Somali Medical Forums
January 07, 2009, 09:07:56 PM *
Welcome, Guest. Please login or register.

Login with username, password and session length
News: VIDEO: Medical doctors graduated in Somalia
 
  Website   Home   Help Search Login Register  
Pages: [1]
  Print  
Author Topic: Daaf, Indhogaduudasho (Conjunctivitis)  (Read 292 times)
0 Members and 1 Guest are viewing this topic.
SomaliDoc
Moderator
*****

Points: 0
Online Online

Gender: Male
Location: Somalia
Field: SMF Helper
Posts: 224


Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!


WWW
« on: May 20, 2008, 09:52:51 PM »

Sababta:
Bakteeriya, alleerjiyo, fayras, dhaawac isha ah, iyo kiimikaal

Calaamadaha:
Gaduudasho, cuncun, xanuun, dheecaan isha ka yimaada, oo ku xiran sababta.

Siduu ku faafaa?
Haddii aad taabatid dheecaan ka yimid isha ama candhuufta qofka isha gaduudan.

Meeqay qaadaneysaa inaad ku jirratid marka lagu qaadsiiyo?
Caadi ahaan 1-12 beri (Waxay ku xiran tahay sababta keenay).
Muddada la is qaadsiin karo:
Ilaa uu infekshanka buuxaa ka dhammaado.
Ha imaanin rugta xanaanada ilmaha:
Haddaad cunuggaaga ku aragtid indho gaduudan oo leh malax/dheecaan, xumad, indho-xanuun ama baalasha oo gaduuta, ilaa cunuggagu ka arko daryeele caafimaad iyo ilaa 24 saac kadib marka antibayootikada loo bilaabey ama ilaa marka daryeelaha caafimaadku sheego in cunuggaagu soo noqon karo.

Baaritaan:
U tag dhaqtarkaaga/kiliiniga haddii cunuggaagu qabo indho-gaduud malax leh iyo, ama xumad, indho-xanuun, baalasha oo gaduuta ama haddii aad wax su'aal ah qabtid.

Daaweynta:
Waxa laga yaabaa in dhaqtarkaagu kuu qoro boomaatada ama goojada indhaha. U raac tusmooyinka dhaqtarkja sida uu kuu faray.

Ka hortagga/Xakameynta:
1. KU dhaq gacmahaaga saabbuun iyo biyaha qasabadda oo qandac ah mar kasta ood taabatid wax dareere/dheecaan ah oo ka yimid indhaha, sanka ama afka. Gacmo-dhaqiddu waa habka ugu wanaagsan ee lagaga hortegi karo faafidda cudurada faafa.
2. Cunugga indhihiisu ha ahaadaan kuwo dheecaan ka nadiif ah. Iska ilaali inaad taabatid dheecaanka isha cunugga.
3. Tuur fasaleetiyada la isticmaalay oo dhan.
4. Boombaleyaasha ku dhaq saabbuun maalintiiba hal mar iyo markii ay wasaqoobaan.
5. Qofna ha la isticmaalin waxyaabaha sida shukumaanada ama marada la isku dhaqo.

Wixii su'aal aha ama warbixin dheeraad ah, halkaan ka weydii
SomaliDoc
Logged

1- Si aad wax ugu qortid Webka | 2- Si aad uga qeyb qaadatid doodaha | 3- Si aad su'aalo u waydiisid dhakhaatiirta
4- Si aad ula xiriirtid xubnaha kale | 5- Si aad ra'yigaaga u soo bandhigto
Waa inaad magac ku leedahay webka (Halkan Riix)
Princess_Muni
Hero Member
*****

Points: 0
Offline Offline

Gender: Female
Location: Kuwait
Field: Nursing
Posts: 501



« Reply #1 on: June 21, 2008, 12:33:01 AM »

i hate daaf so much i get like 5 - 6 times a year...
does the weather cause it ?? because here in kuwait the weather is dusty
and without sunglasses or covering the eye, Bum daaf aa kugu dhacayo
is there anyway i can prevent it? and does Salty water or sea water help ?
Logged

Intelligence plus character- that is the goal of true education

Dr. Martin Luther King Jr.
Pages: [1]
  Print  
 
Jump to:  

Powered by MySQL Powered by PHP Powered by SMF 1.1.7 | SMF © 2006-2008, Simple Machines LLC Valid XHTML 1.0! Valid CSS!


Google visited last this page December 18, 2008, 05:02:58 PM