Somali Medical Forums
July 29, 2010, 10:25:02 PM *
Welcome, Guest. Please login or register.

Login with username, password and session length
News: VACANCY: HAIDO: Somali Specialists Needed Here...
 
  Website   Home   Help Search Login Register  
Pages: [1]
  Print  
Author Topic: "Walac" ama "Morning Sickness"!!!  (Read 1019 times)
0 Members and 1 Guest are viewing this topic.
Dr.Mahdi
Administrator
*****

Points: 60
Online Online

Gender: Male
Age: 28
Location: Somalia
Field: Medicine
Posts: 719


Towards a better peaceful and healthy life!

405976995 doctormahdi@hotmail.com doctormahdi@yahoo.com
WWW
« on: August 30, 2007, 11:47:45 AM »

WALACA AMA MORNING SICKNESS
Walacu ama waxa loo yaqaano "Morning Sickness" waa calaamad asaasi ah oo lagu garto markey haweenku uurka qaado waxaana ugu caansan lalabo iyo matag (95% ka mid ah haweenka uurka leh way dareemaan walaca).

Calaamadahaas oo noqon kara kuwo fudud ama kuwo daran oo ubaahaneyso qofta uurka leh in isbitaal lagaliyo si loo fuuqceliyo.
Walaca wuu dhici karaa waqti walba maalinta gudaheeda laakiin wuxuu u badanyahay subaxii hore badanaane sababta ay tahay sokorta dhiiga oo meesha ugu hooseysa joogta gaajada habeenka awgeed.
Badanaa walacu waxa uu bilawdaa bisha ugu horeysa ee uurka ilaa bisha 3aad laakiin ilaan bisha 7aad wuu gaaraa haweenka qaarkood.
waxyaabaha loo maleynayo in lalabada iyo matagga keena waxaa ka mid ah:
1- Hormoonka estrogen-ka la yaqaano oo jirka ku bata.
2- Sokorta dhiiga oo hoos u dhacda.
3- Hormoonka progestron-ka oo siyaado, kaasoo keena in murqaha minka adkeeyo kan calooshane uu dabciyo markaasne ay ku badato aashitada cuntada shiida.
4- Hrmoonka HCG-ga oo ku bato jirka.
5- In waxyaabaha udgoon ay xasaasiyadooda siyaado taaso sida caadiga ahba lalabada keento.
Walaca badanaa daawo ma u baahno markuu caadiga yahay wuuna iska baaba'aa laakiin talaabooyin la qaado oo lagu yareeyo calaamadahaas ayaa jira:
1- Calooshaada ka ilaali inay faaruq ahaato.
2- 6 jeer cunto qaado maalintii, markiibane waxoogaa yar, oo iska ilaali 3dii jeer oo caadiga aheyd (Small frequent meals) badanaa 2dii saacba mar wax cun.
3- Nasasho joogto ah khaas ahaan uurka markuu bilaw yahay, kana fogaatid waxyaabaha walwalka iyo diiqada keena.
4- Inaa ka fogaatid shaashadaha sida television-ka iyo computerka, kuwaasoo siyaadiya lalabada.
5- Inaad cuntada aad cuneyso ay tahay mid ku badantahay carboheydratka.
6- In aad ka fogaatid jikada iyo meelaha cuntada ka soo carfeyso hadaa awoodid, tan kale perfumes-ka.
7- Qaxwada iska yarey 3 bil ee ugu horeysa, mooskane cunitaankiisa badso maadaama ay ku jirto potassium badan kaasoo lalabada daawo u ah.
8- Subaxii markaa soo kacdid malab ku qaso biyo aadne u khafiifi, wuxuu kaa dajinayaa aashitada caloosha ka buuxdo.
9- vitamin B6 (Pyridoxine) 50mg laba jeer qaado maalintii.
10- Cuntada ugu fiican ee lagu bilaabo subixii waxaa loo soo gaabiyaa (BRATT) oo kala ah Bananas (moos), Rice (bariis), Applesauce (cabitaanka tufaaxa), Toast (hilib shiilan sida buskeetiga oo kale) and Tea (shaah).
11- In markaa cunto cuntid aadan hal mar biyo kadaba cabin oo nus saac gudaheeda aad ku cabtid waxey yareyneysaa lalabada.
12- kadibna aadan jiifan oo aad xoogaa fadhisid ama meel aad ku tiirsatid.
13- hadii cuntada lalabo kugu qabato iska jooji oo markaa caadi noqotid tartiib tartiib u cun, hadii lacalla matagtidne 5 daqiiqo ka dib cunto cun, iskana ilaali inaa adiga is matajisid.

Wixii su'aalo dheeraad ah oo ku saabsan mawduucaan halkaan ku weydii adigoo mahadsan
waa mahadsantihiin
Dr.Mahdi
Logged

“you never cure a patient, you treat pain often but you always comfort the patient."
www.somalidoc.com
Pages: [1]
  Print  
 
Jump to:  

Related Topics
Subject Started by Replies Views Last post
Nobel in Medicine Awarded to Three for "Knockout" Mice Health News and Events Mankay 0 231 Last post October 10, 2007, 12:00:30 AM
by Mankay
Maxay Tahay Qandhada "Rift Valley"?! Qaybta Wacyi Galinta Dr.Mahdi 2 928 Last post November 13, 2007, 11:08:44 PM
by Doctoor
Faa'iidada laga helay qandhada "Rifty Vally" Feel Free Here Doctoor 0 354 Last post November 13, 2007, 11:30:34 PM
by Doctoor
Advice to doctors by sheikh "Mohammad Al-munjid" Islam and Medicine Dr.Adnan 0 381 Last post December 04, 2007, 04:09:46 PM
by Dr.Adnan
Animal "Oxytocin" prescribed for pregnant ladies Health News and Events Dr.Mahdi 5 488 Last post February 18, 2008, 05:26:38 PM
by Waxbaro!
Powered by MySQL Powered by PHP Powered by SMF 1.1.11 | SMF © 2006-2009, Simple Machines LLC Valid XHTML 1.0! Valid CSS!


Google visited last this page Yesterday at 03:53:17 PM