Somali Medical Forums
January 08, 2009, 12:34:55 AM *
Welcome, Guest. Please login or register.

Login with username, password and session length
News: DISCUSSION: Does Teething Cause Diarrhea?
 
  Website   Home   Help Search Login Register  
Pages: [1]
  Print  
Author Topic: Calaamadaha Foosha  (Read 395 times)
0 Members and 1 Guest are viewing this topic.
SomaliDoc
Moderator
*****

Points: 0
Online Online

Gender: Male
Location: Somalia
Field: SMF Helper
Posts: 224


Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!


WWW
« on: December 13, 2007, 02:18:40 PM »

Baro calaamadaha foosha si markaas aad u ogaato goorta aad wacayso taktharka aadna isbitaalka dhalmo u aadaysid. Haddii aad wax calaamado ah oo fool aad isku aragto 36 toddobaad ka hor ama 9 bilood uurka, isla markiiba wac takhtarkaaga.
 
Calaamadaha fooshu waa maroojin iyo dillaacida xuubka.
 
Maroojinta
Maroojintu waxay dhacdaa marka murqaha ilmo galeenku ay giigsamaan ayna is kala dabciyaan maadaama uu ilmo galeenku isu diyaarinayo dhalmo.
 
• Maroojinta Foosha Beenta ah
Kuwaani waxay dhacaan waqtiga bisha ugu danbeysa ee uurka. Waxay yihiin:
─  Kuwo aan is dabajoog ahayn.
─  Isuma soo dhawaadaan waxaana laga yaabaa in uu joogsado saacad ka dib
ama sidaasoo kale.
─  Badanaa lagama dareemo dhabarka.
─  Waxay joogsadaan marka la socdo.
─  Xanuunku waqti ka dib ma sii kordho.
─  Ma sababo inuu ilmo galeenku isbeddelo.
 
• Maroojinta Foosha ee Saxda ah
─  Waxay dhacaan waqtiyo is daba joog ah waxayna ku dhammaadaan 30-60 ilbiriqsi.
─  Way isu dhowaadaan waqti ka dibna xanuunku wuu sii bataa.
─  Waxaa laga yaabaa in laga dareemo dhabarka hoose iyo uur ku jirta hoose. 
─  Wuu sii socdaa ama sii kordhaa marka lala socdo.
─  Ilmo galeenka ayaa ka caawiyaa in uu jilco, khafiif noqdo, una u furmo dhalidda.

• Maxaa la Sameeyaa
Haddii ay kula tahay in ay fool ku hayso:
─  U seexo, haddii ay suuragal tahay, dhinacaaga bidix.
─  Cun ama cab cuntooyin fudud oo keliya.
─  Maroojinta saacad u fiiri. Haddii hal maroojin ay billaabato 9:10 tan ku xigtana ay billaabato 9:16, waxaa u dhexeeya 6 daqiiqadood. 
─  Wac takhtarkaaga, rugta caafimaadka ama isbitaalka marka maroojintu ay:
! U dhexeyso 5 daqiiqadood ilaa 2 saacadood uurka ugu horreeya 
! U dhexeyso 5 daqiiqadood ilaa 1 saac uurarka kale
! Sida uu takhtarkaaga ama rugta caafimaadku ay ku fareen. 
─ Isbitaalka aad.
 
Dillaaca Xuubka
Dillaaca xuubka, oo loo yaqaanno biyaha soo jabay, waa dheecaan dhibco ama burqan ah oo kaa yimaada marka uu kiish dheecaan ah oo ilmaha ku hareereysan uu dillaaco.
Dheecaanku badanaa waa mid biyo cad ah, laakiin waxaa laga yaabaa in uu cad yahay ama cagaaran yahay. Kiishka biyaha ahi waqti kasta ayuu dillaaci karaa. Waxaa laga yaabaa in uu dillaaco ka hor inta aadan dareemin maroojinta waxaana laga yaabaa in uu soo daato waqtiga maroojinta.
 
• Maxaa la sameeyaa
─  Haddii ay kula tahay in biyahaagii soo dillaaceen, wac takhtarka isbitaalkana aad.
─  Ha qubeysan.
─  Waxaad xiran kartaa suufka dhiigga oo kaliya.

SomaliDoc
Logged

1- Si aad wax ugu qortid Webka | 2- Si aad uga qeyb qaadatid doodaha | 3- Si aad su'aalo u waydiisid dhakhaatiirta
4- Si aad ula xiriirtid xubnaha kale | 5- Si aad ra'yigaaga u soo bandhigto
Waa inaad magac ku leedahay webka (Halkan Riix)
Pages: [1]
  Print  
 
Jump to:  

Related Topics
Subject Started by Replies Views Last post
Waa Maxay Calaamadaha Niyad Jabka? Cudurrada Maskaxda SomaliDoc 0 345 Last post March 29, 2008, 02:36:51 PM
by SomaliDoc
Calaamadaha lagu garto Iskitsoofiriiniyada Cudurrada Maskaxda SomaliDoc 0 315 Last post April 04, 2008, 09:54:00 AM
by SomaliDoc
Calaamadaha Khatarta ah ee Uurka Cudurrada Haweenka SomaliDoc 0 47 Last post December 25, 2008, 09:02:56 PM
by SomaliDoc
Heerarka Foosha (Stages of Labor) Cudurrada Haweenka SomaliDoc 0 5 Last post January 02, 2009, 09:59:49 PM
by SomaliDoc
Powered by MySQL Powered by PHP Powered by SMF 1.1.7 | SMF © 2006-2008, Simple Machines LLC Valid XHTML 1.0! Valid CSS!


Google visited last this page December 26, 2008, 11:33:19 AM