Somali Medical Forums
January 07, 2009, 09:39:25 PM *
Welcome, Guest. Please login or register.

Login with username, password and session length
News: PICTURES: Handicap patients in Martini Hospital needs immediate health care
 
  Website   Home   Help Search Login Register  
Pages: [1]
  Print  
Author Topic: Ilma Qoolan (Ectopic Pregnancy)  (Read 365 times)
0 Members and 1 Guest are viewing this topic.
SomaliDoc
Moderator
*****

Points: 0
Online Online

Gender: Male
Location: Somalia
Field: SMF Helper
Posts: 224


Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!


WWW
« on: March 22, 2008, 11:12:19 PM »

Uurka qoolanku waa mid caadi ah, astaan khatar gelinaysa nafta oo ku dhacda boqolkii uurba mid. Waxay dhacdaa marka ugxanta ilmahu galo meel ka baxsan ilma-galeenkii caadiga ah. Markaa, marka ilmuhu koro ayuu keenaa xanuun iyo dhiig, kaas oo keeni kara dhimasho.

Maxaa sababa uurka ‘qoolanka’?
Sababta ugu weyn ee keenta uurka qoolanka waa dhaawac soo gaara tuubka la dhaho ‘fallopian’, kaas oo keena ciriiri iyo xanibaad. Waxa kale oo ciladi geli kartaa gidaarka tuubka, kaas oo yaraada, kadibna kaduwa ugxanta ilma galeenka. Astaamaha xanuuneed oo dib u dhiga socodka ugxanta, oo ku abuuraya tuubka, intaanu gaarin ilma galeenka ayaa iyana sababi karta ciladaa, hadaba ciladanu ma badna sida caadiga ah.

Maxaa suurogal ee ka soo bixi kara?
Inta badan qoolanku wuu baaba’aa inta aan caadada la waayin, ama astaamo yaryari, sida xanuun ama dhiig-bax. Marmarkan oo kale lama daweeyo, waxa loo maleeyaa in dhicis yimid. Waxba khasab ma’aha in la sameeyo xaaladahan oo kale.

Hadii aan qoolanku dhiman (baabi’in), tuubka dhuuban ayaa kala baxa, oo ku sababa caloosha hoosteeda xanuun. Waxa dhici kara dhiig-bax hoosta kayimaada. Maraka uu uurku sii balaarto waxa uu samayn karaa in tuubku dilaaco, kaasoo sababa dhiig bax, xanuun iyo dhicid.

Inta aaney dhicin arintani ‘qoolankan’ waxa lagu ogaan karaa (daween karaa) diiga oo la baaro, kaas oo tusa in ciriqa ‘pregnancy hormones’ aaney sare u kacayn sidii caadiga ahayd.

Waa kuwee astaamuhu?
Gabar kasta oo wax dhali karta, oo uu caloosha qaybta hoose xanuunto, waxa ay ka shaki kartaa inuu hayo qoolan ‘ectopic pregnancy’, inta aan la xaqiijin in ciladu wax kale tahay. Xanuunku wuxuu u bilaami karaa si kedis, waxa dhici kara dhiig bax. Inta badan usbuucii 4aad ilaa 10aad ee uurka isaga oo astaamahan wata:

-Calool xanuun dhinac keliya ah
kani wuxuu noqon karaa joogto aad u badan, laakiin wuxuu noqon karaa dhinaca kale ee qoolanku ku jirin.

-Garabka xagiisa sare oo xanuuna
kanu wuxuu dhici karaa kadib dhiig bax.

Baarista uurka

Kani wuxuu keeni karaa ’positive’ laakiin ma’aha had iyo jeer. Waxa loo baahan karaa dhiig baaris khaas ah ‘Specialised’ si loo hubiyo arintan.

Dhiig bax aan caadi ahayn
Gabadhu waxa suuragal ah inaaney ogayn inay uur leedahay, uuna ka imanayo dhiig bax aan caadi ahayn. Dhiigu wuu ka badan karaa ama ka yaraan karaa kii caadada, ama ka muddo dheeraan karaa. Dhiiganu wuxuu kaga duwanyahay kan caadada waa madow biyo wata, marmarka qaarkood aad moodo dheecaan khudaar.

Caado aad wayday ama dib u dhacday
waxaad ka shaki kartaa in aad uur leedahay hadii aad astaamaha uurka la kulantay, sida matag, naasaha oo ku xanuuna, ama caloosha oo soo baxda oo dhiig bax wadan.

Dhibaato xaga uurbaytada hoose ah
Xanuun marka socoto ama aad xamaamka aado.

Dhicid
Waxa aad dareemi kartaa fudayd, ama dhacitaan, had iyo jeer ay tan la socoto in aad wax si yihiin. Astaamaha kale waxa ka mid ah qalayl, wadnaha oo aad u shaqeeya, xanuun, shuban, iyo dhiiga oo hoos u dhaca.

Sidee loomaamulaa?

Hadii aad ka shakido uurka ‘qoolanka’, gabadhu waa inay cisbitaalka aadaa. Sawirarka naqshada ‘ultrasound scan’ iyo baaris uurka ayaa loo sameenayaa. Hadii uu sawirku soo saaro ilma-galeen maran, baarista kalena soo saarto uur, waxa ay u dhowdahay in uu jiro uur qoolan ahi, in kastoo ay suurogal noqon karto in uurku cusubyahay, ama dhicis jiray. Hadii gabadhu ay fiicantahay, oo aanu jirin xanuun waxa la baari karaa ciriqa dhiiga ‘blood hormone’ muddo laba – ilaa sadex cisho si loo hubiyo in qoolan jiro. Hadii aad looga shakiyo in qoolan jiro, waxa lagu sameeyaa baaris tuyuubka. Hadii ay markaa cadaato, waxa la sameeyaa qaliin lagu saarayo qoolanka, waxaana suurogal ah in dhiig lagu shubo, si loogu bedelo dhiiga lumaya.

Hadii ay suurogasho in qaliinka la sameeyo inta aanu tuubku dilaacin, waxa la siin karaa daween fudud. Qaliin ‘keyhole’ ama dawo qaadasho ayaa sahli kara, dedejin karana kasoo kabashada dhaawaca. Daweentanu waxay dumarka u hubinayaan in aan halis soo gaarin.

Inta aanu tuubku qaloocan, waxa dhakhtarka qaliinku sameen karaa inuu jeexo tuubka oo uu ka saaro qoolanka isagoo isticmaalaya qalabka ‘laparoscopy’, isagoo tuubka sidiisii ahaanayo.
Sida kale dawada loo yaqaano ‘methotrexate’ ee disha uurka ayaa la isticmaali karaa. Dawada waxa toos loogu mudi karaa oo loo gaarsiin karaa tuubka, ama waxa lagu mudaa muruqa gabadha si uu dhiiga u raaco oo u gaaro qoolanka, isagoo aan dhaawaceen tuubka (ilama-galeenka).

Sida cad daweentan casriga ahi waxay ku xirantahay aqoonta dad farso-yaqaaniin ah, iyo qalab casri ah. Markaa aad looma wada helo daweentan iyadoo weli baaris lagula jiro.

La soco qeybta 2aad ee mawduucaan, wixii su'aalo aad qabtidne halkaan ku weydii.
Logged

1- Si aad wax ugu qortid Webka | 2- Si aad uga qeyb qaadatid doodaha | 3- Si aad su'aalo u waydiisid dhakhaatiirta
4- Si aad ula xiriirtid xubnaha kale | 5- Si aad ra'yigaaga u soo bandhigto
Waa inaad magac ku leedahay webka (Halkan Riix)
SomaliDoc
Moderator
*****

Points: 0
Online Online

Gender: Male
Location: Somalia
Field: SMF Helper
Posts: 224


Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!


WWW
« Reply #1 on: March 24, 2008, 07:09:35 PM »

Yaa khatar ku jira Uur Qoolanka?

Gabar kasta oo wax dhali kartaa khatar bay geli kartaa xanuunka qoolanka. Laakiin waxay u dhowdahay in aad hesho qoolan hadii:

  • Hadii aad lahayd xanuun tuubka (Pelvic inflammatory disease)
  • Endometriosis
    hadii uu lagaa qalay caloosha, sida hadii ilme lagaa soo saaray, ama qaliin kale lagugu sameeyey.
  • A Coil (IUCD) fitted
    Hadii ilma-galeenka la sii jeediyey (IUCD). Waxa joojiyaa in ilme ku abuurmo ilma galeenka laakiin ma joojiso in ilme ku abuurmo tuubka ilma-galeenka.
  • Hadii aad isticmaasho kiniinka dhalmada joojiya –only contraceptive pill (mini–pill)
    tani waxaa la ogaaday inay waxoogaa kordhiso xanuunka qoolanka.

Uurka mustaqbalka?
Hadii tuubabka qaar la jaro ama la saaro, dumarku waxa isdhimaya boqolkiiba 50 inay uuraystaan sida caadiga.

Soo noqodka uurka qoolanku waa 7–10%, iyadoo tani ku xirantahay qaliinkii hore noocuu ahaa, iyo wixii dhaawaca ee gaaray tuubka. Hadii mid tuubabka (ilma-galeenka) qaliin awgii uu dhaawacmay, waxa suurogal ah in kuwa kalena dhaawacmeen. Tanu waxay keenaysaa in fursada uuraysigu yaraado. Waxa kale oo sare u kaca suuragalka in qoolan kale dhaco.

Maxaa sameeyaa uuraysiga soo socda?
Xaalad kasta, dumarka hore usoo maray qoolanku waa inay la xiriiraan dhakhtarkooda isla markiiba, hadii ay ka shakiyaan inay uur leeyihiin, si loo baaro si joogta ah. Sidoo kale hadii dhiigii caadadu iman waayey, ama batay ama yaraaday, ama xanuun caloosha ahi jiro, waa inay dalbato in la baaro. Iyadoo xasuusinaysa dhakhtarka in qoolan hore jiray.

Caadifadaada
qoolanku wuxuu noqon karaa mid murugo wata. Waxa aad ahaan kartaa mid kasoo kabanaya qaliin, ama dhaliinkii kuu suurogeli waawey; ama aanad ogaynba inaad markii horeba uur lahayd.

Dareenkaagu wuu isbedeli karaa usbuucyada iyo bilaha ka danbeeya hilawga ilmahaaga. Waxa aad ku farxi kartaa in xanuunkii ku dhaafay, ayna kuu suurogashay inaad noolaatid, iyadoo isla markaana dareemi kartid murugo wixii kaa halaabay. Waxa suurogal ah in markiiba qaliin lagu mariyey adoo aan laguu ogalaan inaad maskixiyan is dejin, ama kantaroolin naftaada. Waxyaabo dhacay ayaa kantaroolkaaga ka baxsanaa oo shoog ku gelin kara.

Hadii aan dawo ahaan laguu sharaxin, waxa sida dabiiciga ah aad canaanan kartaa naftaada. Inkastoo tan la fahmi karo waxa muhiim ah inaad ogaatid inaad adigu sababta lahayn.

Uurkaaga mudada yar ku dhamaaday wuxuu kharibi karaa ciriqaaga ‘hormones’, tan oo kaa dhigi karta mid u jilicsan diiqada.

Ciriiriga iyo qasnaanta reerka ku dhaca kadib uurka sida dhakhsaha ku dhamaaday ma’aha mid ay adagtahay in la qiyaaso.

Dareenka lamaanahaaga (ninkaaga)
Dareenka ku jeeda reerka kadib markii uu dhacay qoolan (ilma qoolmay) wuxuu noqon karaa mid weyn. Waayo-aragnimadani waxay isu dhawayn kartaa adiga iyo lamaanahaaga, iyadoo marmarna aad kala fogaan kartaan, isagoo lamaanahagu aanu fahansaneen duruufta aad ku jirtid, si uu kuu taageero.

Rag badani waxay ku adkaada inay qeexaan dareenkooda, isla markaana ay ku adkaato inay ku taageeraan. Laakiin waxaad ogaataa in isagu laftiisu uu dhibanyahay. Waxa hubaal ah in samahaagu uu aad muhiim ugu yahay. Sababtaa awgeed waxa suurogal inuu qarsado dareenkiisa. Si kasta ha ahaatee, bulshada manta joogtaa waxay dhiiri gelisaa in qofku sharxo dareenkiisa iyo murugadiisa.

Mustaqbalka
inta aanad uurka tijaabin waa inaad naftaada u ogaato in ay ka kabato maskax ahaan in jid ahaanba. Dhakhaatiirtu waxay inta badan kula taliyaan ilaa 3 bilood in jirkaagu soo kabto. Dareenka kadib qoolanka wuu kala duwanaan karaa. Dumarka qaarkood waxay dooni karaan in markiiba uuraystaaan, marka qaar kalena ay ka argagaxaan waayo-aragnimodii hore la mid ah inay ilme kale dhalaan.

Waxa muhiim ah inaad ogaatid in si kasta oo ad u murugootid, inaad heli karto (dhali karto) ilme caafimaad qaba & in ilaahaaga aad ku kalsoonaatid.

Wixii faahfaahin dheeraad ah, iyo su'aalo ah halkaank u weydii
Ectopic Pregnancy Trust, 2004
Logged

1- Si aad wax ugu qortid Webka | 2- Si aad uga qeyb qaadatid doodaha | 3- Si aad su'aalo u waydiisid dhakhaatiirta
4- Si aad ula xiriirtid xubnaha kale | 5- Si aad ra'yigaaga u soo bandhigto
Waa inaad magac ku leedahay webka (Halkan Riix)
Pages: [1]
  Print  
 
Jump to:  

Related Topics
Subject Started by Replies Views Last post
Anemia during Pregnancy Cudurrada Haweenka Yaxya 4 412 Last post March 05, 2008, 06:26:36 AM
by Yaxya
Healthy, full-term baby after ectopic pregnancy Health News and Events Dr.Mahdi 2 163 Last post June 18, 2008, 03:30:09 PM
by Dr.Adnan
Common signs of early pregnancy Cudurrada Haweenka Munim 0 157 Last post June 05, 2008, 04:28:49 PM
by Munim
Extra pounds gained in pregnancy can pose problems Health News and Events dr-awale 0 11 Last post December 13, 2008, 11:01:57 PM
by dr-awale
Galmada Waqtiga Uurka (Sex During Pregnancy) Qaybta Wacyi Galinta SomaliDoc 0 20 Last post January 02, 2009, 10:04:50 PM
by SomaliDoc
Powered by MySQL Powered by PHP Powered by SMF 1.1.7 | SMF © 2006-2008, Simple Machines LLC Valid XHTML 1.0! Valid CSS!


Google visited last this page January 05, 2009, 07:19:06 AM