Somali Medical Forums
January 07, 2009, 09:14:51 PM *
Welcome, Guest. Please login or register.

Login with username, password and session length
News: DISCUSSION: Does Teething Cause Diarrhea?
 
  Website   Home   Help Search Login Register  
Pages: [1]
  Print  
Author Topic: Maxaa Dhaliya Diiqadda/Niyad Jabka?  (Read 332 times)
0 Members and 1 Guest are viewing this topic.
SomaliDoc
Moderator
*****

Points: 0
Online Online

Gender: Male
Location: Somalia
Field: SMF Helper
Posts: 224


Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!


WWW
« on: March 30, 2008, 05:31:48 PM »

Niyadjabku wuxuu badannaa ka bilaabmaa, marka uu isbeddel weyn ku yimaado nolosha qofka. Niyadjabka waxaa ka horayn kara xaalad ah, inuu qofku lumiyo (waayo) dad muhiim u ah, ama waxyaabo noloshiisa muhiim u ah, sida Shaqo la’aan ama guri la’aan ku dhacda. Niyadjabku wuxuu mararka qaar ka bilaabmaa xaalad ay tahay inuu qofku iska debero arrimo waawey oo ku cusub, oo aad moodo in awooda qofku aanay ku filnayn. Waxyaabahaasi waxay noqon karaan, tusaale ahaan guuritaan meel cusub, la qabsasho dhaqan cusub ama barasho af cusub.

Dadka qaar inuu niyadjabku ku dhaco way uga fududdahay kuwa kale. Arrintaasna waxaa sabab u noqon kara, tusaale ahaan jinsiyada layska dhaxlo ama dabeecadda qofka. Waxaa kaloo la og yahay in niyadjabka ay la xiriiraan isbeddello ku yimaada habka ay maskaxdu u shaqayso.

Isbeddelladaasi badannaa sidoodii hore ee caadiga ahayd ayey ku soo noqdaan, marka uu qofku niyadjabka ka bogsado.

In badan diiqadda ama niyad jabku waxa dhaliaya arin mar dhacda, khaasatan marka ugu horaysa. Wixii kugu dhacay yaraantaadii waxay raad ku yeelan kartaa sidaad u dareemaysid naftaada hada.

Waayo-aragnimada dhiilaysani, sida dhaawacista, kufsiga waxay dhalin karaan diiqada, sida murugadu u dhaliso. Ma’aha dhinac xumi ka eegida oo keliya tan dhalisa diiqadda, laakiin waad sidaad ula macaamishid. Waayo aragnimada dhinac xumi ka eegista waxay had iyo jeer ku kordhiyaan diiqadda hadii aanad falaqayn, una bandhigin si fiican.

Diiqadda waxa kale oo ay ku xirantahay (in ay dhaliso) cuno xumida, jirkoon dhisnayn ama xanuunada joogtada ah.

Dawooyinka loo isticmaalo jir dhisida, IWM waxay keeni karaan diiqad.

1- Waa maxay diiqaddu ama niyad jabku?
2- Meeqo nooc oo niyad jab ah ayaa jirta?
3- Waa maxay calaamadaha diiqaddu/niyad jabku?
4- Maxaa dhaliya diiqadda/jiyad jabka?
5- Sidee loo daaweeyaa diiqadda/niyad jabka?
6- Noocyada daawooyinka ee diiqadda/niyad jabka?
7- Maxaan samayn karaa ee naftayda ku caawiyaa?
8- Maxay saaxiibadu iyo reerku samayn karaan inay i caawiyaan?

Halkaan ku weydii wixii su'aalo ah
SomaliDoc
Logged

1- Si aad wax ugu qortid Webka | 2- Si aad uga qeyb qaadatid doodaha | 3- Si aad su'aalo u waydiisid dhakhaatiirta
4- Si aad ula xiriirtid xubnaha kale | 5- Si aad ra'yigaaga u soo bandhigto
Waa inaad magac ku leedahay webka (Halkan Riix)
Pages: [1]
  Print  
 
Jump to:  

Related Topics
Subject Started by Replies Views Last post
Fahmitaanka Niyad Jabka (Depression) Cudurrada Maskaxda SomaliDoc 0 237 Last post March 25, 2008, 04:23:52 PM
by SomaliDoc
Waa Maxay Calaamadaha Niyad Jabka? Cudurrada Maskaxda SomaliDoc 0 344 Last post March 29, 2008, 02:36:51 PM
by SomaliDoc
Sidee Loo Daaweeyaa Diiqadda/Niyad Jabka? Cudurrada Maskaxda SomaliDoc 0 317 Last post March 30, 2008, 05:45:27 PM
by SomaliDoc
Noocyada Daawooyinka ee Diiqadda/Niyad Jabka? Cudurrada Maskaxda SomaliDoc 0 303 Last post April 01, 2008, 02:43:20 AM
by SomaliDoc
Niyad Jabka Umusha Kadib (Post Natal Depression) Cudurrada Haweenka SomaliDoc 4 1256 Last post May 04, 2008, 07:19:13 PM
by SomaliDoc
Powered by MySQL Powered by PHP Powered by SMF 1.1.7 | SMF © 2006-2008, Simple Machines LLC Valid XHTML 1.0! Valid CSS!


Google visited last this page Today at 12:58:27 PM