Somali Medical Forums
January 07, 2009, 07:54:02 PM *
Welcome, Guest. Please login or register.

Login with username, password and session length
News: PICTURES: Handicap patients in Martini Hospital needs immediate health care
 
  Website   Home   Help Search Login Register  
Pages: [1]
  Print  
Author Topic: Uurdoox (ilmaha lagu qalay) [C/S]  (Read 682 times)
0 Members and 2 Guests are viewing this topic.
SomaliDoc
Moderator
*****

Points: 0
Online Online

Gender: Male
Location: Somalia
Field: SMF Helper
Posts: 224


Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!


WWW
« on: May 15, 2008, 02:11:37 PM »

Dhallida qallinka, dhakhtarku wuxuu sameyn doona jeexdin gumaarka korkiis ama caloosha qaybteeda hoose iyo ilmo galeenka oo laga soo bixin doono cunugga. Waa inaad maskaxda ku haysa dhalida qallinku uu marwalba suragal yahay, inkasto haween badan suragalkaas uu mid yar yahay.

Sababaha Qalliinka
A) Xaaladaha qaarkood rabitanka qalliinku horey baa loo saadaalin kara waxaanad heli karta wakhti aad isugu diyaariso waxaana ka mid ah:
  • Daba keen (Cunuggu markuu u yimaado lugaha ama bowda marka hore).
  • Gudub (Cunuggu marku u yimaado dhinac).
B) Xaalada kale go'aanka qallinka waxaa suubindoona dhakhtarka, haddii ay jiraan dhibaato degdeg ah inta foosha socoto. Waxaa ka mid ah:
  • Miskaha oo yar ama cunugga oo weyn.
  • Cunugga oo mushkilaysan oo macnaheedu yahay in uusan u dulqaadan karin foosha.
  • Dhiig bax ka yimaada xubnaha dhalmada macnaheedu wuxuu noqon karaa iyado ay jirto dhibaato ebida iyo cunuggaaga oon helayn dhiig ku filan, ogsijiin iyo nafaqo u marta xudunta.
C) Sababo kale oo keena qalliinka waxaa ka mid ah:
  • Dhibaato cafimaad oy ka mid tahay sonkorowga, isqaadasha la'aanta dhiiga ama casabiyada dhiiga oo kacsan.
  • Jeermiska cudurka dhliya oo firfircoon lana xiriita minka afkiisa, candhada ama faruuryaha, sida heerbiska (waa cudur gala maqaarka keenana maqaar dildilaac).

U Diyaar Garowga Qallinka
Intaan qalliinku dhicin waa inaad waxyabahan soo socda sameeysa:
  • Saxiix ogolaansho qalliinka
  • Dhiig qaadid
  • Caloosha dhiqid iyo xiirid
  • Bilow faleebe iyo kaadi soo qaade lagu gesho.
  • Waraysi uu dhaqtarka suuxdinta kula yeesha.

Ilmaha lagu Qalay ama Uurdoox
Jeexdin ayaa lagu sameynaya darbiga caloosha iyo ilmo galeenka. Jeexdimahaas waxay noqon karaan kor ama hoos (dherer) ama (gudub). Cunugga iyo ebidaba waxaa laga dhalinaya jeexdintaas daqiiqado yar gudahood marka qalliinka la bilaabay. Dabadeed jeexdimaha waa la xiri doona iyado qaadan doonta ila hal saac. Qalliinka ka dib, waxaa laguu dhigi doona qolka so naaxida. Inta waqtigaas socdo dhiigaaga, xididkaaga xawliga neefsigaaga iyo dhayida jeexdintaba si joogta ah ayaa loo eegi doona. Waxaad fiiro u yeelan doonta dhiig bax fara badan.

Daryeelka Qalliinka Ka Dib
  • Si caadi ah waxaa sariirta joogi doonta 6-8 saac oo qalliinka ka dambeya. Dabadeed waxaa lagugu boorin doona dhaqdhaqaaq ayado lagu caawinayo.
  • Dhuunta kaadida qaada waa lagaa saari qalliinka ka dib. Faleebaha waa la wadi doona ilaa aad awoodo cunid iyo cabid.
  • Daawada xanuunka bi'sa waa lagu siin doona haddii aad rabto.
  • Inta badan, haweenku waxay cusbitaalka kaga tagaan 2-4 beri ka dib dhalida uurdoox.
  • Urdooxidu marnaba ma hor istagayso nuujinta cunuggaaga.
  • Waxaad u baahantahay nasiino ka badan haweenka hoos ka dhalay, waxay qaadata 4-6 asbuuc intaad si buuxda dib ugu noqon lahayd xarakaadkaagii.

Uur Yeelashada Mustaqbalka
Haweenka qaarkood waxay awoodaan inay caadi u dhalaan uurarka soo socda sikasto uurdooxid loogu sameyey. Kala munaaqashood tan dhakhtarkaga.

Halkaan ka weydii wixii su'aalo dheeraad ah.
Logged

1- Si aad wax ugu qortid Webka | 2- Si aad uga qeyb qaadatid doodaha | 3- Si aad su'aalo u waydiisid dhakhaatiirta
4- Si aad ula xiriirtid xubnaha kale | 5- Si aad ra'yigaaga u soo bandhigto
Waa inaad magac ku leedahay webka (Halkan Riix)
Pages: [1]
  Print  
 
Jump to:  

Related Topics
Subject Started by Replies Views Last post
Qaliinkii Cajiibka Ahaa oo Maryam Lagu Badbaadiyay Cudurrada Qaliinka Dr.Mahdi 0 269 Last post October 30, 2007, 08:09:48 AM
by Dr.Mahdi
Maskaxda ayaa laga qalay si qalad ah! Medical Stories and Jokes Dr.Mahdi 4 343 Last post December 12, 2007, 08:58:34 PM
by Abdullahi!
Barta lagu dhasho (Birthmarks) Cudurrada Maqaarka SomaliDoc 1 429 Last post March 03, 2008, 03:01:20 PM
by Dr.Adnan
Calaamadaha lagu garto Iskitsoofiriiniyada Cudurrada Maskaxda SomaliDoc 0 314 Last post April 04, 2008, 09:54:00 AM
by SomaliDoc
Sidee lagu ogaadaa cudurka Iskitsoofiriiniyada? Cudurrada Maskaxda SomaliDoc 0 275 Last post April 07, 2008, 03:18:40 AM
by SomaliDoc
Powered by MySQL Powered by PHP Powered by SMF 1.1.7 | SMF © 2006-2008, Simple Machines LLC Valid XHTML 1.0! Valid CSS!


Google visited last this page Today at 12:35:54 PM