Somali Medical Forums
January 07, 2009, 10:06:49 PM *
Welcome, Guest. Please login or register.

Login with username, password and session length
News: DISCUSSION: Does Teething Cause Diarrhea?
 
  Website   Home   Help Search Login Register  
Pages: [1]
  Print  
Author Topic: Barta lagu dhasho (Birthmarks)  (Read 431 times)
0 Members and 1 Guest are viewing this topic.
SomaliDoc
Moderator
*****

Points: 0
Online Online

Gender: Male
Location: Somalia
Field: SMF Helper
Posts: 224


Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!


WWW
« on: March 02, 2008, 09:27:16 AM »

Maxay yihiin?
Waxaa jira barra ku yaalla maqaarka ilmaha dhasha waxaana badanaa loogu yeeraa “barraha dhalashada”. Way koraan qaab ahaan waxayna badanaa ku yaalliin maqaarka sida marinada dhiigga (waxaa markaas loogu yeeraa astaanta halbowlaha ama (haemangiomas) unugyada midabka, (waxaana markaas loogu yeeraa astaamo).

Sababta lama yaqaan.
Carruurta badankood kama qaadaan dhibaatooyin badan barraha badankoodna uma baahna wax daaweyn ah.

Waa maxay barraha kala duwan oo lagu dhashaa, xaggee lagu arkaa sideena loo daweeyaa?

Astaanta halbowlaha (haemangiomas)
Calaamada guud ee halbowlaha oo la yaqaan “qaniinyada shimbirta” waxay u muuqataa guduud dhereran oo surka kaga yaal ilaa 50% ayeyna ku taalla carruurtu markay dhashaan. Waxay marmarka qaarkood kaga dhacdaa carruurta meella kale oo madaxa ah ama luqunta. Mida wajigu badanaa way baaba’daa mudda dhan shan sano laakiin kuwa gadaal ku yaal halkooda ayay ku oollaadaan.

Mida soo kacsan oo ah astaanta halbowlaha waa mida ah haemangioma, ama strawberry naevus. Waxayna muuqataa dhowr bilood dhalashada ka dib, waxayna ka duwan tahay mida dherersan oo lagu dhasho. Waxay u kortaa si degdeg ah mudda lix bilood ah waxayna samaysaa bura soo kacsan oo jilicsan wayna kala duwan tahay waxayna u dhexeysaa ilaa nus sentimeter ilaa dhowr sentimieter. Ilaa 10% carruurta dhalata ayaa yeellan kara haemangiomas-ka.
Badankood waa iska guraan waana baabaáan dawa laáan.
Marmarka qaarkood mid weyn oo buro oo kale ah ayaa ka soo baxda indhaha agtooda, sanka ama afka ayaana laga yaabaa inay u baahdaan daaweyn. Midaan waxaa lagu baabiín karaa laysar khaasa.
Marmarka qaarkood, waxaa dhakhtarku u qoraa qadar yar oo ah cortisone, taas oo laga qaadanayo afka taas oo joojin doonta koritaanka haemangiomas-ka baaxada weyn.

Astaanta midabka
Astaanta midabka waxaa ugu wacan siyaadida unugyada midabka oo ka siyaadey (melanocytes) maqaarka intiisa kore.
Midabka caansina waa dhibicda Mongolian. Midkaani waa dhul siman oo buni ah iyo madow xigeen kaas oo badanaa lagu arko qaarka dambe xaggiisa hoose. Badanaa waxaa lagu arkaa markuu ilmuhu dhasho dhibaatana ma keeno. badanaana waxaa lagu arkaa carruurta maqaarkoodu madow ama mugdi xigeen yahay (in ka badan 90% carruurta ayaa leh marka la dhinac dhigo 5% Anglo-Saxon-ka ah).
Dhibcaha loo yaqaan Mongolian spots waa baabaáan aakhirka.
Burada lagu dhasho ee loo yaqaan melanocytic naevus (birth mole) cidna wax ma yeesho koridiisuna midabka unugyada laga hello ilmaha markuu dhasho ama wuxuu ka muuqdaa bilaha ugu horreeya.
Dhibcahaani way ku kala duwan yihiin baaxad ahaan waxayna ka bilawdaan millimetre ilaa dhowr sentimetre waxaana laga yaabaa inay kor u kaco aana lana arki karin marka la dhinac dhigo dhibicda loo yaqaan Mongolian spot taas oo ah mid weyn.
Burooyinka badankood ilmuhu ku dhasho may laha wax khatar ah oo noqon kara kansar sidaas darteed uma baahna daaweyn. Si kasta arrini ha ahaatee, mararka qaarkood kuwa aadka u waaweyn in ka badan 20 cm ballar ahaan ayaa noqonkara khatar la xiriirta kansarka maqaarka.
Qaababka daaweynta oo ay helli karaan burooyinkaas waxaa ku jira in qaliin lagu gooyo mararka qaarkoodna waxaa lagu daweeyaa laysar.
Burooyinku badanaa ma jiraan xilliga ilmuhu dhasho. Waxaa siyaadaa midabka ay sameeyaan unugyada midabku (melanocytes). Waxay ku
dhacaan carruurta intay yar yihiin qoraxduna kulushahay waxayna kaga dhacdaa camanka, gacmaha gadaashooda ama calaacasha gadaasheeda.
Burooyinka waxaa laga yaabaa in lagaga hortegi karo qoraxda oo si fiican laysaga difaaco. Burooyinkaasi kama muuqdaan markuu ilmuhu dhasho waxayna u badan yihiin inay ilmaha ka muuqdaan markuu koro ama qaangaar noqodo.

Wixii macluumaadka intaas ka badan halkaan ayaa ku weydiin kartaa.

SomaliDoc
Logged

1- Si aad wax ugu qortid Webka | 2- Si aad uga qeyb qaadatid doodaha | 3- Si aad su'aalo u waydiisid dhakhaatiirta
4- Si aad ula xiriirtid xubnaha kale | 5- Si aad ra'yigaaga u soo bandhigto
Waa inaad magac ku leedahay webka (Halkan Riix)
Dr.Adnan
Sr. Member
****

Points: 0
Offline Offline

Gender: Male
Field: Med-student
Posts: 163


“Quick decisions are unsafe decisions.”

mrdilaawi@yahoo.co.uk
Email
« Reply #1 on: March 03, 2008, 03:01:20 PM »

Waad mahadsanthay walaal
Aad baan u xiiseeyaa waxyaahaba aad so galisid. xagaana kaga sii wad.
And thank you
Logged

"You must not lose faith in humanity. Humanity is an ocean; if a few drops of the ocean are dirty, the ocean does not become dirty. "
Mahatma Gandhi
Pages: [1]
  Print  
 
Jump to:  

Related Topics
Subject Started by Replies Views Last post
Qaliinkii Cajiibka Ahaa oo Maryam Lagu Badbaadiyay Cudurrada Qaliinka Dr.Mahdi 0 269 Last post October 30, 2007, 08:09:48 AM
by Dr.Mahdi
Ilmaha Ku Dhasho Miisaan Hoose Cudurrada Caruurta Diagnostic 0 317 Last post January 25, 2008, 03:16:54 PM
by Diagnostic
Calaamadaha lagu garto Iskitsoofiriiniyada Cudurrada Maskaxda SomaliDoc 0 314 Last post April 04, 2008, 09:54:00 AM
by SomaliDoc
Sidee lagu ogaadaa cudurka Iskitsoofiriiniyada? Cudurrada Maskaxda SomaliDoc 0 275 Last post April 07, 2008, 03:18:40 AM
by SomaliDoc
Uurdoox (ilmaha lagu qalay) [C/S] Cudurrada Haweenka SomaliDoc 0 682 Last post May 15, 2008, 02:11:37 PM
by SomaliDoc
Powered by MySQL Powered by PHP Powered by SMF 1.1.7 | SMF © 2006-2008, Simple Machines LLC Valid XHTML 1.0! Valid CSS!


Google visited last this page January 05, 2009, 05:20:30 AM