xubnaha galmada ama xubnaha galmada iyo xuubka afka ama futada.

Cudurka waxaa xataa gudbin karta hooyada oo u gudbin karta ilmaha inta ay uurka ku jiraan ama haddi ay dhiig u shubto.

Heerarka isfiilitada
Isfiilitada waxay martaa seddex heer:

HEERKA 1aad
Qiyaastii seddex wiig kedib marka laysku daartay waxaa jirka ka soo baxaya boog ay galeen bagteeriyo. Boogtu waxay badanaa ka soo baxdaa xubnaha galmada, laakiin wey ka soo bixi kartaa xataa futada, afka gudihiisa ama meelo kale ee oogada ka mid ah. Boogtu xanuun saas ma laha, dhowr wiig keddibna iyadaa iskeeda u baabbi’i iyadoo aan la daweyn. Qanjirada u dhaw boogta wey bararayaan, laakiin lama dhibsado. Markan waxaa lagu jiraa heerka 1aad ee cudurka aadna looma garto.

HEERKA 2aad
Haddii cudurka aan wax looga qaban heerka 1aad, wuxuu laba bilood keddib u gudbayaa heerka 2aad. Dhibaatooyinka caadiga u ah heerka 2aad waa firiirac ka soo baxa meelo kala duwan ee oogada ah, timaha oo daata, qanjirbarar, xoogaa qandho ah, madax xanuun iyo daal.

Haddii cudurka aan lagu daaweyn heerka 2aad, wuxuu u gudbayaa heer cusub oo uu qarsoon yahay, kaasoo qofkana uusan wax dhibaato ah qabin. Isku daarashada xaga galmadana wey yaraaneysaa , laakiin weli waa la qaadsiin karaa ilmaha uurka ku jira.

HEERKA 3aad
Sanado badan keddib wuxuu cudurku u gudbi karaa heerka 3aad, markaas oo uu weeraro maskaxda, wadnaha, haragga iyo lafaha.

CALAAMADAHA LAGU GARTO

Wejiga 1aad (Xilliga hore ee waraabowga)
• Calaamaduhu waxay soo muuqdaan 1-12 toddobaad ka dib marka cudurka la qaado
• Nabarro aan xanuun lahayn oo ka soo baxa afka, xubnaha taranka ama dabada
• Nabaradu waxay ku “qarsoonaan” karaan gudaha xubinta taranka haweenka ama malawadka; Nabaradu waxay gaaraan 1-5 toddobaad
• Nabaradu way baaba’aan, laakiin waraabowgu weli wuu ku jiraa dhiigga Wejiga 2aad (Xilliga labaad ee waraabowga)
• Calaamaduhu waxay soo muuqdaan 6 toddobaad ilaa 6 bilood ka dib marka ay finanka cudurkani soo baxaan
• Finan yaryar (faniinac) oo ka soo daata meel kasta oo jirka ka mid ah
• Calaamado u eg hargabka nooca Flu-ga

Wejiga Suursan (qarsoon)
• Ma jiraan wax nabarro ama finan ah, laakiin waraabowgu weli wuu ku jiraa dhiigga isagoo waqtiyada dambe saameyn ku yeelan kara wadnaha, maskaxda, iyo xubnaha kaleba (wejiga saddexaad ee waraabowga)

ISU GUDBINTA
Waraabowga waxa Fidiya:
• Galmada caadiga ah
• Galmada aan caadiga ahayn
• Hooyo cudurka qabta oo u gubisa ilmaha

DHIBAATOOYINKA KA YIMAADA CUDURKAN
Haddii Aan la Daaweyn, Waraabowgu wuxuu Keeni Karaa:
• Cudurka wadna xanuunka
• Indhabeel
• Waxyeello soo gaarta maskaxda

Waraabowga Waqtiga Urka la Leeyahay Wuxuu Keeni Karaa:
• In haweenka uurka leh dhalaan ilmo aan nooleyn
• Ilmaha oo dhasha isagoo wax qaba (defects)
• Waxyeelo culus oo soo gaarta lafaha, maskaxda, sambabada, beerka, iyo xubnaha kale ee ilmaha cudurka qaaday

KA HORTAGGA
Talooyin ku Saabsan sida loo Yareeyo Fiditaanka Waraabowga:
• Nabarada ku dhaca xubnaha taranka waxay noqon karaan kuwo xubnahaasi kaga dhaca meelaha bacda
galmadu (condom) ay dabooli karto. Waxay kaloo ku dhici karaan meelaha ayna bacda galmadu dabooli karin. Bacda galmada, marka loo isticmaalo si joogta ah saxna ah, waxay yarayn kartaa khatarta inaad qaaddo waraabowga kaliya marka bacdu ay ku daboolan tahay meesha nabarka leh.
• Isticmaal bac galmo oo ku habboon markasta oo aad samaynayso galmo caadi ah ama aan caadi ahayn
• Yaree tirada dadka ay galmadu idinka dhaxayso
• U tag dhakhtarkaaga si aad baaritaan u samaysid haddii aad ka shakido inaad cudurka qaadday
• Ogeysii dadka ay galmadu idinka dhaxayso isla markiiba haddii aad qaaddo cudurka
• Waa inaad hubisaa in dadka ay galmadu idinka dhaxayso la baaro lana daaweeyo

BAARITAANKA
Baaritaan dhiig oo sahlan oo uu qaado takhtarka ayaa lagu ogaan karaa isfiilitada.
Islamarkaasna waxay qaadan kartaa dhowr wiig marka cudurka la qaado ilaa iyo inta ay tijaabadu cudurka ka sheegto.

DAWEEYNTA
Daaweynta Waraabowga:
• Waraabowga waa la daaweyn karaa marka la qaato daawadiisa saxda ah ee dhakhtarku qoro
• Dadka ay galmadu ka dhaxayso waa in isku mar la daaweeyaa
Cirbado Binisheliin ah waxay 100% wax ka taraan isfiilitada. Dadka xasaasiyada ka qaba Binishiliinta waxaa loo helayaa dawooyin kale oo waxtar leh.
Adigu waa inaadan galmo sameeyn ilaa lagugu cadeeyo caafimaad qab.
OGOW: In daawada ka dib qofku dib cudurka u qaadi karo.
Logged

1- Si aad wax ugu qortid Webka | 2- Si aad uga qeyb qaadatid doodaha | 3- Si aad su'aalo u waydiisid dhakhaatiirta
4- Si aad ula xiriirtid xubnaha kale | 5- Si aad ra'yigaaga u soo bandhigto
Waa inaad magac ku leedahay webka (Halkan Riix)
Pages: [1]
  Print  
 
Jump to:  

Related Topics
Subject Started by Replies Views Last post
Su'aal: Waraabow iyo AIDS Qaybta Su'aalaha guuleed_11 2 296 Last post July 15, 2008, 12:34:25 PM
by SomaliDoc
Powered by MySQL Powered by PHP Powered by SMF 1.1.7 | SMF © 2006-2008, Simple Machines LLC Valid XHTML 1.0! Valid CSS!


Google visited last this page January 04, 2009, 05:38:57 AM