SomaliDoc
Moderator
   
Points: 0
Online
Gender: 
Location: Somalia
Field: SMF Helper
Posts: 224
Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
|
 |
« on: July 28, 2008, 09:05:34 PM » |
|
Kansarka maqaarku waa nooca ugu badan ee kansarka ka jira Maraykanka. Jirkaaga caadi ayey u tahay inuu unugyada duugga ah ku beddelo kuwo cusub. Mararka qaarkood unugyada maqaarku way kala qaybsamaan marka aan kuwo cusub loo baahneyn ka dibna kansar ayaa yimaada.
Arrimaha Halista leh Qof kasta, marka lagu daro dadka maqaarka, timaha iyo indhaha madow, waxay qaadi karaan kansar, maqaarka ah ma ahan oo keliya ee aad halista ugu ah. Adigu aad baad halis ugu tahay haddii aad Wakhti badan qorraxda/cadceeda isu dhigtid. Qoys kansarka maqaar qaba aad wax badan ku dhex jirtid Leedahay noocyo gaar ah ama tiro badan oo burooyin ah Leedahay maqaar gubta ama baro madow qorraxda aad ka qaaddo Leedahay maqaar cas Ka fogow inaad qorraxda joogto laga billaabo 10 subaxnimo ilaa 4 galabnimo. Xiro dhar sida koofi, shaati gacmo dheer iyo surwaal si aad isaga celiso fallaaraha qorraxda. Isticmaal qorrax celiye leh difaac qorrax (SPF) ee 15 ama ka sarreeya sanadka oo dhan marka aad dibedda aadeyso. Baro inaad aqoonsato waxa uu kansarka maqaarku u eg yahay. Maqaarkaaga bil kasta eeg. Wixii isbeddello ah takhtarkaaga u soo sheeg. Haddii aad halis ku jirto, takhtarka ku takhasusay maqaarka ee loo yaqaanno dermatologist u tag sanad kasta si uu kaaga baaro maqaarka.
Waxaa jira 3 nooc oo waaweyn oo kansar maqaar ah: Kansarka Unugyada Aasaasiga ah ( Basal Cell Carcinoma (BCC)): Kan ayaa ah nooca ugu badan. Kansarkaan wuxuu ku koraa unugyada asalka ah ee lakabka ugu hooseeya ee maqaarka. Noocaan wuxuu u koraa si tartiib tartiib ah isla markaana waa dhif inuu ku faafo qaybaha kale ee jirka, laakiin daaweyn wakhti hore ah ayaa loo baahan yahay. Noocaan wuxuu ka soo muuqdaa maqaarka loo bandhigay qorraxda sida wejiga, dhegaha, madaxa, iyo jirka qaybtiisa kore. Iska fiiri: ─ Buruqyo ama wax soo koraya oo ifaya ama dhalaalaya ─ Meel xanuun leh oo bogsata oo haddana dib u soo furanta ─ Wax aayar kor u soo koraya, oo casaan ah ─ Dhibco maqaar oo lur leh, oo guduudan ─ Dillaac dheeh leh
Squamous Cell Carcinoma (SCC): Kansarkaan wuxuu ku koraa unugyada squamous ee lakabka sare ee maqaarka. Noocaan waxaa laga heli karaa meel kasta marka lagu daro gudaha afka iyo cowrada. Daaweyn waqti hore ah qaado si looga hortago faafidda kansarkaan. Iska fiiri dhibic qolof leh oo maqaarka kaaga sameysanta oo badanaa salka dhibic guduudan ku leh.
Melanoma: Noocaan wuxuu ka billowdaa unugyada maqaarka ee maqaarka midabka u yeela. Melanoma wuxuu unugyada iyo xubnaha kale ugu faafi karaa si deg-deg ah. Xaddiga ka bogsashadu wuu sarreeyaa marka waqti hore la daaweeyo. Iska fiiri isbeddello ku yimaada burooyinka ama burooyin cusub halkaasoo: ─ Burada kala barkeedu uusan barka kale u dhigmin. ─ Cirifyada buradu ma sinna ama way kala sarreeyaan. ─ Midabku isku mid ma ahan isagoo leh in ka badan hal har ama midab. ─ Cabbirku wuu ka weyn yahay goommaha qalin rasaaska ama wax sidaas ah oo cabbirka iska beddelaa ma jiraan. ─ Waxaa jira isbeddello sida laga dareemayo ah. Waxaa laga yaabaa iney ku cun-cunto, engegto, soo kuusanto, bararto ama xanuuneyso.
Daryeelkaaga Daaweyntu waxay ku lug leedahay in maqaarka laga gooyo nudaha looga shakiyey kansar maqaar. Taas waxaa lagu sameynayaa xafiiska takhtarka ama isbitaalka. Nudaha waxaa loo diraa shaybaar si looga baaro unugyo kansar. Tan waxaa loo yaqaannaa dheecaan unug ka soo qaadid (biopsy). Badanaa, daaweyn kale looma baahna. Kansarka maqaarka waxaa kale oo lagu daaweyn karaa daaweynta shucaaca iyo kiimiko.
Haddii aad qabtid wax suaalo ah ama walaac halkaan ka weydii. SomaliDoc
|