Somali Medical Forums
January 08, 2009, 01:41:43 AM *
Welcome, Guest. Please login or register.

Login with username, password and session length
News: VIDEO: Medical doctors graduated in Somalia
 
  Website   Home   Help Search Login Register  
Pages: [1]
  Print  
Author Topic: Calaamadaha lagu garto Iskitsoofiriiniyada  (Read 316 times)
0 Members and 1 Guest are viewing this topic.
SomaliDoc
Moderator
*****

Points: 0
Online Online

Gender: Male
Location: Somalia
Field: SMF Helper
Posts: 224


Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!


WWW
« on: April 04, 2008, 09:54:00 AM »

Calaamadaha iskitsoofiriiniya waxaa loo kala qaybin karaa calaamado togan iyo calaamado taban.
Calaamadaha togan waxaa lagu yaqaanaa iskitsoofiriiniyada daran halka calaamadaha taban lagu yaqaano ciladda muddo dheer jirtay.

Inkastoo calaamadaha togani ay ugu daran yihiin, isla markaana ay ugu dhib badan yihiin, calaamadaha tabani waxay keeni karaan dhibaatooyinka ugu badan, sababta oo ah waxay jiraan mudada ugu dheer daaweyntooduna way ugu dhib badan tahay.

Calaamadaha in cudurku jiro ah kuwa ugu waaweyni waa:
• Nasasho la’aan, dhaqan qaylo iyo dhaqan caqli aan ku dhisnayn
• Isbeddelo niyadda oo dhakhso ah
• Dareen niyadeed oo aan xaaladda jirta ku haboonayn
• Fikir aan qaab lahayn
• Dareen ah in cid kale qofka xukunto – qofka oo u maleynaya in fikradihiisii iyo waxqabadkiisii lala wareegay
• Dhalanteed rumeysi
• Isku-sawirid (Hallucinations)
• Fiiro la’aan – qofka oo aan ka warqabin in fikradiisa, waayihiisa iyo dhaqankiisu aanay caadi ahayn
• Shaki, kaasoo marrarka qaarkood ah shaki waali ah (paranoia).

Dhalanteed rumeysigu waa rumeyn qofku isku qufulay wax aan run ahay, oo aan caqli-celin lagaga beddeli karin. Dhalanteed rumeysiga marwalba lagama garan karo fikradaha qofku aad u rumeysan yahay laakiin ah ra’yi guud ahaan la beeniyay, gaar ahaan haddii kooxi
fikradahaa la wadaagto qofka. Laakiin dhalanteedka intiisa badani waa kuwo asal ahaan aan caqli-gal ahayn, ama si cad loo arko inay ku saleysan yihiin aragti ama caqli khaldan, sidaa daraadeedna tilmaan u noqon kara qas maskaxeed oo culus.

Dhalanteedka waalidu waxa uu u kala qaybsan yahay dhawr nooc waxaana ka mid ah:
• Dhalanteed cadaadin (dhalanteed waali ah)
• Dhalanteedka isla weynaanta
• Dhalanteedka cudur (rumeyn in qofku jiran yahay laakiin aan sal lahayn)
• Dhalanteed uu qofku rumeysan yahay in jirkiisu aanuu caadi ahayn
• Dhalanteedka run-ma-ahaanta iyo shakhsiyad-guurka (depersonalisation)
• Dhalanteedka in cid kale ama jin qofka xukumo
• Dhalanteedka is-qiime-jabinta ama inaan qofku faa’iido lahayn.

Isku-sawiriddu waa dareen aan lahayn wax sababay oo ka imanaya dibadda qofka. Sidaa daraadeed waa isku-sawirid haddii qofku uu arko waxaan jirin ama uu maqlo codad aan ka iman sanqar meel ka imanaysa. Isku-sawiridda waa in laga sooco dhalanteedka, oo isagu ah fikrado khaldan.

Isku-sawiriddu waa calaamad u caadi ah iskitsoofiriiniya. Waxaa laga yaabaa inuu ka yimaado dareenka aragga (isku-sawiridda indhaha); maqalka, kaasoo marmarka qaarkood muusig ah (maqal); taabashada; dhadhaqanka; ama urta.

Isku-sawiriddu waxay caadi ahaan dadweynaha guud ku dhacdaa marka ay sii seexanayaan (hypnagogic hallucinations), ama marka ay hurdada ka toosayaan (hypnopompic hallucinations).

Calaamadaha taban waxaa ka mid ah daalka, isku-taxalujin la’aanta iyo tamar iyo xiise la’aanta, kuwaasoo ay uga sii dari karto  waxyeellooyinka daawooyinka loo isticmaalo daaweynta calaamadaha toban. Iyadoo sababtu tahay calaamadahaa, waxaa laga yaabaa
in shakhsiga aanay suurogal u noqon inuu wax ka qabto hawlo maalmeedka.

Qaababka dhaqan ee lagu arkay dadka qaba iskitsoofiriiniyada muddo dheer jirta waxaa ka mid ah:
• Bulsho ka-go’id
• Firfircooni yaraan
• Isku-taxalujin la’aan
• La’aanta hawlo maararow ama maaweelo ah
• Muujin la’aanta dareen
• Gaabin jireed
• Firfircooni badni jireed
• Is-dayaacad
• Dhaqdhaqaaqyo ama qaab joog oo lala yaabo (waa dhif).

1- Waa maxay Iskitsoofiriiniya (Schizophrenia)?
2- Maxaa calaamado ah ee lagu gartaa Iskitsoofiriiniyada?
3- Maxaa sababa cudurka Iskitsoofiriiniyada?
4- Sidee loo baaraa cudurka Iskitsoofiriiniyada?
5- Sidee loo daaweeyaa cudurka Iskitsoofiriiniya?

wixii su'aalo aad qabtid halkaan ku weydii
SomaliDoc
Logged

1- Si aad wax ugu qortid Webka | 2- Si aad uga qeyb qaadatid doodaha | 3- Si aad su'aalo u waydiisid dhakhaatiirta
4- Si aad ula xiriirtid xubnaha kale | 5- Si aad ra'yigaaga u soo bandhigto
Waa inaad magac ku leedahay webka (Halkan Riix)
Pages: [1]
  Print  
 
Jump to:  

Related Topics
Subject Started by Replies Views Last post
Calaamadaha Foosha Cudurrada Haweenka SomaliDoc 0 395 Last post December 13, 2007, 02:18:40 PM
by SomaliDoc
Waa Maxay Calaamadaha Niyad Jabka? Cudurrada Maskaxda SomaliDoc 0 345 Last post March 29, 2008, 02:36:51 PM
by SomaliDoc
Maxaa Sababa Cudurka Iskitsoofiriiniyada? Cudurrada Maskaxda SomaliDoc 1 389 Last post April 28, 2008, 12:52:29 AM
by Mahadgurey
Sidee lagu ogaadaa cudurka Iskitsoofiriiniyada? Cudurrada Maskaxda SomaliDoc 0 275 Last post April 07, 2008, 03:18:40 AM
by SomaliDoc
Calaamadaha Khatarta ah ee Uurka Cudurrada Haweenka SomaliDoc 0 47 Last post December 25, 2008, 09:02:56 PM
by SomaliDoc
Powered by MySQL Powered by PHP Powered by SMF 1.1.7 | SMF © 2006-2008, Simple Machines LLC Valid XHTML 1.0! Valid CSS!


Google visited last this page Yesterday at 01:06:41 PM