SomaliDoc
Moderator
   
Points: 0
Offline
Gender: 
Location: Somalia
Field: SMF Helper
Posts: 204
Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
|
 |
« on: May 20, 2008, 08:52:51 PM » |
|
Sababta: Bakteeriya, alleerjiyo, fayras, dhaawac isha ah, iyo kiimikaal
Calaamadaha: Gaduudasho, cuncun, xanuun, dheecaan isha ka yimaada, oo ku xiran sababta.
Siduu ku faafaa? Haddii aad taabatid dheecaan ka yimid isha ama candhuufta qofka isha gaduudan.
Meeqay qaadaneysaa inaad ku jirratid marka lagu qaadsiiyo? Caadi ahaan 1-12 beri (Waxay ku xiran tahay sababta keenay). Muddada la is qaadsiin karo: Ilaa uu infekshanka buuxaa ka dhammaado. Ha imaanin rugta xanaanada ilmaha: Haddaad cunuggaaga ku aragtid indho gaduudan oo leh malax/dheecaan, xumad, indho-xanuun ama baalasha oo gaduuta, ilaa cunuggagu ka arko daryeele caafimaad iyo ilaa 24 saac kadib marka antibayootikada loo bilaabey ama ilaa marka daryeelaha caafimaadku sheego in cunuggaagu soo noqon karo.
Baaritaan: U tag dhaqtarkaaga/kiliiniga haddii cunuggaagu qabo indho-gaduud malax leh iyo, ama xumad, indho-xanuun, baalasha oo gaduuta ama haddii aad wax su'aal ah qabtid.
Daaweynta: Waxa laga yaabaa in dhaqtarkaagu kuu qoro boomaatada ama goojada indhaha. U raac tusmooyinka dhaqtarkja sida uu kuu faray.
Ka hortagga/Xakameynta: 1. KU dhaq gacmahaaga saabbuun iyo biyaha qasabadda oo qandac ah mar kasta ood taabatid wax dareere/dheecaan ah oo ka yimid indhaha, sanka ama afka. Gacmo-dhaqiddu waa habka ugu wanaagsan ee lagaga hortegi karo faafidda cudurada faafa. 2. Cunugga indhihiisu ha ahaadaan kuwo dheecaan ka nadiif ah. Iska ilaali inaad taabatid dheecaanka isha cunugga. 3. Tuur fasaleetiyada la isticmaalay oo dhan. 4. Boombaleyaasha ku dhaq saabbuun maalintiiba hal mar iyo markii ay wasaqoobaan. 5. Qofna ha la isticmaalin waxyaabaha sida shukumaanada ama marada la isku dhaqo.
Wixii su'aal aha ama warbixin dheeraad ah, halkaan ka weydii SomaliDoc
|