Somali Medical Forums
January 07, 2009, 08:02:20 PM *
Welcome, Guest. Please login or register.

Login with username, password and session length
News: VIDEO: Medical doctors graduated in Somalia
 
  Website   Home   Help Search Login Register  
Pages: [1]
  Print  
Author Topic: Daryeelka Dhalmada Ka Dib (Postnatal Care)  (Read 414 times)
0 Members and 1 Guest are viewing this topic.
SomaliDoc
Moderator
*****

Points: 0
Online Online

Gender: Male
Location: Somalia
Field: SMF Helper
Posts: 224


Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!


WWW
« on: January 21, 2008, 02:07:07 AM »

Ka dib marka aad umushid, kalkaaliso ayaa ku hubin doonta oo ka jawaabi doonta wixii aad su’aalo qabtid. Inta aad cisbitaalka ku jirtid, kalkaalisooyinku waxay ku bari doonaan sida aad naftaada iyo ilmahaaga u daryeeli lahayd.

Isbeddelada ku Dhaca Jirkaaga
• Kalkaaliso ayaa taaban doonta calooshaada si ay u hubiso ilmo-galeenkaaga inta aad ku jirtid cisbitaalka.
Haddii ilmo-galeenkaagu jilicsan yahay, kalkaalisadaada ayaa riixriixi doonta calooshaada si ay ilmo-galeenka uga kaalmeyso inuu adkaado.
• Dhiig ayaa hoostaada ka iman doona mudo ah 2-4 todobaad. Inta lagu jiro maalmaha ugu horeeya, dhiigga kaa socda waxa uu u eeg yahay dhiigga caadada oo culus. Waxa laga yaabaa inay kaa soo baxaan xinjiro dhiig oo yaryar. Dhiig-baxu waa uu yaraan doonaa waxana uu isu beddeli doonaa casaan khafiif ah, madow cawlan, ka dibna cadaan.
Ha isticmaalin suufka hoosta la  galiyo (tampons). Isticmaalka qoyaan-celis (pads).
• Naasahaaga waxa ka buuxsami doona caano 3-5 maalmood ka dib umusha waxana ay noqon doonaan kuwo adag oo xanuun leh. Waxa laga yaabaa inay da’aan marmarka qaarkood.
• Waxa laga yaabaa in calooshu ku adkaato. Waxa laga yaabaa in laguu qoro dawo caloosha jilcisa.
• U sheeg kalkaalisadaada haddii kaadida dhibaato kaa haysato.

Firfircooni
• Gargaar weydiiso shaqaalaha dhawrka mar ee ugu horeeya ee aad ka degaysid sariirta.
• Fadhiiso dhawr daqiiqadood ka hor inta aanad bilaabin socod.
• Haddii aad dareentid wareer ama dawakh inta aad ku jirtid musqusha, u waco qofkii kaa agdhaw.
• Ku socsoco qolalka dhexdooda 3-4 jeer maalintii mudo ah 5-10 daqiiqadood.

Cuntada
Waxa laga yaabaa inaad dareentid daal iyo gaajo. Waxa dheecaano lagaa siin doonaa faleebo ama xidid-galis (IV) lagu rakibo gacantaada ama cududaada ilaa aad si fiican wax u cabi kartid. Cab cabitaano badan. Waxa marka hore laguu keeni doonaa cuntooyin fudud ka dibna waxa aad cuni kartaa cuntadaadii caadiga ahayd.

Maamul Xanuunka
Xanuun iyo maroojis waa caadi. Waxa laga yaabaa in toliddu keentu gubasho. Weydiiso dawo xanuun marka aad u baahan tahay. Waxa laga yaabaa in dawadu aanay kaa kaxeyn xanuunka laakiin way kaa yareyn doontaa.
Maamul xanuunkaaga si aad u daryeeli kartid naftaada, iyo ilmahaaga oo aad fifircooni u yeelatid.
Sida loo maamulo xanuunka kaa haya aagga ku yaala inta u dhexeysa marinka ilmaha (hoosta haweenayda) iyo marinka saxarada (futada) (inta u dhexeysa labada marin) (perineal area):
• Saar xidhmo baraf ah wakhtiyo gaaban aagga u dhexeeya labada marin maalinta ugu horeysa si uu kaaga yaraado xanuunka iyo bararku.
• Qaado qubeys/maydhasho diiran. Qubeyska waxa la bilaabi karaa 24 saacadood ka dib umusha.
• Mari dawo korka la mariyo sida mid buufis ama labeen ah si ay kaaga yareyso xanuunka.

Daryeelka Inta u Dhexeysa Labada Marin
Ka dhig nadiif aagga u dhexeeya labada marin (hoosta iyo futada) si aad uga ilaalisid caabuqid oo aad urta u joojisid. Waxa tan loo yaqaanaa daryeelka inta u dhexeysa labada marin (peri care). Waxa lagu siin doonaa weel caag ah oo aad ka buuxisid biyo diiran. Wakhti kasta oo aad isticmaashid musqusha, isticmaal weelka caagga ah si aad biyo diiran ugu tuujisid aagga u dhexeeya labada marin (hoosta
iyo futada). Beddel qoyaan-celiskaaga wakhti kasta oo aad isticmaashid musqusha.
Gacmahaaga ku dhaq saabuun iyo biyo.

Qubeyska Sare-joogga ah
Waxa laga yaabaa in qubeys sare-joogga ahi kuu keeno dareen wacnaan oo uu kaa gargaaro inaad nafistid. U yeero qof kaa gargaara qubeyska ugu horeeya.

Ka-bixista Cisbitaalka iyo Tagista Guriga
Kalkaalisadaada ayaa kaa gargaari doonta sidii adiga iyo ilmahaagu aad guriga ugu noqon lahaydeen. Waxa lagu siin doonaa war ku saabsan sidii aad u daryeeli lahayd naftaada iyo ilmahaaga.
Waxa laga yaabaa in daryeelka ay ka mid tahay:
• Koridda jaranjaro 1-2 jeer maalintii.
• Sare ha u qaadin wax ka culus ilmahaaga dhashay.
• Hel qof kaa gargaara shaqada guriga ugu yaraan 2 todobaad.
• Ha kaxeyn baabuur ugu yaraan 2 todobaad.
• Ha yeelan galmo ilaa uu ka fasaxo dhakhtarkaagu. Dhakhtarkaaga kala hadal xadeynta uurka ama kala-dheereynta uurka. Naas-nuujintu kaama horjoogsanayso in aad uur yeelatid.
• Ha ku noqon shaqada ilaa dhakhtarkaagu kuu fasaxayo.

Wac isla markiiba dhakhtarkaaga haddii aad leedahay:
• Qandho ka badan 101 darajo F ama 38 darajo C.
• Calaamadaha caabuqidda naaska sida qandho, danqasho, casaan, ama meel kulul, oo adkaatay, oo ku taala hal naas ama labadaba.
• Dhiig-bax culus oo hoosta ah oo keenaya in uu kaa qoyo hal qoyaan-celis saacaddiiba mudo ah laba saacadood ama aad leedahay xinjiro dhiig oo waaweyn.
• Dheecaan hoostaada ka yimaada oo ur xun—dheecaanka caadiga ahi waxa la ur yahay caadadaada dhiigga.
• Dhibaato ah kaadida oo uu ku jiro bilaabista kaadida, gubasho ama xanuun.
• Kaama iman saxaro mudo ah 3 maalmood.
• Meel kulul oo adag oo ku taala lugtaada ama xanuun ah inta hoose ee lugtaada.
• Xanuun daran ama joogto ah ama maroojis.
• Madax-xanuun, aragga indhaha oo isku darsamay ama baro hor socda indhahaaga oo aan tagaynin.
• Dareen ah murugo weyn ama dareen ah in aad waxyeelo u geysatid naftaada ama ilmahaaga.
Wac dhakhtarkaaga dhawrka maalmood ee ugu horeeya ka dib marka aad guriga ku laabatid si aad u ballansatid booqasho la-sii-socod ah gudaha 4-6 todobaad. La hadal dhakhtarkaaga ama kalkaalisada haddii aad qabtid su’aalo ama walwal.

SomaliDoc
Logged

1- Si aad wax ugu qortid Webka | 2- Si aad uga qeyb qaadatid doodaha | 3- Si aad su'aalo u waydiisid dhakhaatiirta
4- Si aad ula xiriirtid xubnaha kale | 5- Si aad ra'yigaaga u soo bandhigto
Waa inaad magac ku leedahay webka (Halkan Riix)
Pages: [1]
  Print  
 
Jump to:  

Related Topics
Subject Started by Replies Views Last post
Daryeelka Dhalmada Ka Hor (Prenatal Care) Cudurrada Haweenka SomaliDoc 1 517 Last post October 29, 2007, 02:10:09 AM
by SomaliDoc
Children's health care Cudurrada Caruurta Ahmed_07 1 226 Last post February 23, 2008, 01:45:15 AM
by Ahmed_07
Xifdinta Araggaaga (Eye Care) Cudurrada Indhaha SomaliDoc 0 390 Last post April 12, 2008, 04:15:11 AM
by SomaliDoc
Kangaroo Mother Care (KMC) Cudurrada Caruurta Dr.Mahdi 0 164 Last post May 04, 2008, 08:01:57 PM
by Dr.Mahdi
Daryeelka Kabka (Cast Care) Cudurrada Guud SomaliDoc 0 20 Last post December 25, 2008, 08:54:02 PM
by SomaliDoc
Powered by MySQL Powered by PHP Powered by SMF 1.1.7 | SMF © 2006-2008, Simple Machines LLC Valid XHTML 1.0! Valid CSS!


Google visited last this page January 05, 2009, 07:28:22 AM