Somali Medical Forums
January 08, 2009, 01:27:14 AM *
Welcome, Guest. Please login or register.

Login with username, password and session length
News: DISCUSSION: Does Teething Cause Diarrhea?
 
  Website   Home   Help Search Login Register  
Pages: [1]
  Print  
Author Topic: Waa maxay Isnadaamis (Scabies)?  (Read 455 times)
0 Members and 1 Guest are viewing this topic.
SomaliDoc
Moderator
*****

Points: 0
Online Online

Gender: Male
Location: Somalia
Field: SMF Helper
Posts: 224


Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!


WWW
« on: May 06, 2008, 08:52:51 AM »

Muxuu yahay?
Isnadaamisku waa cuncun maqaarku yeesho waxaana keena bahala yaryar oo ku nool maqaarka dushiisa, kuna dhala jirka aadamiga dushiisa.
Bahalkaasi wuxuu ku nool yahay keliya aadanaha. Xayawaanka qaarkood waxaa geli kara bahalahaas, laakiin dulumkaas yaryari wax ma yeello aadanaha.
Isnadaamisku wuxuu dhaliyaa is cuncunid siyaada ah dhibca guduudan (maqaarka cad wuxuu noqdaa guduud, kan madoobina wuxuu noqdaa beerbal) jirka meelihiisa laalaabka ah. Badanaa kuma dhacdo madaxa iyo qoorta. Cuncunku wuxuu u daran yahay habeenka marka hawadu kulushahay.
Dulumku wuxuu galaa maqaarka, khaasatan farah wareegooda, wuxuu kaloo galaa carruurta yaryar lugahooda. Wuxuu kaloo galaa gacmaha iyo cagaha carruurta dhalinta yar. Waxaa laga yaabaa inuu ku dhaliyo nabara yaryar meelahaas. Dulumka waxaa kaloo laga helli karaa canqawga, kilkilada, guska, xiniinyaha agagaarkooda iyo ibta agagaarkeeda. Dadka waxaasi ku dhacaan waxay u yeeshaan xasaasiyad dulamka maqaarka. Dabadeedna korka oo dhan ayaa xajiimooda waxayna yeeshaan furuuruc xasaasiyadeed.

Sidee lagu gudbiyaa?
Isnadaamiska waxaa badanaa loogu gudbiyaa kuwa kale iyadoo la isku dhowaado qofka qabo, sida marka gacanta la qabto. Badanaa waxaa isqaadsiiyaa qoyska. Carruurta wada cayaaraysa badanaa waa is qaadsiiyaan. Isnadaamisku kama yimaado nadaafad xumo. Isnadaamisku kuma noolaado meel ka baxsan aadanaha sidaas darteed lagama qaado kaarbitka ama gogosha.

Sidee looga hortagaa?
Dhamaan xubnaha qoyska iyo dadka u dhow qof qaba isnadaamis waa in la daweeyaa, ama ha qabeen ama yaanay qabin cudurkee. Daaweynta qofka qaba cudurka iyo weliba kuwa kuu dhow ayaa ah habka ugu fiican oo lagaga hortegi karo xaalladaan.

Sidee lagu daweeyaa?
Dadka badankiis waxaa lagu daweyn karaa kareem ama lowshan la mariyo maqaarka dila ugxanta nool. Waa in dhakhtar lagala tashadaa daawada ugu fiican. Kareemka waa in la mariyaa jirka oo idil, iyadoo tixgelin gaara la siinayo gacmaha iyo meesha maqaarku ka laaban yahay oo u dhow xubnaha dhalmada. Waa in loo daayaa ilaa 24 saacadood lagana dhaqaa maalinta ku xigta. Haddii gacmaha la dhaqo waqtigaan, waa in kareem ama lowshan la mariyaa gacmaha mar labaad.

Xubnaha guriga degan oo dhan waa in isku mar la daweeyaa. Sarriiraha lagu seexdo habeenka daaweynta iyo dharka la qaatay maalmihii ugu dambeeyey waa in la dhaqaa. Waxaa ku filan in lagu dilo ugxanta iyo kiimikada daawada wax lagu dhaqo si ay u disho dulumka. Badanaa waxaa la soo jeediyey in daaweynta mar labaad lagu celiyo.

Mar daawada la isticmaalo, furuuraca cuncunka lihi wuxuu qaataa 2 ilaa 3 asbuuc inuu dhamaado. Dakhtarka waxaa laga yaabaa inuu kuu qorro kareemka loo yaqaan cortisone si loogu kantaroollo cuncunka iyo jirada maqaarka taas oo ugu dhacda qofka isnamadaamiska dartiis. Carruurtu waxay aadi karaan dugsiga maalinta daaweynta maalinta ku xigta.

Macluumaadka intaas ka badan halkaan ku weydii
SomaliDoc
Logged

1- Si aad wax ugu qortid Webka | 2- Si aad uga qeyb qaadatid doodaha | 3- Si aad su'aalo u waydiisid dhakhaatiirta
4- Si aad ula xiriirtid xubnaha kale | 5- Si aad ra'yigaaga u soo bandhigto
Waa inaad magac ku leedahay webka (Halkan Riix)
Pages: [1]
  Print  
 
Jump to:  

Related Topics
Subject Started by Replies Views Last post
waa maxay negro Feel Free Here Dr.Salwa 4 491 Last post March 17, 2007, 09:54:03 PM
by Dr.Salwa
Waa Maxay HIV, AIDS? Qaybta Wacyi Galinta SomaliDoc 0 508 Last post November 26, 2007, 07:24:14 AM
by SomaliDoc
Waa Maxay Daroogadu? Qaybta Wacyi Galinta Pharmacist 0 297 Last post December 07, 2007, 12:32:13 PM
by Pharmacist
Waa Maxay Mammogram?! Radiology & Medical Imaging Waxbaro! 1 621 Last post June 21, 2008, 12:49:23 AM
by Princess_Muni
Waa Maxay Indho Fiiqid?! Cudurrada Indhaha Binuciise 1 407 Last post February 26, 2008, 01:33:01 AM
by SomaliDoc
Powered by MySQL Powered by PHP Powered by SMF 1.1.7 | SMF © 2006-2008, Simple Machines LLC Valid XHTML 1.0! Valid CSS!


Google visited last this page Yesterday at 10:53:39 AM