Somali Medical Forums
January 07, 2009, 10:25:14 PM *
Welcome, Guest. Please login or register.

Login with username, password and session length
News: DISCUSSION: Does Teething Cause Diarrhea?
 
  Website   Home   Help Search Login Register  
Pages: [1]
  Print  
Author Topic: Injirta madaxa (Pediculosis)  (Read 370 times)
0 Members and 1 Guest are viewing this topic.
SomaliDoc
Moderator
*****

Points: 0
Online Online

Gender: Male
Location: Somalia
Field: SMF Helper
Posts: 224


Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!


WWW
« on: January 24, 2008, 02:08:31 AM »

• Injirta madaxu waxay badanaa ku dhacdaa carruurta dugsiga, kumana badna carruurta yaryar
• Injirta si caadi ah looma arko, laakiin waxaa la arkaa ukunta oo ku dhegan timaha
• Kareemka injirta madaxa ama shaambada ayaa waajib ah in la isticmaalo ka dibna lagu celiyaa asbuuc ka dib
• Mida lagu dhaqo timaha shaambada ka dib (soomaalida qaarkeed utaqaan dooba-shaambo) timaha ayaa loo isticmaali karaa timaha taas oo sahlaysa in la soo saaro ukunta iyo injirta iyadoo la isticmaalayyo shanlada injirta
• Dooba shaambada iyo shanlada injirta waa in la isticmaalaa ilaa hal ukun ah laga waayo timaha
• Dhamaan qoyska ay injirtu gashay oo dhan waa in la daweeyaa si looga hortago infakshanka qoyska ku dhaca
• Shanlaynta, buraashida, koofiyada iyo kan timaha lagu xiro waa in aan la wadaagin

Maxay tahay?
Injirta madaxu waa xasharaad aan garba lahayn wuxuu keenaa iscuncun lafta madaxa. Waxayna quutaan dhiiga aadanaha waxayna ku nool yihiin kuna dhalaan ukun (qindhicil) timaha dushooda madaxa gadaashiisa surka iyo dhegaha gadashooda. Dadka badankood xasaasiyad ayey ka qaadaan injirta iyo ukunteeda taasina waxay keentaa is cuncun iyo isxoqxoqid.
Isxoqxoqidu waxay sababtaa in maqaarku noqdo mid caabuqa (wuxuu noqdaa guduud, beerbal ama kaffee) dheecaan leh qolofina ka soo fuqdo.
Dadka badankiis xasaasiyad kama qaadaan injirta dadkaasina waxay yeellan karaan injir madax laakiin iscucun ma leh ama wax kale oo lagu garan karo inay jirka ku jirto.
Badanaa injirtu waxay gashaa ardada dugsiga tagta, ama daryeelka xadaanada. Carruurta yaryar waa ku yar yihiin. Waxaa lagu
gartaa in la arko injirta ama ukunteeda iyadoo ku dhegan timaha ama lafta madaxa. Sida agoolka, qindhicilka shanlada si caadi ah looguma saari karo.
Injirtu waxay ku nooshahay basada ama lafta madaxa waxayna ku dhashaa ukun. Injirtu waxay qiyaas ahaan leιg tahay biinka wax lagu qabto madxiisa dadka badankiisna waxaa ku jirta 8-10 injirood basadooda sidaas darteed way adkaan kartaa in la arko. Waxaase jiri kara, boqolaal ukun ah (qindhicil) oo ku dhegan timaha kuwaas oo aan sahal lagu helli karin.
Waxaa lagu kala qaadaa injirta in madaxyadu istaabtaan ama isku koofiyad la isticmaalo ama isku xarig madaxa lagu xiro ama shaladu u kala gudbiso injirta laba qof. Injirtu kuma noolaan karto meel ka baxsan jirka aadanaha wax daqiiqada ka badan.

Sidee looga hortagaa?
Dhamaan xubnaha qoyska ee injirtu gashay waa in la daweeyaa si lagaga horatgo infakshanka qoyska dhexdiisa. Maaha inay wadagaan shanlooyinka, buraasha iyo wixii madaxa la gashado. Buraashka iyo shanlooyinka waa in lagu dhaqaa biya kulul si degana loo qalajiyaa.

Sidee lagu daweeyaa?
Daawada injirta waa in la isticmaalaa keliya marka ilmaha madaxiisa lagu arko injir. Si loo hubiyo injirta waa in la isticmaalaa dooba shaambada caadiga ah iyo shanlada injirta, waana hab kale oo lagula dagaalami karo daaweynteeda.
Dawaynta iyadoo la isticmaalayo habkaan, shanlada iyo dooba shaambada timaha waa in la dhexmariyaa timaha qalalan laga soo bilaabo basada iyadoo la isticmaalayo shanlada injirta. Timaha oo looga shaqeeyo qaybaqaybo si shanlo loogaga nadiifiyo si looga saaro dhamaan ukunta iyo injirta.
Qayb kasta waa in gooni loo shanleeyaa ugu yaraan 5 jeer. Ku dhaq madaxa oo dhan biya diirimaada marka aanay ku harin wax injir ama ukun ahi shanlada.
Dhibaatadu mar labaad ayey dhici kartaa haddaan si fiican looga saarin injirta ama ukunta. Waa in ilmaha la hubiyaa asbuuc walba iyadoo dariiqadaan la isticmaalayo.
Waxaa jira shaambooyin badan oo laga helli karo farmashiyaha. Kulligood kuma haboona carruurta yaryar ama dumarka uurka leh sidaas
darteed inta aadan gadan si taxadar leh u hubi. Habkaani aad ayuu u fiican yahay haddii loo raaco sidii lagu taliyey. Daawayntu waxay u baahan tahay in la kala sameeyo laba jeer oo ay dhexayso toddoba berri si loo saaro injirta iyo ukunta madaxa.
Madaxa ayaa laga yaabaa inuu sii ahaado mid cuncun leh asbuuc ka dib marka laga saaro injirta. Isxoqidu waxay ku dhalin kartaa maqaarka inuu noqdo maqaar xoqmaya, bararsan, qanjira bararsan iyo xumad sahlan.
Haddii taasi dhacdo arag dhakhtarkaaga.
Weli waa muhiim in la hubiyo ilmaha asbuuc walba iyadoo la isticmaalayo habkii dooba shaambada iyo shanlada 2-3 asbuuc ka dib marka la isticmaalo cayayaan dilaha si loo xaqiijiyo in daaweyntu waxtar ahayd.

SomaliDoc
Logged

1- Si aad wax ugu qortid Webka | 2- Si aad uga qeyb qaadatid doodaha | 3- Si aad su'aalo u waydiisid dhakhaatiirta
4- Si aad ula xiriirtid xubnaha kale | 5- Si aad ra'yigaaga u soo bandhigto
Waa inaad magac ku leedahay webka (Halkan Riix)
Pages: [1]
  Print  
 
Jump to:  

Related Topics
Subject Started by Replies Views Last post
Canbaar madaxa ka soo baxday Qaybta Su'aalaha Mweli 1 37 Last post December 12, 2008, 11:27:28 AM
by SomaliDoc
Cambaarta Madaxa (Tinea Capitis) Cudurrada Maqaarka SomaliDoc 0 19 Last post December 25, 2008, 09:09:00 PM
by SomaliDoc
Powered by MySQL Powered by PHP Powered by SMF 1.1.7 | SMF © 2006-2008, Simple Machines LLC Valid XHTML 1.0! Valid CSS!


Google visited last this page December 29, 2008, 02:20:02 AM