Somali Medical Forums
September 09, 2010, 03:06:28 AM *
Welcome, Guest. Please login or register.

Login with username, password and session length
News: DISCUSSION: Does Teething Cause Diarrhea?
 
  Website   Home   Help Search Login Register  
Pages: [1]
  Print  
Author Topic: Maxaan samayn karaa ee naftayda ku caawiyaa?  (Read 1169 times)
0 Members and 2 Guests are viewing this topic.
SomaliDoc
Moderator
*****

Points: 0
Offline Offline

Gender: Male
Location: Somalia
Field: SMF Helper
Posts: 535


Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!


WWW
« on: April 01, 2008, 01:48:32 AM »

Xanuunka diiqaddu wuxuu leeyahay sifo aad u muhiim ah markaad doonaysid in aad ka adkaato. Diiqaddu iyadaa is quudisa. Waad diiqaysaa ka dibna waad sii diiqaysaa marka ogaatid in aad xanuusanaysid. Fekradaha aad dhinaca xun wax ka eegayso ayaa kugu soo noqnoqonaya, waayo way kaaga adkaanaysaa in aad iska difaacdo. Xaaladan aad ku sugantahay ee diiqada ayaa markaa ka waynaanaysa, ciladii markii hore keentay. Mid aad u muhiim ah ee ah in aad ogaatid waxa weeye in aanay jirin xal diyaar ahi. Xalilida mushkiladanu waxay u baahantahay waqti, awood, iyo shaqo. Marka aad niyad jabsantahay ma lihid awood ama niyad aad ku shaqaysid. Laakiin hadii si firfircoon uga qayb qaadato dawaynta hadalka ah, waxa laga yaabaa in ay arintan kaa caawiso.

Waxa muhiim ah in aad tijaabiso in aad jebisho ciriiriga uu kugu hayo diiqaddu. Waa inad jebisaa xeernaanta dhinaca xun aad wax ka eegaysid. tijaabi in markaad ku fekeraysid (dhinaca xun) in aad ku bedesho mid dhinaca fiican ah. Eeg waxyaalaha maskaxda kaa mashquuliya. In kastoo laga yaabo in aad jeclaysan, tijaabi ka qayb qaadshada ciyaaraha, waa dawayn fiican. Ciyaarista, orodada, boodada, baaskeelada, iyo xataa socodka iska war wareegu wuxuu dhiiri geliyaan kimikal la yidhaahdo ‘endrophins’, taas oo kaa kalmeenaya in aad fiicnaato.

Waxaad u baahantahay waxyaalaha hagaajinaya sida dareenka naftaadu yahay. Tijaabi in aad naftaada hagaajiso. Waad in aad jidhkaaga ilaalisaa – si fiican wax u cuntaa. Mijo baxsataa, waa in aanad naftaada wax ku yeelin sigaarka, khamriga, ama maan dooriyayaasha kale. Eeg sidaad u eegtahay, oo qurxi aragaaga.

1- Waa maxay diiqaddu ama niyad jabku?
2- Meeqo nooc oo niyad jab ah ayaa jirta?
3- Waa maxay calaamadaha diiqaddu/niyad jabku?
4- Maxaa dhaliya diiqadda/jiyad jabka?
5- Sidee loo daaweeyaa diiqadda/niyad jabka?
6- Noocyada daawooyinka ee diiqadda/niyad jabka?
7- Maxaan samayn karaa ee naftayda ku caawiyaa?
8- Maxay saaxiibadu iyo reerku samayn karaan inay i caawiyaan?

Wixii su'aalo iyo faahfaahin ah halkaan ku weydii
SomaliDoc
Logged

1- Si aad wax ugu qortid Webka | 2- Si aad uga qeyb qaadatid doodaha | 3- Si aad su'aalo u waydiisid dhakhaatiirta
4- Si aad ula xiriirtid xubnaha kale | 5- Si aad ra'yigaaga u soo bandhigto
Waa inaad magac ku leedahay webka (Halkan Riix)
WWW.SOMALIDOC.COM
Pages: [1]
  Print  
 
Jump to:  

Related Topics
Subject Started by Replies Views Last post
Maxay Saaxiibadu iyo Reerku Samayn karaan inay i Caawiyaan? Cudurrada Maskaxda SomaliDoc 0 982 Last post April 01, 2008, 01:56:07 AM
by SomaliDoc
See Isu Naaxin Karaa? Qaybta Su'aalaha Wadaniyada 4 1007 Last post January 13, 2009, 09:47:21 AM
by Wadaniyada
Xanuunka schizophrenia ma keeni karaa kulayl jidhka ah? Qaybta Su'aalaha Barkhat 4 910 Last post May 22, 2009, 12:45:03 PM
by SomaliDoc
So'aal: Maxaan ku xifdiyaa indhahayga? Qaybta Su'aalaha Cmqalinle 1 614 Last post June 02, 2009, 08:00:47 PM
by SomaliDoc
Suáal: Ma la daaweyn karaa curyaamidda xubnaha taranka? Qaybta Su'aalaha Abukar 5 528 Last post September 01, 2009, 02:56:05 PM
by Abukar
Powered by MySQL Powered by PHP Powered by SMF 1.1.11 | SMF © 2006-2009, Simple Machines LLC Valid XHTML 1.0! Valid CSS!


Google visited last this page August 11, 2010, 02:39:10 PM