Somali Medical Forums
January 07, 2009, 10:11:56 PM *
Welcome, Guest. Please login or register.

Login with username, password and session length
News: PICTURES: Handicap patients in Martini Hospital needs immediate health care
 
  Website   Home   Help Search Login Register  
Pages: [1]
  Print  
Author Topic: Ka-Saarida minka (Hysterectomy)  (Read 299 times)
0 Members and 2 Guests are viewing this topic.
SomaliDoc
Moderator
*****

Points: 0
Online Online

Gender: Male
Location: Somalia
Field: SMF Helper
Posts: 224


Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!


WWW
« on: March 15, 2008, 08:07:09 PM »

Waa Maxay Min ka-saarista?
Min ka-saaridu (hysterectomy) waa qalliin tasoo lagu saarahayo ilma-galeenkaaga (minkaaga). Ilma-galeenka, oo cabirkiisu le'gyahay gacantaadoo duuban, waana mid ka mid ah unugyada Haweenka ee habka taranka (dhalmada). Qaybta hoose ee ilma-galeenka waxaa la yiraahda minka afkiisa. Minka afkiisa hoose waa siilka ama ilma mareenka. Labada dhinac ee ilma galeenka waxaad ku leedahay xubinta
abuurta ugaxda dumarka, tasoo ukumaha sameeya, iyo laba dhuumood oo isku xira minka iyo qanirada ukunta sameey ee minka labadiisa dhinac ku yaala, kaasoo u qaada ukumaha minka.

Adiga iyo dhakhtartkaaga waxaad ka hadli doontaan xaaladaada iyo go'aamida waxaad u baahneeyd in aad ku sameeyso caafimaadkaagu. Waa in aad ogaato haddii ay ama ayan ahayn minkaaga afkiisa, tuubbada (dhuunta) iyo xubinta abuurta ugaxda dumarka in laga saaro. Ka saarida labbada tuubbo iyo xubinta abuurta ugaxda waxaa lagu magacaabo ka saarida labada dhinac ee dhuumaha minka bukooda (bilateral salpingoophorectom), ama BSO. BSO waa dhici karta ama ma dhici karto in min ka saarid lagu sameeyo nooc kasto oo ka mid ah min ka-saaris.

Sidee loo Sameeya Qalliinka?
Haddii ilma-galeenka laga saaro dhinaca siilka, waxaa lagu magacaabaa habkaas ka-saarida siilka. Uma baahna in la dalooliyo. Haddii laga saaro uurku jirta oo la dalooyiyey, waxaa lagu magacaabaa min ka-saarida uurku jirta, Ilma-galeenka oo laga saaro minka afkiisa ee dariiqa uurka jirta waxaa La yiraahdaa min ka-saarid guud ahaan uurku jirta ama TAH. Xubinta abuurta ugaxda dumarka waa laga saari kara ama lagama saari-karo.

Baaritanka min-ka saarista iyadoo la isticmaalayo kamero dhuuban, waxaana habkaas lagu sameeya dariiqa uurku jirta lagu baaro iyadoo la isticmaalayo kamara dhuuban (toorbin yar). Aalada lagu baaro uurku jirta waxaa la dhigaa iyadoo la dhex marinayo dalool yar ee u dhow xundhurta (xudunta). Qalabkaa kale waxaa lagu tala galay in loo isticmaalo dalool aad u yar ee uur ku jirta.
Ilma-galeenka waxaa laga saara dhanka ilma mareenka.

Maxaa sababi kara in minka la soo saaro?
Waxay ka imaan kartaa mushkilad ku dhacda minka sida in buro ku samaysanto, burooyinkaas oo noocyo badan leh, dhiig bax aan la kontrooli karin oo la xiriira minka

Wxixii Su'aalo aad qabtid halkaan ku weydii
SomaliDoc
Logged

1- Si aad wax ugu qortid Webka | 2- Si aad uga qeyb qaadatid doodaha | 3- Si aad su'aalo u waydiisid dhakhaatiirta
4- Si aad ula xiriirtid xubnaha kale | 5- Si aad ra'yigaaga u soo bandhigto
Waa inaad magac ku leedahay webka (Halkan Riix)
Pages: [1]
  Print  
 
Jump to:  

Powered by MySQL Powered by PHP Powered by SMF 1.1.7 | SMF © 2006-2008, Simple Machines LLC Valid XHTML 1.0! Valid CSS!


Google visited last this page January 03, 2009, 08:35:20 PM