|
Title: Sonkorowga Uurka (Gestational Diabetes) Post by: SomaliDoc on February 25, 2009, 09:06:56 PM Waa Maxay Saraynta Sonkorta Dhiigga?
Saraynta sonkorta dhiigga macnaheedu waa macaanka (sonkorta) oo ku badan dhiigga. Waxaa kale ood maqli karta erayga hyperglycemia. Haweenka qaba sonkorowga haddana Uurka yeesha, iyo haweenka ay sonkorta ku dhacdo intay uurka leeyihiin, oo la yiraahdo Sonkorowga uurka waxay u baahan yihiin inay heerka sonkortooda xukumaan. Haweenka uurka leh, heerka sonkorta dhiiggu waxay u baahan tahay in lagu hayo xadka qiyaasta oo yar una dhexeeysa 60 ilaa 120. Subaxii markaad toosto ugu horaysa, sonkorta dhiiggaaga waa inay ahaato 60-100. Marka aad cabirto sonkortaadu cuntada ka hor waa inay qorta 60-105, iyo 2 saac ka dib cuntada, 60-120. Markasta oo sonkortaadu ka badan tahay 120, aad ayey ugu badan tahay Uurka. Haddii ay wakhtiga Uurka sonkorta kor u kacdo, waxaa surtogal ah in ay dhib u keento hooyada iyo cunuggaba. Dhibaatooyinka cunugga:
Sidee Baan Dareemaya Marka Sonkorta Dhiiggu Aad U Sarayso? Ma dareemaysid wax gooni ah marka sonkorta dhiigaagu aad u sarayso.Waa sababtaas waxay ay muhiim u tahay inaad fiiriso sonkorta dhiigaaga sida ay dhakhtarkaaga iyo kalkaalisadaadaba kugu waaniyaan. Inta badan haweenka uurka lehi ee sonkorowga qaba waxay fiiriyaan sonkorta dhiigooda 4-8 goor maalin kasta, cuntada ka hor iyo 2 saac cuntada ka dib. Haddii heerka sonkorta dhiigaagu ay ka kormarto 120 3 beri ka badan oo isku xigta adiguna aad raacayso cuntadaadii,waa inaad la xiriirta dhakhtarkaagii ama kalkaalisadadii. Waxaa laga yaaba inaad u baahan tahay insulin inaaad bilowdo ama haddii aad insuliin qaadato, qiyaastaada waa in la bedelaa. Maxaan Sameeya Maraan Qabo Saraynta Sonkorta Dhiigga? Sida ugu wanaagsan ee lagu daaweeyo saraynta sonkorta dhiiggu waa adigoo isu dheeli tira cuntada, jimicsi iyo/ama insuliinka. Dib u raac dhowrkii beri oo ugu sameysay qorshihii cuntada dhaqdhaqaaqa, daawada (insulin) iyo waraaqadaha aad ku kaydisya sonkortaadu. U fiirso isbedel kasta oo kuu macnayn kara saraynta sonkorta. Sidee Baan Uga Hortagi Karaa Saraynta Sonkorta Dhiigga? Waxaad uga hortagi karta saraynta sonkorta dhiigga ado raaca qorshaha sonkorowga.
Haddii aad qabtid su'aalo ku saabsan qoraalkaan, halkaan ka waydii SomaliDoc |