Somali Medical Forums
January 07, 2009, 07:50:18 PM *
Welcome, Guest. Please login or register.

Login with username, password and session length
News: DISCUSSION: Does Teething Cause Diarrhea?
 
  Website   Home   Help Search Login Register  
Pages: [1]
  Print  
Author Topic: Daryeelka Dhalmada Ka Hor (Prenatal Care)  (Read 517 times)
0 Members and 1 Guest are viewing this topic.
SomaliDoc
Moderator
*****

Points: 0
Online Online

Gender: Male
Location: Somalia
Field: SMF Helper
Posts: 224


Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!


WWW
« on: October 27, 2007, 01:23:11 AM »

Daryeelka dhalmada ka horreeya waa daryeel caafimaad oo aad heleysid inta aad uurka leedahay. Qorsheyso booqasho dhalmada ka horreysa isla marka ay kula noqoto in aad uur leedahay.

Booqashooyinkaan waxay kaa caawinayaan in aad uur caafimaad leh lahaato waxaana lagu ogaan karaa dhibaatooyinka ka hor inta aysan
kuwo daran kugu noqon adiga ama ilmahaaga.

Takhtarkaaga wuxuu dooni doonaa in uu ku arko 4-6 toddobaad ee kastaba mar 6-da bilood ee ugu horreysa ee uurka.
Waxaad u baahan doontaa in aad takhtarkaaga aragto in badan waqtiga saddexda bilood ee ugu danbeysa uurka.
Kani waa tusiye.

Haddii aad dhibaatooyin qabto, takhtarku waxaa laga yaabaa in uu rabo in uu ku arko in badan ama baaritaan badan kugu sameeyo.

Maxaa laga filayaa Booqashooyinkaaga Dhalmada ka Horreeya
• Booqashadaada ugu horreysa waxay noqon doontaa booqashada ugu dheer.
Waqtiga booqashadan:
─ Waxaa lagaa hubinayaa dhererkaaga, miisaanka iyo cadaadiska dhiigga.
─ Dhiig ayaa lagaa qaadayaa si lagaaga baaro cudur iyo heerar hooseeya ee birta ama feerada. Waxaa lagu weydiin doonaa haddii aad dooneysid in lagaa baaro HIV.
─ Waxaad u baahan doontaa in aad sambal kaadi ah geyso si looga baaro jeermis, sonkor iyo borotiin.
─ Waxaa lagu siin doonaa taariikhda aad dhaleysid, qiyaasta maalinta laga yaabo in uu ilmuhu dhasho.
─ Waxaa lagu weydiin doonaa su’aalo adiga, lammaanahaaga, qoyskaaga, iyo daawooyinka iyo daawo geedoodka aad qaadato ku saabsan.
─ Takhtarkaagu wuxuu kugu sameyn doonaa imtixaan jidh ahaaneed oo ay ku jiraan imtixaan sinaha ah oo uu la socdo dariiqada lagaga baadho kansarka ilma galeenka ee pap smear.
─ Takhtarku wuxuu kuu sheegi doonaa in aad billowdo qaadashada fitamiin leh folic acid dhalmada ka hor.
─ Ballan u sameyso booqashadaada ku xigta.
• Marka la joogo booqashooyinka dhalmada ka horreeya oo dhan:
─ Waxaa lagaa hubinayaa cadaadiska dhiigga, miisaanka, kaadida, iyo caafimaadka guud.
─ Xaddiga garaaca wadnaha ilmahaaga iyo koritaankiisa ayaa la hubinayaa.
─ Baaritaanno kale sida baarid dhiig ama ultrasound ayaa laga yaabaa in la sameeyo.
─ Weydii su'aalo oo la qaybso wixii walaac ah ee adiga naftaada iyo ilmahaaga idinku saabsan.

Mahadsanidiin
SomaliDoc
Logged

1- Si aad wax ugu qortid Webka | 2- Si aad uga qeyb qaadatid doodaha | 3- Si aad su'aalo u waydiisid dhakhaatiirta
4- Si aad ula xiriirtid xubnaha kale | 5- Si aad ra'yigaaga u soo bandhigto
Waa inaad magac ku leedahay webka (Halkan Riix)
SomaliDoc
Moderator
*****

Points: 0
Online Online

Gender: Male
Location: Somalia
Field: SMF Helper
Posts: 224


Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!


WWW
« Reply #1 on: October 29, 2007, 02:10:09 AM »

Baaritaannada
Waxaa laga yaabaa in aad marto baaritaannada soo socda:
Baaritaanno dhiig si lagaaga baaro:
○ Nooca dhiigga
○ Heerka birta
○ Waraabow
○ Cagaarshowga ama Jooniska Nooca B (Hepatitis B)
○ Jadeeco
○ Baaritaanka Alpha-fetoprotein (AFP)—Baaritaankan waxaa lagu hubinayaa halis korodhtay ee noocyada cilladaha lagu dhasho qaarkood ee ilmahaaga. Waxaa la sameeyaa inta u dhexeysa 15 ilaa 20 toddobaad ee uurka.
Haddii natiijada baaritaanku ay sarreyso, baaritaanno badan ayaa la sameyn doonaa.
○ Baaritaanka Rh factor Baaritaankan waxaa lagu hubiyaa in lagu arko
haddii Rh-kaagu uu jiro iyo haddii uusan jirin.
○ HIV Haweenka oo dhan waa in ay tixgeliyaan in dhiigga laga baarayo si looga hubiyo HIV. Hooyooyinku waxay cudurkaan u gudbin karaan ilmahooda waqtiga uurka, foosha iyo naas nuujinta.
Natiijooyinka baaritaanku waa qarsoodi.
○ Dhiig yarida unugga Sikal (Sickel Cell) loo yaqaanno

Ultrasound
Waxaad ugu yaraan mari doontaa 1 ultrasound waqtiga uurkaaga.
Takhtarkaagu waxaa laga yaabaa in uu doonayo in uu sameeyo ultrasoundyo badan si uu u hubiyo koritaanka ama xaaladda ilmaha.

Amniocentesis
Baaritaankaan waxaa lagu hubiyaa cudur hiddo-side waxaana badanaa la sameeyaa inta u dhexeysa 15 iyo 18 toddobaad ee uurka. Takhtarku wuxuu cirbad gelinayaa caloosha haweeneyda si uu u soo saaro dheecaan xoogaa ah oo yar ee unugyada ilmaha ku hareereysan (amniotic).
Dheecaanka waxaa loo dirayaa shaybaar si loo baaro.
Baaritaanka u dulqaadashada sonkorta (Glucose tolerance test (GTT))
Inta u dhexeysa 24 iyo 28 toddobaad ee uurka, waxaa lagaa baari doonaa sonkor dhiig oo sarreysa ee uurka, oo loo yaqaanno sonkorowga uurka (gestational). Waxaa lagu siin doonaa cabitaan macaan si aad u cabto ka dibna sambal dhiig ah ayaa lagaa qaadi doonaa.
Baaritaanka diiqo la'aanta
Baaritaankaan wuxuu makiinad gaar ah ku diiwaan gelinayaa xaddiga garaaca wadnaha ilmahaaga. Baaritaankan xanuun ma lahan wuxuuna ku lug leeyahay gaballo sharooto ah oo caloosha lagaaga dhejiyo.
Waqti kasta oo uurkaaga ka mid ah, isla markiiba takhtarka horey ka wac haddii:
• Xuubkaagu ama kiishka biyuhu dillaaco ama dalooshamo.
• Wax dhiig ahi kaa yimaado.
• Aad casiraad ama maroojin isku aragto taasoo ku qabanaysa in ka badan 4-6 goor saacad gudeheeda.

SomaliDoc
Logged

1- Si aad wax ugu qortid Webka | 2- Si aad uga qeyb qaadatid doodaha | 3- Si aad su'aalo u waydiisid dhakhaatiirta
4- Si aad ula xiriirtid xubnaha kale | 5- Si aad ra'yigaaga u soo bandhigto
Waa inaad magac ku leedahay webka (Halkan Riix)
Pages: [1]
  Print  
 
Jump to:  

Related Topics
Subject Started by Replies Views Last post
Daryeelka Dhalmada Ka Dib (Postnatal Care) Cudurrada Haweenka SomaliDoc 0 413 Last post January 21, 2008, 02:07:07 AM
by SomaliDoc
Children's health care Cudurrada Caruurta Ahmed_07 1 226 Last post February 23, 2008, 01:45:15 AM
by Ahmed_07
Xifdinta Araggaaga (Eye Care) Cudurrada Indhaha SomaliDoc 0 390 Last post April 12, 2008, 04:15:11 AM
by SomaliDoc
Pregnant and Baby Care Topics in Healthcare Dr.Noora 3 189 Last post September 01, 2008, 02:54:18 PM
by Pharmacist
Daryeelka Kabka (Cast Care) Cudurrada Guud SomaliDoc 0 20 Last post December 25, 2008, 08:54:02 PM
by SomaliDoc
Powered by MySQL Powered by PHP Powered by SMF 1.1.7 | SMF © 2006-2008, Simple Machines LLC Valid XHTML 1.0! Valid CSS!


Google visited last this page Today at 01:17:34 PM