Somali Medical Forums
January 08, 2009, 02:24:02 AM *
Welcome, Guest. Please login or register.

Login with username, password and session length
News: VIDEO: Medical doctors graduated in Somalia
 
  Website   Home   Help Search Login Register  
Pages: [1]
  Print  
Author Topic: Dhibaatooyinka Aragga (Eye Problems)  (Read 314 times)
0 Members and 2 Guests are viewing this topic.
SomaliDoc
Moderator
*****

Points: 0
Online Online

Gender: Male
Location: Somalia
Field: SMF Helper
Posts: 224


Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!


WWW
« on: April 09, 2008, 01:42:46 AM »

Ishu waxay ka sameysan tahay saddex qaybood.

• Qaybta cad iyo lensiska oo iftiinka ku duwa xagga hore ee isha,
• Xuubka dambe (retina), oo ah xuub iftiinka dareema oo ku yaalla xagga dambe ee isha,
• iyo dareemeyaasha aragga (optic nerves), oo ah tiro badan oo ah xarko isgaarsiin oo taga maskaxda.

Dad badan ayaa leh dhibaatooyin aragga ah oo u baahan inay gashadaan muraayadaha indhaha ama lensiska indhaha (contact lenses). Saddex dhibaato ee aragga ee ugu tirada badani waa:

Fogaan arag
Magaca dhakhaatiirtu u yaqaanaan fogaan aragga waa ‘hypermetropia’. Dadka leh fogaan aragga waxa dhib ku ah aragga waxyaabaha u dhaw. Sababta taa keenaysaa waxa weeye kubbadda isha oo aad u gaaban, taasoo keenaysa in falaaraha iftiinka ee ku wareegsan ashyaada ay gaaran xagga dambe ee xuubka dambe (retina) ka hor intaan qaybta cad (cornea) iyo lensisku qaloocin falaaraha iftiinka.

Fogaan araggu waxa uu badanaa sii xumaadaa marka aad sii gabowdid, waxa kale oo uu saameyn karaa habka aad u aragtid ashyaada fogfog. Dadka leh fogaan arag waxay badanaa u baahan yihiin inay xirtaan muraayado sixid arag sida muraayadaha indhaha ama lensiska indhaha si ay wax u akhriyaan, u qoraan una qabtaan hawlo faahfaahsan.

Dhawaan arag
Magaca dhakhaatiirtu u yaqaanaan dhawaan aragga waa ‘myopia’. Dadka qaba dhawaan aragga waxa dhib ku ah aragga waxyaabaha ka fogfog sababta oo ah kubbadda isha ayaa aad u dheer. Tani waxaa loogu jeeda in qiyaasta ay isku jiraan qeybta kore ee isha iyo xubka danbe (retina) ayaa kala dheer. Markii aan shey fiirino, iftiinka wuxuu soo maraa isha wuxuuna gaaraa xubka danbe. Haddii qeybta hore e isha aad uga fog yahay xubka danbe iftiinka wuxuu istaaga qeybta hore e xubka danbe intii u xubka danbe gabigiisaba iftiimi lahaa, taaso dhibaateeynaaya in waxyaabaha fog fog si fiican loo arko.

Dadka qaba dhawaan aragga waxay badanaa u baahan yihiin inay xirtaan muraayado sixid arag sida muraayadaha indhaha ama lensiska indhaha si ay baabuur u wadaan una qabtaan hawlaha shaqo ku leh eegista waxyaabaha fogfog. Dhawaan aragga waxa marmarka qaarkood lagu daweeyaa qalitaan laysar.

Cawarnaanta
Cawarnaantu (astigmatism) waa marka isha qaybta caddi aanay si siman u sameysnayn, taasoo keenaysa in iftiinku ku kulmo qaybaha qaarkood ee shay, laakiin aanuu dhamaan shayga ku kulmin. Dadka aan wax dhib ah aragga ka qabin qaybta cad ee ishoodu waxay leedahay qaab ah kubbadda koleyga, halka dadka qaba cawarnaan uu qaabka isha qabteeda caddi ay leedahay qaab ah kubbadda rugbida.
Dadka qaba cawarnaanta waxay caadi ahaan u baahan yihiin inay xirtaan muraayadaha indhaha ama lensiska indhaha si ay u saxaan araggooda.
Arag wax-ka-qabid waxa loo isticmaalaa in lagu tilmaamo dadka indho la’ ama bar ahaan wax arka, ee loolama jeedo dadka qaba fogaan arag ama dhawaan arag. Qofka aragga waxa ka qaba araggii ayaa wax ka lumay ama araggiisii ayaa doorsoomay. Iyadoo ay ku xiran tahay sida lumidda araggu u daran tahay, waxa xaaladaha loo yaqaana ‘arag bar ah’ ama indho la’aan.

Arag bar ah
Qof leh arag badh ah ama arag si daran u hooseeya waxa uu leeyahay arag si daran u hooseeya laakiin ma indho la’. Waxa tan uu Ururka Caafimaadka Adduunku ku qeexay (World Health Organisation) qofka aan si cad u arki karin inta farood ee la tusay ee u jira fogaan ah 6 mitir ama ka yar (xiitaa isagoo gashan muraayadaha indhaha ama lensis).

Indho la’aan
Qofka indho li’i waxa uu qabaa lumid arag oo aad u daran mana awoodi karo inuu si cad u arko inta farood ee laga tusay fogaan ah saddex mitir ama ka yar (xiitaa isagoo gashan muraayadaha indhaha ama lensis). Hase yeeshee, waxa laga yaabaa inuu wali leeyahay xoogaa ah arag.

Wixii su'aalo ah halkaan ku weydii
SomaliDoc
Logged

1- Si aad wax ugu qortid Webka | 2- Si aad uga qeyb qaadatid doodaha | 3- Si aad su'aalo u waydiisid dhakhaatiirta
4- Si aad ula xiriirtid xubnaha kale | 5- Si aad ra'yigaaga u soo bandhigto
Waa inaad magac ku leedahay webka (Halkan Riix)
Pages: [1]
  Print  
 
Jump to:  

Related Topics
Subject Started by Replies Views Last post
Dhibaatooyinka Wax Liqidda Cudurrada Guud SomaliDoc 0 342 Last post December 23, 2007, 05:59:56 PM
by SomaliDoc
60 yrs old man with hearing problems Qaybta Su'aalaha Sumayya 1 175 Last post January 15, 2008, 06:08:14 PM
by Dr.Mahdi
Lumista Aragga (Vision Loss) Cudurrada Indhaha SomaliDoc 0 320 Last post April 10, 2008, 05:15:08 PM
by SomaliDoc
Dhibaatooyinka uurka (Pregnancy problems) Cudurrada Haweenka SomaliDoc 14 989 Last post August 18, 2008, 08:30:56 PM
by SomaliDoc
Extra pounds gained in pregnancy can pose problems Health News and Events dr-awale 0 11 Last post December 13, 2008, 11:01:57 PM
by dr-awale
Powered by MySQL Powered by PHP Powered by SMF 1.1.7 | SMF © 2006-2008, Simple Machines LLC Valid XHTML 1.0! Valid CSS!


Google visited last this page January 06, 2009, 11:23:30 PM