Somali Medical Forums
January 07, 2009, 11:46:32 PM *
Welcome, Guest. Please login or register.

Login with username, password and session length
News: DISCUSSION: Does Teething Cause Diarrhea?
 
  Website   Home   Help Search Login Register  
Pages: [1]
  Print  
Author Topic: Xifdinta Araggaaga (Eye Care)  (Read 391 times)
0 Members and 1 Guest are viewing this topic.
SomaliDoc
Moderator
*****

Points: 0
Online Online

Gender: Male
Location: Somalia
Field: SMF Helper
Posts: 224


Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!


WWW
« on: April 12, 2008, 04:15:11 AM »

Waxa muhiim ah baaritaano indhaha ah oo joogto ah, si looga hortago dhaawac aan loo baahnayn oo ka yimaadaa xaalado aan la cilad-sheegin. Waxa muhiim in la cilad-sheego goor hore ilmaha qaba dhibaato aragga ah si looga hortago dhibaatooyin waxbarasho iyo
korniin.
Dadka sida gaarka ah inay u xifdiyeen indhahooda la rabo, waxaa ka mid ah:

• Ilmaha ka yar 16 sannadood,
• Dadka da’da yar ee ka yar 19 sannadood ee ku jira waxbarasho waqti buuxa ah,
• Dadka lagu sheegay guluukooma (glaucoma) ama cadaadis sare oo indhaha ah (ocular hypertension),
• Dadka ka weyn da’da 40 ee leh qaraabo soke oo lagu sheegay guluukooma (glaucoma),
• Dadka lagu sheegay sonkor ama kaadi-macaan,
• Dadka loo diiwaan galiyay arag bar ah ama indho la’aan,

Waxa kale oo jira dhawr siyaabood oo aad ku yareyn kartid waxyeelo indhaha soo gaara:
• Si joogto ah araggaaga ha loo baaro – ugu yaraan shantii sannadood mar. Haddii aad sonkor qabtid waa in araggaaga la baaraa in ka badan intaa.
• Indhahaaga ka ilaali qorraxda. Falaadhaha UV (ultra violet) ee qorraxdu waxay dhaawici karaan aragga indhahaaga sidaa daraadeed waxa muhiim ah inaad gashatid muraayado qorrax oo leh badbaadin UV oo sareysa marka aad u baxaysid dibad qorrax badan.
• Soo ogow haddii qoyskaagu taariikh u leeyahay guluukooma (glaucoma) ama cudur indhaha ah. Waa in araggaaga la baaro labadii sannadoodba mar haddii aad leedahay qaraabe soke oo lagu sheegay guluukooma (glaucoma).
• La soco isbeddelada xagga aragga indhahaaga. Sida ugu dhakhsaha badan ee suurogalka ah u tag Dhakhtarkaaga Guud (GP) haddii aad isku aragtid isbeddelo xagga aragga ah ama xanuun ah gudaha ama wareegga indhahaaga.
• Jooji sigaarka. Dadka sigaarka cabba ayaa saddex jeer uga badan dadka aan cabbin inay yeeshaan caad indhaha ku sameysma iyadoo sababtu tahay kiimikooyin laga helo qiiqa sigaarka.

Wixii su'aalo ah halkaan ku weydii
NHS Direct - SomaliDoc
Logged

1- Si aad wax ugu qortid Webka | 2- Si aad uga qeyb qaadatid doodaha | 3- Si aad su'aalo u waydiisid dhakhaatiirta
4- Si aad ula xiriirtid xubnaha kale | 5- Si aad ra'yigaaga u soo bandhigto
Waa inaad magac ku leedahay webka (Halkan Riix)
Pages: [1]
  Print  
 
Jump to:  

Related Topics
Subject Started by Replies Views Last post
Daryeelka Dhalmada Ka Hor (Prenatal Care) Cudurrada Haweenka SomaliDoc 1 517 Last post October 29, 2007, 02:10:09 AM
by SomaliDoc
Daryeelka Dhalmada Ka Dib (Postnatal Care) Cudurrada Haweenka SomaliDoc 0 414 Last post January 21, 2008, 02:07:07 AM
by SomaliDoc
Children's health care Cudurrada Caruurta Ahmed_07 1 227 Last post February 23, 2008, 01:45:15 AM
by Ahmed_07
Pregnant and Baby Care Topics in Healthcare Dr.Noora 3 189 Last post September 01, 2008, 02:54:18 PM
by Pharmacist
Daryeelka Kabka (Cast Care) Cudurrada Guud SomaliDoc 0 20 Last post December 25, 2008, 08:54:02 PM
by SomaliDoc
Powered by MySQL Powered by PHP Powered by SMF 1.1.7 | SMF © 2006-2008, Simple Machines LLC Valid XHTML 1.0! Valid CSS!


Google visited last this page January 03, 2009, 11:40:21 AM