Somali Medical Forums
January 07, 2009, 10:54:07 PM *
Welcome, Guest. Please login or register.

Login with username, password and session length
News: VIDEO: Medical doctors graduated in Somalia
 
  Website   Home   Help Search Login Register  
Pages: [1]
  Print  
Author Topic: Lumista Aragga (Vision Loss)  (Read 320 times)
0 Members and 1 Guest are viewing this topic.
SomaliDoc
Moderator
*****

Points: 0
Online Online

Gender: Male
Location: Somalia
Field: SMF Helper
Posts: 224


Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!


WWW
« on: April 10, 2008, 05:15:08 PM »

Calaamadaha:

Calaamadaha ugu tirada badan ee lagu yaqaano lumista aragga waa aragga oo si joogto ah u yaraada, iyadoo waxyaabaha kaa fog kala garashadoodu dhib sii noqonayso. Hase yeeshee, waxa jiri kara calaamado kala duwan oo ay leedahay lumista araggu oo aan ahayn yaraanta aragga. Tusaale ahaan:

• Guluukoomada (glaucoma) darnaanteedu hooseyso waxay keeni kartaa xanuun aan badnayn, arag ceeryaamo ku jiro iyo wareegyo ama goobo leh midabka jeegaanka ama qaanso-roobaadka oo lagu arko agagaarka wixii iftiin leh.

• Burbur goobeed (macular degeneration) ayaa keena arag khaldan; xariijimaha toosan waxa la moodaa inay qalqaloocaan isla markaana ashyaada waxa aad moodaa inay ka weyn yihiin ama ka yar yihiin inta dhabtii ay yihiin.

• Caadka indhaha fuulay (cataracts) waxa uu keeni karaa arag isku darsan, midabada oo aad moodid inay khafiifeen iyo iftiinka xoogga leh oo birbirqa ama widhwidhleeya.

• Ciladda isha qalalani waxay keentaa gubasho, iyo dareen xajiin ah oo indhaha laga dareemo.

• Sonkorta xuubka dambe ee ishu (diabetic retinopathy) waxay keentaa aragga oo laba noqda iyo arag meel ku-duwidda oo dhib ah.

Calaamadaha lumista araggu waxay si weyn ugu xiran yahay sababta keentay. Xaaladaha qaarkood waxay si degdeg ah u keeni karaan lumis arag, halka qaar kalena ay si tartiib ah u keeni karaan burbur ku dhaca aragga.

Wixii su'aalo ah halkaan ku weydii
SomaliDoc
Logged

1- Si aad wax ugu qortid Webka | 2- Si aad uga qeyb qaadatid doodaha | 3- Si aad su'aalo u waydiisid dhakhaatiirta
4- Si aad ula xiriirtid xubnaha kale | 5- Si aad ra'yigaaga u soo bandhigto
Waa inaad magac ku leedahay webka (Halkan Riix)
Pages: [1]
  Print  
 
Jump to:  

Related Topics
Subject Started by Replies Views Last post
Dhego Beelid (Hearing Loss) Cudurrada Guud SomaliDoc 0 395 Last post November 14, 2007, 07:40:48 PM
by SomaliDoc
Computer vision syndrome (CVS) Cudurrada Indhaha Dr.Mahdi 0 169 Last post March 31, 2008, 01:29:04 AM
by Dr.Mahdi
Dhibaatooyinka Aragga (Eye Problems) Cudurrada Indhaha SomaliDoc 0 313 Last post April 09, 2008, 01:42:46 AM
by SomaliDoc
Viagra could cause hearing loss Health News and Events Yaxya 2 97 Last post July 10, 2008, 06:22:42 AM
by Yaxya
Powered by MySQL Powered by PHP Powered by SMF 1.1.7 | SMF © 2006-2008, Simple Machines LLC Valid XHTML 1.0! Valid CSS!


Google visited last this page December 31, 2008, 06:27:38 PM