Somali Medical Forums
September 10, 2010, 11:15:08 PM *
Welcome, Guest. Please login or register.

Login with username, password and session length
News: DISCUSSION: Does Teething Cause Diarrhea?
 
  Website   Home   Help Search Login Register  
Pages: [1]
  Print  
Author Topic: Kaadi Sonkorowga Waqtiga Uurka  (Read 1496 times)
0 Members and 1 Guest are viewing this topic.
SomaliDoc
Moderator
*****

Points: 0
Offline Offline

Gender: Male
Location: Somalia
Field: SMF Helper
Posts: 535


Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!


WWW
« on: January 07, 2008, 08:30:11 PM »

Hadii aad kaadi sonkorow qabtid, jirkaagu si habboon uma isticmaali karayo cuntada aad u cuneysid inaad tamar ka heshid. Markaad kaadi
sonkorow qabtid waqtiga uurka, waxaa loo yaqaannaa kaadi sonkorowga ilmuhuna uurka ku korayo.

Markaad cunto cuntid, jirkaagu wuxuu cuntada u jajabiyaa qaab tamar ah oo loo yaqaanno glucose. Glucose waa erey kale oo loo isticmaalo sonkorta.

Glucose-tu waxay aaddaa dhiiggaaga ka dibna sonkorta dhiiggaaga ayaa kor u kacda.

Insulin waa hoormoo ay samayso xammeetidaadu (Pancreas). Waxay caawisaa in glucose-tu dhiiggaaga ka dhaqaaqdo ayna aaddo unugyada jirkaaga si markaas jirkaagu uu ugu isticmaalo tamar. Ma noolaan kartid insulin la?aan.

Kaadi sonkorowga inta aad uurka leedahay
Kaadi sonkorow adigoo qaba, adiga iyo ilmahaagu ma heleysaan tamarta aad uga baahan tihiin cuntada aad cuneysid. Dhiig sonkortiisu sarreyso waqtiga uurka wuxuu noqon karaa mid waxyeello adiga iyo ilmahaagaba idiin keeni kara. Waxaa lagaa baari doonaa dhiigga si lagaaga hubiyo heerka glucose.

Haddii aan la daaweynin, kaadi sonkorowga ilmuhuna uurka ku jiro waxay keeni kartaa:
• Ilmo ballaaran, oo keeni kara dhibaato dhalmo
• Cillado dhalmo
• Dhiig sonkortiisu hooseyso ee ilmahaaga dhalashada ka dib, taasoo aan u fiicneyn ilmahaaga
• Dhibaato neefsasho ee ilmahaaga

Calaamadaha
Waxaa laga yaabaa inaadan calaamado lahaanin oo ah in sonkorta dhiiggaagu uu sarreeyo. Weydii dhakhtarkaaga wax ku saabsan baaridda glucose-ta waqtiga uurkaaga.

Daryeelkaaga
Hadafku waa in sonkorta dhiiggaaga la xakameeyo. Dhakhtarkaaga ayaa si hooseysa ula socon doona uurkaaga iyo ilmahaba.

Haddii aad qabtid sonkor dhiig oo sarreysa:
• Cun cunno si wanaagsan isugu dheellitiran. Nafaqo-yaqaan ama kalkaaliso ayaa kaa caawin doona inaad qorshaysatid cunto xaddidan.
• Maalin kasta jir-dhis samee.
• Iska hubi sonkorta dhiiggaaga isla markaana qor. Waxaa lagu bari doonaa inaad iska baartid sonkorta dhiigga adigoo isticmaalaya mitirka
glucose-ta.
• Waxaa laga yaabaa inaad u baahatid inaad isku durto insulin. Haddii ay sidaas tahay, kalkaaliso ayaa ku tusi doonta sida taas loo sameeyo.

Caafimaadkaaga ka dib marka ilmahaagu uu dhasho
Marka ilmahaagu uu dhasho ka dib, sonkorta dhiiggaagu waxay u badan tahay iney caadigeedii hore ku noqoto. Sonkorta dhiiggaaga waxaa la baari doonaa 6 toddobaad ka dib markaad joojiso naas nuujinta.

Haweenka qabay kaadi sonkorowga ilmuhuna uurka ku jiray waxay leeyihiin xaddi sarreeya ee ah kaadi sonkorowga Nooca 2 goor danbe oo
noloshooda ah. Yaree khatartaada adigoo ku jiraya miisaan caafimaad leh, jir-dhis, cuntooyin caafimaad lehna cunaya. Sonkorta dhiiggaaga ha lagaa baaro ugu yaraan hal mar sanadkiiba ama sida dhakhtarku uu yiraahdo.

SomaliDoc
Logged

1- Si aad wax ugu qortid Webka | 2- Si aad uga qeyb qaadatid doodaha | 3- Si aad su'aalo u waydiisid dhakhaatiirta
4- Si aad ula xiriirtid xubnaha kale | 5- Si aad ra'yigaaga u soo bandhigto
Waa inaad magac ku leedahay webka (Halkan Riix)
WWW.SOMALIDOC.COM
Pages: [1]
  Print  
 
Jump to:  

Related Topics
Subject Started by Replies Views Last post
Garashada Sonkorowga (Diabetes) Cudurrada Guud SomaliDoc 9 3052 Last post June 04, 2008, 10:45:32 AM
by SomaliDoc
Galmada Waqtiga Uurka (Sex During Pregnancy) Qaybta Wacyi Galinta SomaliDoc 0 4107 Last post January 02, 2009, 09:04:50 PM
by SomaliDoc
Sonkorowga Uurka (Gestational Diabetes) Cudurrada Haweenka SomaliDoc 0 821 Last post February 25, 2009, 09:06:56 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Maxaa keena jir xanuun waqtiga roobka? Qaybta Su'aalaha Raaliyo 0 378 Last post June 10, 2009, 10:01:10 PM
by Raaliyo
Su'aal: Waqtiga qabowga waxaa i cuncuna sanka? Qaybta Su'aalaha Ashwaaq 4 535 Last post November 06, 2009, 12:48:48 PM
by SomaliDoc
Powered by MySQL Powered by PHP Powered by SMF 1.1.11 | SMF © 2006-2009, Simple Machines LLC Valid XHTML 1.0! Valid CSS!


Google visited last this page August 06, 2010, 11:04:26 PM